Cowke Posted January 18, 2010 Wafdi Aqoonyahano Malaysian ah oo Booqasho Ku Yimid Magaalada Boosaaso (Sawiro) Boosaaso, (RBC Radio) Wafdi heer sare ah oo ka socda jaamacadda UUM ee dalka Malaysia ayaa booqasho ku yimid magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Wafdigan aqoonyahanada reer Malaysia oo ka socda jaamacada caalamiga UUM ee dalka Malaysia ayaa booqashadooda Boosaaso waxay la xiriirtaa sidii xariga looga jari lahaa barnaamij waxbarasho Master ah oo laga fulinayo jaamacada Bariga Afrika (EAU) ee magaalada Boosaaso iyadoo ay barnaamijkaasi bixinayaan macallimiin ka socda jaamacadaa Malaysia. Wafdigan oo ka kooban 4 xubnood waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ku soo dhoweeyey masuuliyiinta jaamacada Bariga Afrika kuwaasi oo garoonka ku qaabilay wafdiga Malaysia. Xubnaha wafdiga oo si diiran loo soo dhoweeyey Gudoomiye ku xigeenka jaamacada Bariga Afrika C/qaadir Siciid Cabdi oo ka hadlay soo dhoweynta wafdigan markii ay ka soo degeen garoonka diyaaradaha ayaa sheegay in ay guul weyn u tahay guud ahaan dadka Soomaaliyeed inay nasiib u helaan barnaamij jaamacadeed oo laga fulinayo gudaha dalka isla markaana ay kaalinka geysaneyso jaamacada UUM Malaysia. Waxaa uu gudoomiye ku xigeenku jaamacada Bariga Afrika EAU uu sidoo kale xubnaha wafdiga ku soo dhoweeyey magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Dr. C/samad oo ah gudoomiye ku xigeenka jaamacada UUM ee Malaysia oo isaguna saxaafada ugu waramay gudaha garoonka diyaaradaha ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay isaga iyo xubnaha kale ee wafdiga ay yimaadaan Soomaaliya gaar ahaan Boosaaso, waxaana uu ka mahadceliyey soo dhoweynta loo sameeyey. Waxaana uu Dr. C/samad ku tilmaamay Soomaaliya dalkiisa labaad. Waxaa wafdiga markii ay ka soo degeen garoonka diyaaradaha loo gudbiyey hotelka International Village halkaasi oo ay nasasho ku qaateen, waxaana masuuliyiinta jaamacada EAU oo soo dhoweynta gacanta ku hayey ay sheegeen in maalmaha soo socda la qaban doono xaflad ballaaran oo xariga looga jarayo barnaamijka jaamacada UUM ee “Masterka” . Jaamacadaha EAU Boosaaso iyo UUM Malaysia oo ah bah wadaag ayaa si wadajir ah u wada waxbarashada sare ee jaamacada iyadoo ay labada jaamacdood hore isaga kaashadeen barnaamijyo koorsooyin ah oo laga fuliyey magaalooyinka Boosaaso, Garowe iyo Galkacyo oo ay jaamacada EAU xarumo ku leedahay. Waxaana haatan la filayaa in barnaamijkan cusub ay dad badan ka faa’ideysan doonaan, gaar ahaan ay ku kaaftoomi doonaan arday badan oo u safri jiray waxbarashada dibada. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted January 18, 2010 Malaysian Envoy = Wafdi heer sare ah oo ka socda jaamacadda UUM ee dalka Malaysia Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted January 18, 2010 This is strengthening ties between the university of east africa and malaysian university in areas such as curriculum, research, and in the future scholarships. We already have scholarships done for high school students who can at anytime go to a sudani university by using their puntland high school certificate as an entry point. This is a feat not done anywhere else in somali inhabited regions. Not even JABUTI!!! Their high school certificates are not recognized anywhere outside of jabuti!!! It is matter of further strengthening higher education facilities in puntland to make sure it's not out-dated material being taught but up to date. We don't want to find our students going to sudani universities or yemeni universities and FAILING. Therefore it is up to us to guarantee they have the basics covered in puntland and to further streghten them at international facilities!!! This malaysian envoy is just another university we are building ties with!!! And it is not GNN :eek: Quote Share this post Link to post Share on other sites