Sign in to follow this  
xiinfaniin

Bari Governor vs. Pirates

Recommended Posts

Burcad Badeeda Markabka ku haysata Baargaal oo ka digay Weerar kaga yimaada Puntland iyo Saraakiil la socot Godoomiyaha G/bari oo Xalay

 

Arbaco, April 14, 2010 (HOL) - Burcad badeeda Gacanta ku haysa Markabka ku afduuban Baargaal ayaa ka digay Weerar kaga yimaada Puntland,isla markaana sheegay in ay Shaqaalaha saaran markabka waxyeelo u gaysanayaan hadii loo soo dhawaado.

 

Hadalka ka soo yeeray Burcadda ayaa yimid ka dib markii ay ka warheleen in Ciidamo la socda Godoomiyaha G/bari ay howl galo kasamaynayaan meelo ka mid ah xeebaha degmada Baargaal ee G/Bari.

 

Nabadoon Axmed Salaad oo ka mid ah dadka deegaanka Baargaal ayaa HOL u xaqiijiyay in Burcaddan iyo Odayaasha ay wada xiriireen,Isla markaana laga cabsi qabo dhibaato loo gaysto shaqaalaha Saaran Markabkaasi.

 

Waxey Burcaddu noo sheegeen in hadii la soo weeraro ay waxyeelo u gaysan doonaan shaqaalaha Saaran Markabka"ayuu yiri Nabadoonka isaga oo si gaar ah ugu waramayay HOL.

 

Saraakiil amaanka ah oo u horkacayo Godoomiyaha G/Bari oo xalay gaaray degmada Baargaal ayaa isku afgartay in Meel looga soo wada jeesto sidii loola dagaalami lahaa Burcad badeed.

 

Markabka MV Nasar Talca oo ku gooshaya Calanka Baarmuda ayaa in Mudo ah lagu haystaa Degmada Baargaal,Waxaana Burcada haysta ay dalbadeen lacag Madax Furasho ah oo aan la cayimin ilaa iyo hada.

 

Faisel Maxamed Hassan(Boston),Hiiraan Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

^ It's Eyl Cartel vs Bargaal cartel. smile.gif

 

Ayl Baa ka Horaysa Booqashada Baargaal

April 10, 2010

By GalgalaNews

Waxaa su ,aal uu qof kasta oo wax garanayaa is waydiin karo ah maxuu maamulka pland u tagi waayay oo ciidamo ugu diri waayay xarunta burcad dabeed soomaaliya ee Ayl oo uu hawgalo uga samayn waayay burcad safayn ah ?

 

 

Waxaa keenay in iswaydiintaanu timaado sida aad la wada socotaan waxa uu maamulka Puntland u diray dagmada Baargaal ciidamo uu leeyahay waxaan ku safaynaynaa burcad badeeda halkaas oo ciidanka pland iyo bulshada deegaanku iskaga horyimeedeen waxayna sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraaya in ciidamadaas iyo shacabka dagmada baargaal ay dhex martay is rasaasayn markii ay ciidamadu isku dayeen in ay qabqabtaan dad kaluumaysato ah oo ay yiraahdaan waa burcad badeed iyada oo laga duulaayo warbixintii ay soo saartay qaramada modoobay ee lagu eedeeyay xubnaha xukuumada ugu sareeyaa in ay yihiin dad xiriir la leh burcad badeeda isla markaana caalamka lagu tusaayo in ay xukuumadu ay diyaar u tahay wax ka qabashada burcad badeeda iyada oo qaab siyaasadaysan ah oo la rabo in caalamka la jaahwareeriyo oo wax beena laga gado ayay sidaas darteed ciidamo ugu direen meel aan burcad joogin hadaba waxa ay garteen dadka dagan dagmada baargaal oo ay qaadan waayeen in burcad badeedana indha laga laabto dadka kaluumaysatada ahna la yiraahdo waa burcad badeed isla markaana waxaa ay ku guulaysteen dadka deegaankaas ku nooli in ay iska caabiyaan kana saaraan dagmada baargaal ciidamadaas ka gadaal markii uu mudo saacado ah uu socday dagaalku ayaa waxa ay ciidamada soo duulay u adkaysan waayeen rasaastii kaga imaanaysay dhanka shacabka deegaanka isla markaana ay iskaga baxeen magaaladi.

 

Hada ka hor ayay ahayd mar uu booqasho ku tagay sanadkii hore Madaxwayne Faroole isaga oo ay weheliyaan saraakiil ciidamada ka tirsan xeebta tuulada Mareero halkaas oo ah meel dad kaluumaysato ah ay joogaan waxa uuna halkaas ku tilmaamay in ay tahay xarunta burcad badeeda lakiin waxa uusan moogayn Faroole in xarunta burcad badeedu tahay Ayl .

 

Waxaa iswaydiin mudan maxuu faroole indhaha uga laabanayaa Ayl iyo Garacad ? jawaabtu waa deegaanadaas waa deegaano uu dhaqaale ka soo galaayo xukuumada pland falalka burcad badeednimo ee laga sameeyo deegaanadaas lakiin deeganadaan kaleeto wax dani uguma jirto in maraakiib lagu qabsado taasi waxay cadayn u tahay warbixintii qaramada midoobay ay ku sheegayeen in maamulka pland iyo burcad badeeda uu xiriir wanaagsani ka dhaxeeyo.

 

Tan maanta ah ciidan u dirida dagmada Baargaal ayaa waxay tahay mid ay rabto xukuumada uu garwadeenka ka yahay Faroole in uu indhaha shacabka iyo kuwa caalamkaba ku qaldo oo uu yiraahdo way ka go,an tahay xukuumadayda in ay la dagaalanto burcada.

 

Waxaa arin aad loogu riyaaqo ah garashada ay garteen bulshada ku dhaqan dagmada baargaal hagardaamada iyo dhibaatayna aan caadku saarayn ee loola yimi shacabka deegaanka oo la leeyahay dadkii kaluumaysatada ahaa waa burcad dabeed arinkaas qofkasti waa garan karaa waxa loola jeedo ama danta laga leeyahay hawlgalkaas lagu qaldaayo indha caalamka ee meel aan burcad badeed joogin la leeyahay hawlgal ciidan ayaa ka soo fulinay meelihi ay joogeena la daawayaano oo aan waxbana laga qabanayn haba yaraatee.

 

Haddi ay xukuumadu ku andacooto waxaa magaalada baargaal lagu haystaa markab waxaa mid la wada og yahay ah in magaalooyinka ,Ayl, Garacad, Jariiban lagu haysto maraakiib tiro badan kuwaas maxay u aadi wayday xukuumadu.

 

Waxaa jirta in uu xiriir la sameeyay allcasayr dhalinta burcada ah ee haysata markabka sida sunta ee lagu haysto baargaal waxayna noo sheegeen in ay la soo hadleen saraakiil ka mida xukuumada pland ayna yiraahdeen cashuurta maamulka ee ku aadan lacagta madax furashada ah waa in aad iska bixisaan marki ay lacagtu idin soo gaarto dhalintaasuna way ku gacan sayreen arinkaas isaga ah waxay yiraahdeen deegaanka lagu haysto markabka lagana soo qabtay bada deegaanka isaga oo isku dayaaya in uu sunta ku daadiyo waa deegaan aysan pland haba yaraatee aysan waxba u qaban marka ma ahan deegaan ay kula gorgortami karto dadka haystaana ma ahan dad ay la gorgortami karto waxay kaloo ugu jawaabeen haddi ay yaraadeen qabsashadi maraakeebeed ee lagu qabsan jiray deegaanka Ayl waa imaanayaane yaan damac idinka galin cidkasta taasu waa cadaan in xukuumada pland ay xiriir la leedahay burcad badeeda .

 

Waxaa kaleeto oo jirta in madaxda sheegata in ay yihiin kuwa u arimiya burcad badeeda sida Yasiin Dheeree ay joogaan magaalada garoowe maxaa kuwaas ay xukuumadu u qaban waysay ? jawaabta isla markiiba qofkasta ku soo dhacaysa maskaxdiisa ayaa ah in ay isku xifi yihiin ragaas Faroole sidi la sheegana ay kaalin wayn ka qaateen soo bixitaankii uu Faroole ku soo baxay doorashooyinkii pland isla markaasna uu noqday madaxwaynaha pland sidaa darteedna uusan samayn karin in uu xiro ninki uu shalay dhaqaalihiisa uu ku soo baxay

 

Waxaan ku soo gababaynayaa qormadaydaan in xukuumada ay joojiso falalka lagula kacaayo dadka kaluumaysatada ah iyada oo la rabo in caalamka la yiraahdo waan la dagaalamaynaa burcad badeeda tusaalena looga dhigo dad aan waxba galabsan oo jeelasha lagu soo xirxirto isla markaana la xakumo , waxaa ku boorinayaa dhamaan shacabka pland in ay arinkaas meel uga soo wada jeestaan gartaana falalka siyaasadaysan ee loogu fakaray si aan waafaqsanayn diinta islamka xeerka xukuumada pland oo ah falal foolxun muujinayana qabyaalad ee ay ku kacaayso xukuumada ku sheega hada jirtaa.

 

Qormadii :

 

Idiris Makiinad Dooxajoog

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^No, it’s not like that. It’s genuine efforts to fight well-equipped pirates.

And believe me, the success of Puntland wont affect negatively on the wellbeing and progress of those brothers in the North. So easy with the silly reaction to this good news.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

^ The artcle is from GalgalaNews not mine so contain yourself. smile.gif Maxaad la xanaaqday, maa Eyl Cartel baad taageertaa? ;)

 

It not the first time Farooles claimed a crackdown is on, and not the first time he was accused of double-standards either. There are three sides to this story. Let's hope this time the crackdown is for real so the foreign navies can leave the neighbourhood.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Ayoub I think you have far more pressing matters to attend to! Like figuring out how to get that ex-regime leader of yours to hold elections! You went from holding enclave wide elections to having no elections all because of him! Our leaders on the other hand come and go!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Since Bargaal is part of Bari region, the governer is right to take an appropriate action against pirates. However, Faroole is not taking action against Eyl pirates which is the center of criminal priate activity in Puntland? The question is why?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

^^^^ Maybe he has a stake in the pirateship don of Eyl and the piracy money that comes out of it doesn't take a genius to figure it out.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this