Cowke Posted June 4, 2010 Boqor Cbdulaahi Boqor Muuse oo Maanta Lagu Soo Dhoweeyey Boosaaso (Sawiro) Boosaaso (RBC) Boqor C/laahi Boqor Muuse [King-kong] oo mudooyinkii u dambeeyey ku maqnaa wadamo dibada ah ayaa galabta ka soo degey garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, halkaasi oo lagu soo dhaweeyey. Boqorka oo ka soo laabtay safaro uu ku soo maray wadamada Findland iyo Dubai ayaa soo gaaray galabta magaalada Boosaaso abaare 3:00 galabnimo, waxaana garoonka ku soo dhoweeyey qaar ka mid ah isimada Puntland, waxgarad, eheladiisa iyo wariyaal kala duwan. Boqor C/laahi Boqor Muuse [King-kong] ayaa hadal kooban oo saxaafada ku siiyey hotelka Panorama ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay soo laabashadiisa xilligan, iyadoo ay tahay xilli roobab badan dalka ka da’een. Wuxuuna u mahadceliyey dhamaan masuuliyiin, isimo iyo dadkii kale ee ka qeybgalay sooo dhaweyntiisa. Boqorku wuxuu sheegay in safaradiisa dibada intooda badan ay ku saabsanaayeen arimo famil ah hase yeeshee ay jireen dad masuuliyiin iyo siyaasiyiin isugu jiray oo ay kulmeen. “Waxaan ku buraarujinayaa Soomaalida, hadda waxay leeyihiin maamulo badan inay noqdaan kuwo ku tartama horumarka iyo nabada, lagana shaqeeyo Soomaalinomo. Anigu dad badan baan kulanay waxaaa ka mid ahaa siyaasiga Axmed Siilaanyo oo aan ka wada hadalnay deris wanaaga”, ayuu yiri Boqor C/laahi. Wuxuu Boqorku intaasi raaciyey in loo baahan yahay in wadanka ay horumariyaan dadkiisa oo isugu jira dhalinyaro, salaadiin, aqoonyahano iyo cuqaal kuwaasi oo uu ugu baaqay inay qabtaan kulamo aqoon isweydaarsi ah oo talooyinka la isku dhaafsanayo. “Ma aha in dadku siday u fadhiyaan ay watigooda ku dhameeyaan oo ay sidaasi ku dhintaan, waxaa loo baahan yahay fikrado cusub oo dadka loo dhiibo iyo shirar aqoon isweydaarsi ah oo horumarka iyo danta dalka looga wada tashado”, ayuu hadalkiisa sii raaciyey Boqorka. Boqor C/laahi Boqor Muuse waxaa uu ka cudurdaartay in wariyaasha ay wax su’aalo ah weydiiyaan isagoo sheegay inuu daalan yahay oo uu safar soo galay, hase yeeshee waqtiyo dambe uu si faahfaahsan uga hadli doono warbaahinta. Waxaa kulankan goob joog ka ahaa sidoo kale wakiilka boqorka Yaasiin Muuse Boqor iyo isimo ka mid ah kuwa Puntland. Wuxuuna Boqorku sheegay inuu dhawaan tegi doono degaano kale oo ka mid ah Puntland. RBC Radio Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 4, 2010 oo halku joogay marko hore , ma boqorki Puntland ba boqorkani i thought boqorku was tuute muuse, i could be wrong Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted June 4, 2010 xaaji you need to just concern yourself with the following “Waxaan ku buraarujinayaa Soomaalida, hadda waxay leeyihiin maamulo badan inay noqdaan kuwo ku tartama horumarka iyo nabada, lagana shaqeeyo Soomaalinomo. Anigu dad badan baan kulanay waxaaa ka mid ahaa siyaasiga Axmed Siilaanyo oo aan ka wada hadalnay deris wanaaga”, ayuu yiri Boqor C/laahi. Ps: By the way this king is a very respected individual throughout africa and the middle east. Infact go to youtube and watch his caleemo saar and you will even see arabs sitting there. Secondly This king also can influence osman diyano THE Most Powerful Unit in Somalia The PIS. Remember sxb the PIS is unmatched by anyone because the PIS confronts southern extremists and hence is important to America then anyone else in Somalia!!! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 4, 2010 i see he is the king of Bosaaso. But tell me cowke where did Silanyo and the king meet. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted June 4, 2010 Boqorka oo ka soo laabtay safaro uu ku soo maray wadamada Findland iyo Dubai ayaa soo gaaray galabta magaalada Boosaaso abaare 3:00 galabnimo, waxaana garoonka ku soo dhoweeyey qaar ka mid ah isimada Puntland, waxgarad, eheladiisa iyo wariyaal kala duwan. Take your Pick Xaji. Dubai Or Finland!!! They met at either one of those places!!! Quote Share this post Link to post Share on other sites