Sign in to follow this  
General Duke

Badhan: Ministy of Health names a commisioner for SANAAG region

Recommended Posts

Bidix%20Isuduwaha%20Cusub,%20dhexda%20Ag

Badhan isduwaha Caafimaadka Sanaag oo la Magcaabay +Sawiro

 

Wasiirka caafimaadka Puntland Dr. Cali Cabdullahi Warsame ayaa maantey xilka Isuduwaha Caafimaadka Gobalka Sanaag waxaa uu u magacaabay Siciid C/laahi Ducaale, waxaana masuulkan cusub uu yahay nin dhalinyaro ah oo aqoon caafimaad leh, kaasi oo ay Wasaaraddu rajaynayso inuu isbadal balaaran oo dhanka Caafimaadka ah kasameeyo Gobalkaas.

 

 

Wasiirka Caafimaadka Puntland Cali Cabdullahi Warsame ayaa maantey markii uu xilkaas u magacaabay Siciid C/laahi Ducaale waxaa uu la dardaarmey Isuduwaha Cusub ee Caafimaadka ee Gobalka Sanaag, waxaana uu u raejeeyey inuu noqdo mid dalkiisa iyo dadkiisaba u adeega kana qaybqaata samatabixinta dhanka Caafimaadka ee Gobalkaas.

 

 

 

 

 

Wasiirku waxaa ugu baaqey Isuduwihii hore ee Gobalka Sanaag Dr. Ciise Axmed Taajir inuu xilka Isuduwaha Caafimaadka ee Gobalka Sanaag iyo hantida uu hayaba uu ku wareejiyo Isuduwaha Cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Gobalka Sanaag Siciid C/laahi Ducaale.

 

 

Warbixin Cisbitaalka Magaalada Badhan.

 

 

Cisbitaalka Degmada Badhan waxaa la dhisay 1985 waxaana dhisay Dowladii hoose ee Soomaaliya ee dhacday bilowgii 1991, Cisbitaalku waa uu hawl gabay gabi ahaanba markii ay dowladii Soomaliya dhacday ilaa iyo laga soo gaaray sanadku markuu ahaa 2005, Billowgii 2005 waxaa cisbitaalka u furay dadweynaha u il daranaa adeega caafimaad Jaalliyada dibeda, waxaa na furmay adeega caafimaad ee dadweynaha Gobolka Sanaag.

 

 

Waxaa uu la tacaalayey buukaanka degmada iyo guud ahaan sanaag bari,waxaa uu shaqeynaayey 24ka saacadood waxaa la helaayey adeeg caafimaad sida adeega xaalada degdega ah, waxaana uu fulinaayey shaqooyinka bini'aadamnimada ah ee dadka dadka soo qaxay iyo kuwa dhibaataysan.

 

 

 

 

 

Dr Ciise Axmed Taajir

 

 

Waxaa muddo ka badan lix bilood mushaharka shaqaalaha caafimaadka cisbitaalka gacanta ku hayey Jaaliyada Debeda, masee sii buuxin kaalintoodi muhiimka u ahayd shacabkooda ku nool Gobolka Sanaag.

 

 

Kadib waxaa uu Dr. Ciise Axmed uu adeeg caafimaad oo aan ****oli karin cisbitaalka ka helay Dowlad Goboleedka Puntland isagoo kaashanaaya qaybo ka mid ah maamulka, Bilo kadib waa ay joogsaday adeegii caafimaadka gobolka, taas oo cadaynaysa in maamulku uusan gudan kalintiisa caafimaad.

Cisbitaalka Badhan wuxuu dooboolayey adeega caafimaad in 1300 qof sanadkiiba.

 

 

Qaybaha cisbitaalka 3 ward oo bukaan Lab iyo Dhadigba, Farmasi, Qolka xaalada degdega, Qolka maamulka, Qolka soo dhawaynta, iyo Qaybta TB-da oo aan agabku u dhamaystirnayn.

Qalabka yaala cisbitaalka waa ka mid ah X-ray , Ultrasound Scan, ACG Endoscopia, Lap, iyo Qalab qaliin.

Shaqaalaha fulinaayey adeegan waa kuwa u dhashay sanaag bari iyo gobolada deriska ah ee soomaaliya,

2 dhakhtar, 1 maamule, 1 xisaabiye, 1 khasnaji, 14 kalkaaliye, 2 lapist, 2 X ray technician,

1 lacag uruuriye, 1 motorist, 4 nadiifiso, 3 wardiye iyo 1driver.

 

 

Gabi ahaanba cisbitaalku waa uu is xiray kadib markii uu waayey adeega caafimaad ee cisbitaal, Guud ahaan Sanaag bari wuxuu noqday xaaladiisi hore ee uusan adeeg caafimaad ka jirin, Sanaag Bari waqtigan la joogo ma laha adeeg dhaqaale ama isku socod dhaqaale oo kabi kara adeega ee caafimaadka.

 

 

Dr. Ciise Axmed ''Cisbitaalku waa uu shaqaynaaya isaga oo aan wax taageero ah helin wali!''

 

 

Muddo dhan 2 bilood waxaa dib cisbitaalka u furay ururka caafimaadka iyo shaqaalihii cisbitaalka ee adeega caafimaad fulin, kabdi markii uu shuban biyoodka (Water Diahrea) iyo Shuban dhiiga (Blood Diahrea) lagu arkay dad aan saa u badnayn degmada badhan taas oo ay keentay kabdib xilli abaarta sanadka ay dadku cabeen biyihii ku kaydsanaa berkedaha, sidoo kela waxaa soo ifbaxay cudurka kaneecada laba qaybood (Malaria & Vivvax)taas oo keentay biyaha aan safaysnayn ee la keydiyey.

 

 

Yaa ka qaybqaatay Taageerada Cisbitaalka iyo Soo kordhinta Qalabka?.

 

 

Johanitor:- Intii lagu jiray sanadkii 1996, Haayadii Johanitor waxay dhistay qayb Bukaan waxayna dib u habayn ku samaysay cisbitaalka.

 

Al - Manhal:- Sanadku markuu ahaa 2004 Al - Manhal waxay dhistay bakhaarka daawada, lix qol oo kale iyo Musqul, waxay cisbitaalka ugu deeqday X-ray, Ultrasound Scan, ACG Endoscopia, iyo qalab lap.

 

 

Cabdirisaaq Maxamed Cismaan:- Waxa uu ka mid yahay Jaaliyada reer minesota ee Cariga America, waxa uu dhisay Qaybta TB da, Dr. Ciise Axmed '' Waxaan u mahadcelinaynaa muwaadinkaas dhisay qaybtaas dhan dadkiisa anfac aduunyo u sameeyey naftiisana anfac aakhiro u sameeyey, wuxuu mudanyahya in dadku ku dayadaan".

 

 

Inta kale qalabka waxa soo uruuriyey Dr. Ciise Axmed, Wasaarada Caafimaadka Puntland waxay gaadiid caafimaad siisay cisbitaalka Degmada Badhan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this