Sign in to follow this  
Cowke

Bossaso Police Lock Up Hundreds Of People. (PICS)

Recommended Posts

Cowke   

Hawlgal Dad Badan Lagu Xirxiray oo Maanta Laga Fuliyey Boosaaso (Sawiro)

 

Boosaaso (RBC) Ciidamada booliska oo ay wehlinayaan kuwa Daraawiishta Puntland ayaa saaka waaberigii ka bilaabay magaalada Boosaaso hawlgal si saf mar ah dadka loogu qabqabanayo.

 

Hawlgalkan oo bilawday subaxnimadii ayaa sida wararku sheegayaan waxaa lagu soo qabtay boqollaal ruux oo u badan dhalinyaro laga soo qabtay waddooyinka magaalada. Waxaana hawlgalku uu socday illaa maanta duhurnimadii.

 

Ciidamo hubeysan oo wata baabuurta waaweyn ayaa lagu arkay magaalada iyadoo dadka lagu daabulayo baabuurta iyadoo dhamaan dadka la qabtay loo taxaabay saldhigyada booliska ee magaalada.

 

Inkastoo saraakiisha amaanku aysan ka hadlin hawlgalkan ayaa haddana warar ku dhow hay’adaha amaanka waxay sheegayaan in dadka la qabtay ay gaarayaan illaa dhowr boqol oo ruux.

 

Dadka la xiray ayaa u badan dadka ka soo jeeda gobolada koonfurta dalka iyo dad u dhashay qowmiyada Oromada oo ku nool magaalada, waxaana sidoo kale jirta dad degaan ahaan ka soo jeeda Puntland oo iyaguna hawlgalka lagu xiray.

 

Mar wariyaashu maanta tageen saldhiga dhexe ee booliska Boosaaso oo dadka la geeyey ayaa waxaa lagu arkayey dadka la soo qabqabtay oo si horin horin ah u dhex fadhiya saldhiga booliska. Saraakiisha booliska, maamulka gobolka iyo kan degmada Boosaaso ayaa ka gaabsaday inay wax tafaasiil ah ka bixiyaan hawlgalkan.

 

Warar madax banaan ayaa sheegaya in hawlgalkan uu daba joogo tallaabooyin amaanka magaalada Boosaaso wax looga qabanayo oo ay wadaan masuuliyiinta dowlada iyadoo ay jireen qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo dhowaanahan ka dhacay Boosaaso.

 

Waxaana hawlgalkan uu yimid toddobaad ka dib magacaabista guddiga amniga Boosaaso oo toddobaadkii hore loog dhawaaqay kulankii golaha wasiirada dowlada Puntland oo ka dhacay magaalada Garowe.

 

 

RBC Radio

 

hawlgal3-300x225.jpg

 

hawlgal.jpg

 

hawlgal2.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland arrests people for only beeing from the South? Is this your idea of seeking Somali unity?

 

I rather have the Hargeysa Sesseniost anyday then this.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

CALI-300x225.jpg

 

hawlgal2.jpg

 

Strange how our military vehicles that shoud all be in sool fighting the border war is being converted into police trucks. Very sad indeed. I hope they come out with all of north-east hub on 1st of august and do huge parade!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Chief, they are cracking down hard because these explosions on a weekly basis for months now is hit crisis point. Swift action is needed to send a message to the public that we won't tolerate this anymore.

 

But remember these ppl if they found innocent they will be released and im certain alot of them will be realized in the coming days.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Wasirka amniga Puntland "Dadka aan u dhalan Puntland waa laga sarayaa "

 

Wasirka amniga Puntland Genaral Yusuf Axmed Khaye ayaa maanta shir jara’id oo uu ku qabtay Xarunta Madaxtooyada Puntland ee magaalada Garoowe , waxaa uu kaga hadlay Amaanka Magaalada Bosaso iyo Hawlgalo ay cidamadu ay ka wadaan Gudaha magaaladaas, oo ay dad ku soo qabqabanyaan cidii danbi lagu helo kuwaas oo guri guri u baraya magaalada si loo ogado falalka amaan darada cida ku lug leh, waxaana uu uga digay dadka iyagu shacabka la dhexmaraya in puntland ay cidamo qoranayso, aysan waxba ka jirin oo Puntland ay leedahay cidamo ku filan

 

Genaraal Yusuf Axmed Khayr waxaa kale oo sheegay in laga saarayo Dadka aan u dhalan Puntland laguna celinayo Meelihii ay ka yimaadeen si loo xaqiijiyo cida ka danbaysa amaan darada ku soo noqnoqonaysa Magalada ganacsiga Puntland ee Bosaso kadibna loo guda galo cida ku gabanaysa dadkaasi ciday doonaan ha hadane, waxaa uu intaasi raaciyay in loo bahan yahay sidii shacabku uga qayb qadan lahayeen amaanka bosaso sidii loowada ilaalin lahaa

 

Wasirku waxaa uu ku micneeyay hawlgaladaan balaran ee ay qaadayaan in ay tahay mid lagu xaqiijinayo dilalkii ugu danbeeyay cidii ka danbaysay kuwaas oo loo gaystay saraakiil badan oo ka tirsan maamulka Puntland kuwaas oo isugu jiray garsoorayaal xildhibaano iyo cidamo,

 

Waxaana ay arintaani ku soo beegmanaysaa uu wasirku ka hadlay oo ku saabsanayd amaanka Bosaso iyadoo ay cidamo aad u badan ay ku sii qul qulayaan Magalada Bosaso kuwaas oo aan la garanayn sababaha ka danbaysa waxaa keenay in cidamo aad u badan oo ku gashaman tiknikada noocyadeeda kala duwan,

 

C/naasir Yaasiin Salaad

SBC International- Garoowe

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Dadkii Maanta Laga Qabqabtay Boosaaso oo Galabta Loo Dhoofiyey Magaalada Gaalkacyo

 

Gaalkacyo (RBC) Ciidamada booliska magaalada Boosaaso ayaa galabta magaalada ka dhoofiyey in ka badan 600 ruux oo maanta lagu qabqabtay hawlgal ay fuliyeen ciidamada.

 

Gawaari waaweyn oo ay ka buuxaan dadka maanta la qabqabtay oo u badan dhalinyaro ayaa galabta u safray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug halkaasi oo sida dad xog ogaal ahi sheegeen dadka dib loogu celiyey.

 

Sida RBC ay u sheegeen ilo wareedyo ku dhow hay’adaha amniga tirada guud ee dadka maanta la qabtay ayaa gaaraya 700 ruux oo dhamaantood laga qabtay waddooyinka magaalada Boosaaso, kuwaasi oo lagu ururiyey saldhigyada booliska ee magaalada.

 

Baaritaan maanta lagu sameeyey dadka la qabqabtay ayaa lagu siidaayey 130 ruux oo sida la sheegay ka soo jeeda gobolada Puntland, halka tirada inteeda kalena galabta loo daabulay magaalada Gaalkacyo.

 

Dadkan galabta loo qaaday Gaalkacyo ayaa ah dad dhalasho ahaan ka soo jeeda gobolada Koonfurta dalka, degaanka Soomaalida Galbeed (******iya) iyo dad ka soo jeeda qowmiyada Oromada ee Ethiopia, kuwaasi oo dhamaantood laga soo ururiyey magaalada Boosaaso.

 

Saraakiisha amniga waxay gebi ahaan saxaafada u diideen inay wax xog ah ka bixiyaan dadka la qabqabtay iyo sida laga damacsan yahay, inkastoo warar hore ay sheegayeen in dadka la kala saari doono.

 

Qabqabashada dadka maanta ayaa lagu tilmaamay sababo dhinaca amaanka ah, waxaana masuuliyiinta amnigu horey u sheegeen inay wadaan talaabooyin amniga wax looga qabanayo, gaar ahaan midka magaalada Boosaaso oo waayadan dambe qaraxyo iyo dilal qorsheysan ay ka dhacayeen.

 

Ma cadda in hawlgalku uu sii socon doono maalmaha soo socda iyo inkale, Waxaana hawlgalkan maanta uu saameyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqyada ganacsiga iyo hawlaha dadka caadiga ah ee magaalada ku nool kuwaasi oo cabsi ay ku beertay dadkan laga qabqabanayo waddooyinka magaalada.

 

RBC Radio

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Cowke:

Dadkii Maanta Laga Qabqabtay Boosaaso oo Galabta Loo Dhoofiyey Magaalada Gaalkacyo

 

Gaalkacyo (RBC) Ciidamada booliska magaalada Boosaaso ayaa galabta magaalada ka dhoofiyey in ka badan 600 ruux oo maanta lagu qabqabtay hawlgal ay fuliyeen ciidamada.

 

Gawaari waaweyn
oo ay ka buuxaan dadka maanta la qabqabtay oo u badan dhalinyaro ayaa galabta u safray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug halkaasi oo sida dad xog ogaal ahi sheegeen dadka dib loogu celiyey.

 

Sida RBC ay u sheegeen ilo wareedyo ku dhow hay’adaha amniga tirada guud ee dadka maanta la qabtay ayaa gaaraya
700 ruux oo dhamaantood laga qabtay waddooyinka magaalada Boosaaso
, kuwaasi oo lagu ururiyey saldhigyada booliska ee magaalada.

 

Baaritaan maanta lagu sameeyey dadka la qabqabtay
ayaa lagu siidaayey 130 ruux oo sida la sheegay ka soo jeeda gobolada Puntland, halka tirada inteeda kalena galabta loo daabulay magaalada Gaalkacyo.

 

Dadkan galabta loo qaaday Gaalkacyo ayaa ah dad
dhalasho ahaan ka soo jeeda gobolada Koonfurta dalka, degaanka Soomaalida Galbeed (******iya) iyo dad ka soo jeeda qowmiyada Oromada ee Ethiopia,
kuwaasi oo dhamaantood laga soo ururiyey magaalada Boosaaso.

 

Saraakiisha amniga waxay gebi ahaan saxaafada u diideen inay wax xog ah ka bixiyaan dadka la qabqabtay iyo sida laga damacsan yahay, inkastoo warar hore ay sheegayeen in dadka la kala saari doono.

 

Qabqabashada dadka maanta ayaa lagu tilmaamay sababo dhinaca amaanka ah, waxaana masuuliyiinta amnigu horey u sheegeen inay wadaan talaabooyin amniga wax looga qabanayo, gaar ahaan midka magaalada Boosaaso oo waayadan dambe qaraxyo iyo dilal qorsheysan ay ka dhacayeen.

 

Ma cadda in hawlgalku uu sii socon doono maalmaha soo socda iyo inkale, Waxaana hawlgalkan maanta uu saameyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqyada ganacsiga iyo hawlaha dadka caadiga ah ee magaalada ku nool kuwaasi oo cabsi ay ku beertay dadkan laga qabqabanayo waddooyinka magaalada.

 

RBC Radio

What will Puntland do with these people? Build concentration camps in Galkacyo and hold them there? Or punt them "across" the green line(future Seperation Wall) in Galkacyo? And since when is Puntlander a Nationality(Dhalasho)?

 

And if so, is someone from Somali Galbeed not from the same "Nationality". Why hasnt there any Somalilander been deported, I know there are many in Bossaso. Do they enjoy special rights? Or is there are consular agreement on free movement of people between Somaliland and Puntland?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Ciidanka oo Maalintii Labaad Howlgalo Kawada Magaaladda Bosaaso (Sawiro)

July 20, 2010

 

Ciidamada amniga ee magaaladda Bosaaso oo gacan ka helaaya kuwa Daraawiishta Puntland ayaa shalay magaaladda ka bilaabay howlgalo ay dad badan ku qab qabteen.

 

Dadka lagu qab qabtay howlgalada ayaa u badan kuwa kasoo jeeda gobolada Koonfureed ee Soomaaliya laguna tuhmaayo in ay ka dambeeyaan falalka amaan darrada ee ka jiray magaaladda.

 

Inbka badan 500-qof ayaa laga musaafuriyey magaaladda isla markaana la saaray gawaarida waaweyn ee loo yaqaano caandhomeydle kuwaas oo geeyey magaaladda Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

 

Howlgalada ayaa maanta guda galay maalintiisa labaad,waxaana wararka qaar sheegaayan in ay sii socon doonaan mudo maalmo ah.

 

Labo ka mid ah Ciidanka ayaa maanta lagu dilay bartamaha magaaladda, lamana yaqaano cidii ka dambeysay dilkooda, saraakiisha Ciidanka ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan.

 

Magaaladda Bosaaso ayaa waxaa ka dhacaayay mudooyinkii lasoo dhaafay falal amaan darro ah oo isugu jira qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

 

Horseed Media

 

DSC08254.jpg

 

DSC08253.jpg

 

DSC08255.jpg

 

DSC08248.jpg

 

DSC08252.jpg

 

DSC08256.jpg

 

DSC08244.jpg

 

DSC08246.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Garowe (RBC) Magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa laga bilaabay qabqabashada dadka degaan ahaan ka soo jeeda gobolada koonfureed ee Soomaaliya kuwaasi oo ku noolaa magaalada.

 

Hawlgal ballaaran oo ciidamada booliska ay bilaabeen maanta ayaa lagu qabqabtay dad gaaraya 100 ruux oo ah dhalinyaro ka soo jeeda gobolada koonfureed ee dalka, waxayna dadkan ahaayeen ganacsato iyo xoogsato ku noolaa Garowe in mudo ah.

 

Saraakiisha ciidamada ee hogaamineysa hawlgalkan ayaa sheegay inay maanta magaalada ka musaafuriyeen 100 ruux oo ay ka qabqabteen waddooyinka magaalada.

 

Dadkan ayaa iyagoo saaran gawarida waaweyn ee xamuulka ayna waardiye ka yihiin ciidamada ayaa galabta loo musaafuriyey magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug halkaasi oo la sheegay in looga saarayo Puntland. Waxaana magaalada Gaalkacyo horey ugu sugnaa dad kor u dhaafaya 500 ruux oo shaley iyaguna laga soo qabqabtay magaalada Boosaaso.

 

Warar RBC ka heshey Gaalkacyo ayaa sheegaya in dadkan iyo dadkii shaley la geeyey magaalada ee laga soo qabqabtay Boosaaso ee jooga Gaalkacyo weli lagu hayo saldhig ciidan oo Gaalkacyo ku yaalla halkaasi oo ay dhibaato ku heysato ka dib markii maamulada Puntland iyo Galmudug isku fahmi waayeen in dadka loo gudbiyo dhinaca koonfurta oo ay maamusho Galmudug.

 

Mid ka mid ah dadka degaanka oo RBC u waramay ayaa sheegay in dadka ay heysato xaalad nololeed oo adag maadaama 24 saac iyoka badan ay ku xereysan yihiin saldhiga booliska Gaalkacyo iyadoo ay yar tahay cunada iyo biyaha loo heli karo dadka.

 

Marka la eego tallaabadan dadka loogu musaafuriyey Gaalkacyo waxay u muuqataa inay tahay mid aan laga fiirsan oo dadka aan loo diyaarin halkii la geyn lahaa iyo sifihii ay ku safri lahaayeen, taasina ay keentay in dad gaaraya ku dhowaad 600 24 saac iyo ka badan ku xereysan yihiin xero ciidan.

 

Dhinaca kale maamulka Galmudug ayaa la filayaa inuu aqbalo qaabilaada dadkan Puntland soo musaafurisay oo ah dad Soomaaliyeed una dhashay gobolo kala duwan oo Soomaaliya ka tirsan.

 

RBC Radio

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Dad Laga Soo Musaafiriye Boosaaso Oo Soo Gaarey Magaalada Gaalkacyo (Sawiro).

 

 

 

Cawil Maxamuud Cabdi

 

RBC Radio, Gaalkacyo

 

Cawil@raxanreeb.com

 

Gaalkacyo (RBC Radio):- Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa maanta barqadii waxaa soo gaarey boqolaal ruux oo dhalinyaro ah kuwaasi oo laga soo musaafiriyey magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga ee maamulka Puntland.

 

Ilaa iyo afar gaari oo ah nooca xamuulka ee loo yaqaan Candhameydlaha oo sida dad badan islamarkaana ay galbinayaan ciidamada Booliska Puntland ayaa soo gaarey magaalada Gaalkacyo, waxaana gaadiidkii dadkaasi waday si toos ah loogu xareeyay xarunta Taliska Qeybta Booliska gobolka Mudug ee maamulka Puntland.

 

Dadkani oo ka soo jeeda gobolada koonfurta dalka Soomaaliya ayaa lagu soo qabtey hawlgal dhinaca amaanka ah oo ay maalintii shalay ciidanka Booliska Puntland ka sameeyeen gudaha magaalada Boosaaso, waxaana tiro ahaan dadkani ay gaarayaan ilaa iyo 500 oo ruux, sida ay sheegeen Saraakiishii wadey dadkaasi.

 

 

Boqolaalkani ruux ee la soo daabulay ayaa maamulka Puntland u qorsheeyay in dib loogu celiyo goboladii ay kal hore ka yimaadeen ee koonfurta Soomaaliya, kadib markii looga shakiyey ku lug lahaanshaha amni darrada ka jirta magaalooyinka Puntland oo ay magaalada Boosaaso ugu horeyso.

 

 

Dadkani ayaa waxaa ka muuqatey diif iyo daal uu ku reebay safarkii ay soo galeen, waxaana dhamaantood ay u muuqdeen kuwa laga xiirey timaha, taasi oo ay sameeyeen ciidanka Booliska gobolka Bari, si loogu aqoonsado in ay yihiin dadkii laga soo musaafiriyey magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

 

 

Taliska Qeybta Booliska Gobolka Mudug ayaa haatan diyaarinaya in dadkaani dhalinyarada ah ee gaaraya 500 oo ruux in la siiyo raashin ay cunaan iyo nasiino kadibna ay u gudbin doonaan gobolada koonfurta dalka Soomaaliya iyaga oo la kaashan doona maamulka koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug.

 

 

Dhinaca kale Madax ka socota Hay’ada DRC oo uu horkacayo Duqa Degmada Gaalkacyo C/raxmaan Maxamuud ayaa booqasho ku tagey Taliska Qeybta Booliska Gobolka Mudug si ay u arkaan boqolaalka dhalinyarada ah ee laga soo celiyey magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ee maamulka Puntland.

 

RBC Radio.

 

515.jpg

 

410.jpg

 

67.jpg

 

122.jpg

 

314.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this