Liibaan Posted September 21, 2010 Buuhoodle:-Xaflad si weyn loo soo agaasimey oo maanta ka dhacdey Hutel Garsoor ee Magaalada Buuhoodle ayaa waxaa ay Gudiga Diyaarinta Axdiga SSC ay ku soo bandhigeen qoraal qabyo ah oo ka mid ah Axdiga SSC waxaana ay ku wareejiyeen Hogaanka midaynta iyo Badbaadada SSC, iyadoo ay halkaas khudbado ka jeediyeen Gudiga soo diyaariyey Axdiga iyo Hogaanka SSC. halkan ka daawo sawirada Abshir C/casiis Shiikh oo ah Gudoomiyaha Gudiga soo diyaariyey Axdigan oo uu magacaabey Hogaamiyaha SSC Saleebaan Ciise shirkii dharkayn ka dib ayaa waxaa uu ka warbixiyey arimaha dhaliyey in la qoro lana dadajiyo diyaarinta Axdigan,isagoo sheegey in uu qayb ka ahaa arimhii lagu heshiisyey shirkii Dharkayn,kaasi oo lagu turxaan saareyey Hogaanka SSC. Intaas ka dib waxaa sharaxaad dheeriya Axdigan ka siiyey Hogaanka iyo Golaha Khusuusiga Ibraahin Maxamed Guure oo ka mid ah Gudiga soo diyaariyey waxaanna uu sheegey in dustuurkani isku jiro mid ay ka soo miin guuriyeen Axdigii Kenya lagu qorey oo ku qornaa Afka Ingiriisiga iyo kuwo Dustuuro kale laga xigtey. Ibraahin Max’ed Guure ayaa sheegey in Axdigani yahay kii afraad ee ay bulshadda Sool,Ssanaag iyo Cayn ay samaystaan ilaa iyo 1993 wuxuuna intaas raaciyey in samaynta Axdigan cusubi uu yimi ka dib markii ay Bulshadda SSC ku hungoobeen in ay ka helaan darisyadood: Nabad ku wada noolaansho,Xal siyaasadeed iyo maamul cadaalad ah, islamarkaana la lunsadey Kaalmooyinkii beesha Caalamku ugu talo ssc. Sidoo kale waxaa uu Guure sheegay in uu yahay midkii lagu dhaqmi lahaa Marxalada hore ee uu Hogaanka SSC Hananayo deegaanka la haysto, sidoo kale waxaa uu kala qeexayaa ayuu yidhi awoodaha shaqo ee Golayaasha Hogaanka SSC sida Fulinta, Khusuusiga, Maaliyada iyo qaybaha kala duwan ee maamulka SSC. Hogaamiyaha SSC Saleebaan Ciise Axmed ayaa isaguna halkaasi ka jeediyey khudbad aad u qiimo badnayd oo taabanaysey dhinaco badan waxaana uu ugu horayn u mahad celiyey Gudiga soo diyaariyey Axdigan oo boqolaal kun oo doolar lagu bixiyo samayntiisa ayuu yidhi balse iyagu si Mutadawacnimo ah ku shaqaynayey. Md: Xaglotoosiye ayaa waxaa uu sheegay in hogaanku uu soo diyaariyey qorshayaal kala duwan oo lagu dardar galinayo Ciidamada, Dhaqaaaha Siyaasadda iyo waliba dhaqaajinka iyo dhisidda maamulada Gobolada iyo degmooyinka ssc,wuxuuna intaas raaciyey in qorista ciidamo rasmiya oo aan ahayn mid beeleed ay haatan si joogta ah uga socoto Buuhoodle deegaamada kalena laga bilaabi doono. Hogaamiye Saleebaan Ciise ayaa waxaa uu xubnaha Golaha Khusuusiga ku booriyey in ay sida ugu dhaqsaha badan ay u soo dadajiyaan Axdiga marka hogaanku u soo gudbiyo maalinta Salaasada ah, waxaa kale oo uu hogaamiyuhu Golaha Khusuusiga iyo kan fulintaba ka codsadey in si weyn loogu guntado ka midha dhalinta masuuliyada culus ee ay bulshadu ka sugayso Hogaanka SSC Dhinaca kale hogaamiye Saleebaan Ciise ayaa ku baraarujiyey Golayaasha kala duwan ee ssc in ay soo dhawdahay sanad guuradii koowaad ee ka soo wareegtey Aasaaskii Hogaanka SSC 15/10/2009 iyo sidoo kale sanad guuradii afraad ee qabsashada laascaanood 15/10/2007, wuxuunna ugu baaqey Bulshadda SSC ee dal iyo dibad in ay maalintaas si weyn u xusaan. Golayaasha SSC ayaa mudo todobaad ah kaga soo baaraan dagaya qodobada kala duwan ee Axdigani ka kooban yahay, iyadoo maalinta la ansixinayana dadweynaha Gobolka Cayn loo soo bandhigi doono. Xafladan ayaa waxaa ka soo qayb galey Hogaamiyaha SSC Saleebaan Ciise Axmed, hogaamiye ku xigeenka Cali Sabarey,Gudoomiyaha Khusuusiga C/risaaq Xasan Gacamey, dhamaan xubnaha goaha Khusuusiga , Xooghayaha Maalliyadda Cismaan Xaaji Cali ,Taliyaha Ciidanka SSC Faarax Nadiif iyo Gudiga soo diyaariyey Xeerka cusub Abshir C/casiis, Ibraahim Maxamed Guure,Yaasiin Axmed Sulub,Cumar Jaamac Saleebaan iyo Mukhtaar Xirsi Jaamac. C/casiis Saleebaan Axmed Jidbaale Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted September 21, 2010 Waan Guulaysanay DR Xaglatoosiye ! Maanta oo ay taariikhdu 19/9/2010 ayaa Maamulka SSC shir isugu yimaadeen Shirkaasi oo uu soo qaban qaabiyay Hogaanka Midaynta badbaadada SSC Dr saleebaan ciise axmed kaar (xaglatoosiye ) Shirkan oo ay wadayeesheen hogaanka iyo golaha khusuusiga ayaa waxaa lagaga hadlayay sharci cusub oo loosameeyay maamulka ssc kaas oo loo xilsaaray gudi Ayna kusoo guuleesten samayntisa axdiga cusub,isagoo intaasi ku daray hogaanku In uu u soogudbinayo khusuusiga maalinta talaadada ah simarkaasi ay u eegaan Kadibana ay usoo ansixiyaan sidoo kale waxaa uu hogaanku intaasi kudaray in ay dardar Galindoono hawlaha oo dhan haday tahay tan gobolka cayn iyo ta ciidankaba Intaa kadib waxaa uu hogaanku sheegay in uu maamulka ssc ka horyimaaden caqabado badan ayana udhabar adaygeen uuna kudaray in loobaahan yahay hadana samir badan iyo dulqaad hadii taalahelo waalagaarayaa hadafkii aynu doonaynay, ayaa yiri hogaanku SSC News Quote Share this post Link to post Share on other sites