Sign in to follow this  
Sharif_seylaci

BREAKING NEWS WAR IN JUBBADDA DHEXE

Recommended Posts

War deg deg ah Sahankii Barre Hiiraale iyo kii Maxaakiimta oo isku fara saaray degmada Saakow

Warkii 08-Oct-2006 iyo Qormadii: C/qaadir gaabuush

War deg deg ah oo hada na soo gaadhay ayaa sheegaya in sahankii ciidamada Barre hiiraale iyo kii maxaakiimta ay fooda isku dareen meel wax yar u jirta degmada saakoow ee gobolka J/dhexe ..

 

 

Maleeshiyooyin daacad u ah Barre Hiiraale ayaa waxa ay ku si qeeyn dhinaca degmada Saakow ee gobolka J/dhexe, ka dib markii shalay ay ka ambabaxeen magaalada Baardheere ee gobolka Gedo…

 

 

 

Dhinaca kale waxaa ilaa xalay ilaa hadeer ka soo baxay magaalooyinak Mogadishu iyo baydhabo gurmad ciidan oo aad utirabadan kuwaas oo oo dhamaantood ku soo wajahan gobolada jubooyinka ..

 

 

 

Maleeshiyada barre hiiraale ayaa waxaa kala hogaaminaya Col: Fara tag iyo col; tima jilic , halka ay maleeshiyada maxaaklimta ka hogaaminayaan Aadan cayrow..

 

 

 

 

 

Guud ahaan xaalada gobolada jubooyinka ayaa ah mid aad u kacsan iyadoo laga baqa qabo in saacadaha soo socda ay fooda is daraan ciidamada barre hiiraale oo ay taageerayaan ciidanka dowlada federaalka iyo ciidanka maxaakiimta ku sugan jubooyinka oo ay taageerayaan gurmadka uga imaanaya Mogadishu …

 

 

 

 

 

Col; Barre aadan shire hiiraale wasiirka gaashaan dhiga dowlada federaalka Somalia ayaa la xaqiijinayaa inuu isagu wali ku sugan yahay degmada baardheere halkaas oo uu ujoogo abaabul ciidan . oo dhinac walba ah ..

 

 

 

C/qaadir gaabuush

 

Gaabuush6@hotmail.com

 

Mobil:00-252-2-4410719

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bu`aale:(War Dag-Dag ah) Ciidamada Col. Barre Hiiraale oo qarka u saran in ay gacanta ku dhigaan degmada Bu`aale iyo Kismaayo oo ay soo faaruqiyeen ciidamadii maxakmadaha.

Axad, October 08, 2006

 

APL

Tool

 

Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu *** Email

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Print This Article | Daabaco warkaan

 

 

 

Bu`aale (AllPuntland)- Boqolaal ka tirsan ciidamada ka amar qaata wasiirka Gashan dhiga ee dawladda Soomaaliya Col. Barre Aadan shire (Barre Hiiraale) ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen deegaanno badan oo hoos yimaada gobolka Jubada Dehexe.

 

Ciidamada Col. Barre ayaa waxa ay haatan ku sugan yihiin meel 50Km u jirta magaalada Bu`aale ee xarunta gobolka Jubada Dhexe, halkaasoo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan maxakamadaha magaalada Muqdisho.

 

Ilo lagu kalsoonyahay oo aannu ka helnay magaalooyinka Baardheere iyo Kismaayo ayaa waxa ay inoo cadeeyeen in ciidamo kala duwan oo ka tirsan malayshiyooyinka qaar ka mid ah beelaha ku dhaqan judaha gobolka Jubada Hoose oo taageersan Col. Barre Hiiraale ay iyana ku sugan yihiin meel 30 KM u jirta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

 

Dhamaan tiknikadii dagaalka ee maxkamadaha ayaa waxa ay soo baneeyeen magaalada Kismaayo, marka laga reebo 5 gaari oo ah nooca dagaalka oo ku hartay gudaha magaalada Kismaayo.

 

Ciidamada kala taabacsan Col. Barre Hiraale iyo Maxkamadaha ayaa waxa ay isku soo wada bandhiganayaan awoodahooda ugu danbeeyay iyada oo gulufka colaadeed laga dareemayo dhamaan gobolada Gedo iyo Jubooyinka.

 

Wasiirka Gaashaan dhigga ee dawladda Soomaaliya ayaa isagu waxa uu haatan ku sugan yahay magaalada Baardheere halkaaso uu wali ka wado aruurinta malayshiyooyinka kala duwan oo uu ku doonayo in uu ku gaaro magaalada Kismaayo.

 

Mar aynu la xiriirnay madaxda maxkamadaha magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ka gaabsadeen in ay wax hadal ah ka bixiyaan halka ay xaaladdu marayso.

 

Wixii ka soo kordha dagaaladaasi kala soco AllPuntland.com.

 

M. J. Koronto

AllPuntland

 

 

 

 

 

 

 

Related Articles

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this