Jacaylbaro Posted November 18, 2007 Waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ka socda guluf xoogan oo ay wadaan beelaha Ra'isal Wasaarihii hore Cali Maxamad Geedi. Beeshan ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii Ra'isla Wasaaraha cusub u heli lahaayeen halkaas oo ay ku sugan yihiin wafti balaaran ee uu hogamainayo Gudomiyaha gobolka Banaadir Maxamad Dheere. Wafdigaan oo ka kooban 220 qof oo maalmihii la soo dhaafey la tashiyo la wadey Madaxweynaha DFKMG ah ayaa gudbiyey musharax. Warar hoos oo Garowe Online ka heshay xubno ku sugan magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo waftiga la socda ay u gudbiyeen Madaxweynaha DFKMG ah ninkii noqon lahaa Ra'isla Wasaraha cusub iyada oo wararku tibaaxayaan in Cabdulahi Yusuf aqbaley. Waftiga Maxamad Dheere ayaa u gudbiyey Madaxweyne Cabdulahi musharaxa lagu magacabo Nuur Xuseen Xasan (Nuur Cadde) oo ah nin ka soo shaqeyey Soomaliya, isagoo markii hore ahaa General ka tirsanaa Ciidanka Boliiska Somaliyeed, kadibna noqday Xeer Ilaaliye, waqtigan xadirka ahna ahaa Gudoomiyha Hay'ada Bisha Cas. Nuur Cade oo ka soo jeeda besha Ra'isal Wasarihi hore [Cali Maxamad Geedi] ayaa hadana waxa jiffo hoose yihiin Muse Sudi iyada oo wararku sheegayaan in Gudomiyaha gobolka Banaadir Maxamad Dheere aad u raadinayo arinkaan si uu gacanta ugu dhigo tageerada beeshiisa oo dhan. Dhinaca kale xilka Ra'isl Wasaraha ayaa waxaa u sharaxan Maxamed Maxamuud Guuleed "Gacma Dheere", Prof. Afrax, Jamal Xaji Axmed iyo xubno kale oo fara badan. Ra'isla Wsaaraha cusub ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo 48 saac ee socota iyada oo warar aan la xaqiijin sheegayaan in Madaxweyne Cabdulahi Yusuf go'ansadey in Nuur Cade loo magacaabo xilkaan Garowe Online,Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites