Sign in to follow this  
Cowke

Boqor Abdullahi Lands In Bossaso. (PICS)

Recommended Posts

Cowke   

Boqor Cbdulaahi Boqor Muuse oo Maanta Lagu Soo Dhoweeyey Boosaaso (Sawiro)

 

 

Boosaaso (RBC) Boqor C/laahi Boqor Muuse [King-kong] oo mudooyinkii u dambeeyey ku maqnaa wadamo dibada ah ayaa galabta ka soo degey garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, halkaasi oo lagu soo dhaweeyey.

 

Boqorka oo ka soo laabtay safaro uu ku soo maray wadamada Findland iyo Dubai ayaa soo gaaray galabta magaalada Boosaaso abaare 3:00 galabnimo, waxaana garoonka ku soo dhoweeyey qaar ka mid ah isimada Puntland, waxgarad, eheladiisa iyo wariyaal kala duwan.

 

Boqor C/laahi Boqor Muuse [King-kong] ayaa hadal kooban oo saxaafada ku siiyey hotelka Panorama ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay soo laabashadiisa xilligan, iyadoo ay tahay xilli roobab badan dalka ka da’een. Wuxuuna u mahadceliyey dhamaan masuuliyiin, isimo iyo dadkii kale ee ka qeybgalay sooo dhaweyntiisa.

 

Boqorku wuxuu sheegay in safaradiisa dibada intooda badan ay ku saabsanaayeen arimo famil ah hase yeeshee ay jireen dad masuuliyiin iyo siyaasiyiin isugu jiray oo ay kulmeen.

 

“Waxaan ku buraarujinayaa Soomaalida, hadda waxay leeyihiin maamulo badan inay noqdaan kuwo ku tartama horumarka iyo nabada, lagana shaqeeyo Soomaalinomo. Anigu dad badan baan kulanay waxaaa ka mid ahaa siyaasiga Axmed Siilaanyo oo aan ka wada hadalnay deris wanaaga”, ayuu yiri Boqor C/laahi.

 

Wuxuu Boqorku intaasi raaciyey in loo baahan yahay in wadanka ay horumariyaan dadkiisa oo isugu jira dhalinyaro, salaadiin, aqoonyahano iyo cuqaal kuwaasi oo uu ugu baaqay inay qabtaan kulamo aqoon isweydaarsi ah oo talooyinka la isku dhaafsanayo.

 

“Ma aha in dadku siday u fadhiyaan ay watigooda ku dhameeyaan oo ay sidaasi ku dhintaan, waxaa loo baahan yahay fikrado cusub oo dadka loo dhiibo iyo shirar aqoon isweydaarsi ah oo horumarka iyo danta dalka looga wada tashado”, ayuu hadalkiisa sii raaciyey Boqorka.

 

Boqor C/laahi Boqor Muuse waxaa uu ka cudurdaartay in wariyaasha ay wax su’aalo ah weydiiyaan isagoo sheegay inuu daalan yahay oo uu safar soo galay, hase yeeshee waqtiyo dambe uu si faahfaahsan uga hadli doono warbaahinta.

Waxaa kulankan goob joog ka ahaa sidoo kale wakiilka boqorka Yaasiin Muuse Boqor iyo isimo ka mid ah kuwa Puntland. Wuxuuna Boqorku sheegay inuu dhawaan tegi doono degaano kale oo ka mid ah Puntland.

 

RBC Radio

 

boqor-CABDULAAHI-300x225.jpg

 

boqor3-300x225.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

xaaji you need to just concern yourself with the following

 

“Waxaan ku buraarujinayaa Soomaalida, hadda waxay leeyihiin maamulo badan inay noqdaan kuwo ku tartama horumarka iyo nabada, lagana shaqeeyo Soomaalinomo. Anigu dad badan baan kulanay waxaaa ka mid ahaa siyaasiga Axmed Siilaanyo oo aan ka wada hadalnay deris wanaaga”, ayuu yiri Boqor C/laahi.

Ps: By the way this king is a very respected individual throughout africa and the middle east. Infact go to youtube and watch his caleemo saar and you will even see arabs sitting there.

 

Secondly This king also can influence osman diyano THE Most Powerful Unit in Somalia The PIS.

 

Remember sxb the PIS is unmatched by anyone because the PIS confronts southern extremists and hence is important to America then anyone else in Somalia!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Boqorka oo ka soo laabtay safaro uu ku soo maray wadamada
Findland
iyo
Dubai
ayaa soo gaaray galabta magaalada Boosaaso abaare 3:00 galabnimo, waxaana garoonka ku soo dhoweeyey qaar ka mid ah isimada Puntland, waxgarad, eheladiisa iyo wariyaal kala duwan.

Take your Pick Xaji. Dubai Or Finland!!! They met at either one of those places!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this