Sign in to follow this  
General Duke

Kenya: Captures fleeing foreign fighters.Eritrean Canadians..

Recommended Posts

Foreign fighters captured fleeing Somalia. Eight Eritreans and two Canadians.

 

Kenya oo su'aalo weydiineysa dagaalyahano shisheeye oo la socday GMIS.

 

Nairobi 02, Jan.07 ( Sh.M.Network) – Booliska dalka Kenya ayaa sheegay inay su’aalo weydiinayaan 10 nin oo dagaalyahano shisheeye ah oo la sheegay inay la socdeen maxkamadaha Islaamiga, kuwaasoo laga qabtay xadka Kenya uu la wadaago Soomaaliya.

 

Boolisku waxa uu sheegay in ragaasi oo sita baasabooro ajanabi ah laga qabtay magaalada Libooye Kenya iyagoo isku dayaya inay gaari kaga talaabaan xadka.

 

Waxaa looga shakiyey inay yihiin shisheeye, waxaana loo gudbiyey oo hadda lagu hayaa xabsi ku yaalla magaalada Gaarisa.

 

Sideed ka mid ah ragaasi waxa ay siteen baasabooro Eritrean ah halka labada kale ay wateen baasabooro Canadian ah.

 

Ragan ayaa la sheegay inay ka mid ahaayeen dagaalyahaniinta maxkamadaha Islaamiga ee looga awood roonaaday Soomaaliya.

 

Saraakiisha booliska Kenya ayaa sheegay in ragan ay siteen lacago adag, waxaana loo maleenayaa inay ka mid ahaayeen ragii maal gelin jiray maxaakimta Islaamiga.

 

Ragan ayaa la qabtay xili ay dowlada Kenya xirtay xadka ay la wadaagto Soomaaliya iyadoo ka jawaabaysa codsi kaga yimid dowlada federaalka Soomaaliya.

 

 

Shabelle Media Network Kenya

E-mail us: info@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gaarisa: Dowladda Kenya oo qabatay 10 Nin Ajnabi ah oo maxkamaddaha ka barbar dagaalamayey

Talaado, January 02, 2007

 

Gaarisa (Allpuntland) Kenya ayaa gacanta ku dhigay 10 nin oo ajnabi ah kuwaasi oo ka tirsanaa maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed oo ay ka barbar dagaalamayeen, waxaana xubnhan lagu qabtay Liboya Kenya, waxaana loo gudbiyay xabsi ku yaala Gaarisa oo su'aalo lagu weydiinayo.

 

Tobankan nin oo 8 ka mid ah ay dhalashadoodu tahay Erateriyaan heystana baasaboorka dalkaasi iyo labo nin oo Canadian ah heystana Baasabooradooda, waxayna sheegeen in ay ka yimaadeen dalka Soomaaliya, iyadoo laga helay lacago fara badan, waxaana loo maleynayaa in raggan ay ahaayeen ajaaniibtii dhaqaalaha ku bixinayey howlaha maxkamadaha.

 

Dowladda Kenya ciidamo soo dhoobtay xuduuda ay la wadaagto dalka Soomaaliya iyadoo ka jawaabeyso codsigii dowladda KMG ah ee ahaa in xuduudaheeda adkeyso isla markaana ay u soo gacan geliso argagixisada kasoo gudubta dalka Soomaaliya.

 

Cali Sandheere

Allpuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kenya oo gacanta ku dhigay dagaal yahanno shisheeye ah oo ka yimid Somalia.

 

Nairobi , Talaado, 02 January 07 Simba Radio

 

Booliiska dalka Kenya , ayaa xiray toban ka tirsan dagaal yahannada Golaha Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed, iyaga oo isku dayaya inay ka gudbaan xuduudka Liboy, doonayana inay galaan dalka Kenya.

 

Dagaal yahannadaasi oo ku safarayay gawaarida nooca loo yaqaano four-wheel drive ayaa Hay'adaha ammaanka ee dalka Kenya waxa ay sheegayaan inay kasoo carareen dagaalada ka socday dalka somalia .

 

Dadkaasi, ayaa iminka waxa ay ku xabisan yihiin Magaalada Gaarisa ee Woqooyi bari ee dalka Kenya .

 

Sided ka mid ah dagaal yahannadaasi, ayaa hesyta Baasaboorka dalka Eritrea , halka laba kalena ayaa wateen Baasaboorka dalka Kanada.

 

Xariga oo dhacay maalintii shalay ahayd, ayaa yimid, ayada oo Madaxweynaha dalka Kenya Muwai Kibaki uu kullan ku saabsan xaaladda ammaan ee Somalia la lahaa guddiga hoose ee Golaha Wasiirada u qaabilsan dhinaca ammaanka iyo kooxaha ammaanka.

 

Cutubyo ka tirsan ciidamada dhulka iyo kuwa badda ee dalka Kenya, ayaa loo diray xadka Kenya iyo Somalia ay wadaagaan, si ay dagaal yahannada Golaha Maxaakiimta islaamiga Soomaaliyeed uga hor joogsadaan inay ka gudbaan soohdinta.

 

Booliiska ayaa iminka Su'aalo weydiinaya dagaal yahannada la qabtay.

 

Sarkaal sare oo ka tirsan Boliiska Kenya ayaa sheegay in ciidamada Kenya iminka heegan culus la geliyay.

 

Simba Media Center , Mogadishu

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this