Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Nuur Xuseen Xasan (Nuur Cadde) ??????

Recommended Posts

Waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ka socda guluf xoogan oo ay wadaan beelaha Ra'isal Wasaarihii hore Cali Maxamad Geedi.

 

Beeshan ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii Ra'isla Wasaaraha cusub u heli lahaayeen halkaas oo ay ku sugan yihiin wafti balaaran ee uu hogamainayo Gudomiyaha gobolka Banaadir Maxamad Dheere.

 

Wafdigaan oo ka kooban 220 qof oo maalmihii la soo dhaafey la tashiyo la wadey Madaxweynaha DFKMG ah ayaa gudbiyey musharax.

 

Warar hoos oo Garowe Online ka heshay xubno ku sugan magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo waftiga la socda ay u gudbiyeen Madaxweynaha DFKMG ah ninkii noqon lahaa Ra'isla Wasaraha cusub iyada oo wararku tibaaxayaan in Cabdulahi Yusuf aqbaley.

 

Waftiga Maxamad Dheere ayaa u gudbiyey Madaxweyne Cabdulahi musharaxa lagu magacabo Nuur Xuseen Xasan (Nuur Cadde) oo ah nin ka soo shaqeyey Soomaliya, isagoo markii hore ahaa General ka tirsanaa Ciidanka Boliiska Somaliyeed, kadibna noqday Xeer Ilaaliye, waqtigan xadirka ahna ahaa Gudoomiyha Hay'ada Bisha Cas.

 

Nuur Cade oo ka soo jeeda besha Ra'isal Wasarihi hore [Cali Maxamad Geedi] ayaa hadana waxa jiffo hoose yihiin Muse Sudi iyada oo wararku sheegayaan in Gudomiyaha gobolka Banaadir Maxamad Dheere aad u raadinayo arinkaan si uu gacanta ugu dhigo tageerada beeshiisa oo dhan.

 

Dhinaca kale xilka Ra'isl Wasaraha ayaa waxaa u sharaxan Maxamed Maxamuud Guuleed "Gacma Dheere", Prof. Afrax, Jamal Xaji Axmed iyo xubno kale oo fara badan.

 

Ra'isla Wsaaraha cusub ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo 48 saac ee socota iyada oo warar aan la xaqiijin sheegayaan in Madaxweyne Cabdulahi Yusuf go'ansadey in Nuur Cade loo magacaabo xilkaan

 

 

Garowe Online,Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this