Sign in to follow this  
General Duke

New Garad arrives in Las Anood

Recommended Posts

Garaadkii beddeli lahaa Garaad C/qani oo gaarey Laas Caanood

 

Laas Caanood - 09.May.2006 Wafdi ballaaran oo uu kamid yahay ninka beddelaya garaad Cabdiqani Garaad Jaamac, oo lagu magacaabo Garaad Jaamac Garaad

Cali ayaa maanta gaarey magaalad Laas Caanood ee xarunta gobolka Sool.

 

Wafdiga maanta soo gaarey magaalada Laas Caanood si ay uga qayb galaan munaasabadda caleema saarka garaadka cusub ayaa waxaa kamid ah ninka ruug caddaaga ah ee Cali Khaliif Galaydh iyo qoraa sare isla markaasna suxufi taariikh yahan ah, Axmed Faarax Cali Idaajaa.

 

Caleema saarka garaadka cusub ee beddelay Alle ah u naxariistee Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac, ayaa waxaa uu dhacaya 22-ka bishan May, waxana lagu wadaa in ay ka soo qayb galaan wufuud ka kala socota gobollada kala duwan ee dalka Soomaaliya, iyo madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Cadde Muuse Xirsi.

 

Axmed Cali Faarax

SBC Laas Caanood

Share this post


Link to post
Share on other sites

Laascaanood: Garaadkii baddali lahaa Allaha u naxariistee Garaad C/qani iyo wafdi uu kamid yahay Cali Khaliif Galayr oo Laascaanood yimidday.

Tuesday, May 09, 2006

 

Axmed Suufi

Tool

 

 

Laascaanood(AllPuntland)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in halkaasi maanta lagu soo dhaweeyay wufuud isugu jirta isimo iyo wax garad qurbaha ka yimid.

 

Wafdiga waxaa kamid ah Garaad Jaamac Garaad Cali , Cali Khaliif Gallayr , qoraa Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Axmed Faarax Idaajaa.

 

Waxay wafdigan ay ka yimaadeen qurbaha ayagoo lugtooda ugu danbaysayna ka yimid magaalada Jabouti ee xarutna dalka Jabouti.

 

Soo dhawayntii loo samaynayay wufuuddan ayaa ahayd mid aad looga dareemay magaalada Laascaanood, ayadoo qaybaha bulshada ee gobolka oo dhan ay ka dhex muuqdeen soo dhawayntan.

 

Shil gaari ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay goobtii soo dhawayntu ay ka dhacday halkaasina uu 2 qof dhaawac kasoo gaaray.

 

Caleema Saarka Garaadka Beesha Garaad jaamac ayaa waxaa uu dhacayaa 22ka bishan aynu ku jirno ee May ayadoo iminkaba ay jirto dad u diyaar garoobaya inay ka qayb galaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafdi uu hogaaminayo Garaadka Jaamac Garaad Cali oo soo gaaray Magaalada Laascaanood.

Last Updated::2006-05-09 02:59:58

 

LaasCaano:- Waxaa Abaarihii 12kii Duhurnimo ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Iidle ee Magaalada Laascaanood Wafti ballaadhan oo galbinayey Garaad Jaamac Garaad Cali,

kuwaasi oo ka soo duulay Dalka Jamhuuryada Jabuuti.

 

Waxaana waftiga Garaadka ka mid ahaa Professor Cali Khaliif Galaydh, Abwaan Axmed Faarax Cali Idaajaa, Cali Daacuun iyo xubno kale oo qorba joog ah.

 

Soo dhaweynta Waftiga Garaadka ayaa waxaa ka qayb qaatey Dhammaan Isimada Gobolladda SSC, oo uu hormuud u ahaa:

 

Garaad Saleebaan Garaad Max’ed,

Garaad C/laahi Soofe,

Suldaan Saciid Cismaan Cali,

Ugaas C/laahi Ciise Nuur,

Garaad C/salaam Xasan Max’ed,

Garaad Max’uud Cismaan Mashqare,

Garaad Saleebaan, Aw Aadan,

Ugaas Faraax Dheere,

Gen Max’ed Adan Laangadhe,

 

Wasiirro, Xildhibaano, Cuqaal, Odayaal, Maamulka Gobolka iyo Dadweyne Kumannaan ah.

 

wafdi_laascaano_garaad.JPG

 

garaadd3.jpg

 

garaadd6.jpg

 

garaadd12.jpg

 

garaadd14.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Wafti uu horkacayo garaadka Guud ee beesha *********** Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa maanta duhurkii soo cago dhigtay ciida hooyo..

 

Talaado,09 May 2006, 19:34 Category: News

Waxaa maanta duhurkii ka soo degeysoo garoonka

diyaaradaha ee magaalada laascaanood wefti balaadhan oo uu hor kacayay Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac oo ay ka mid ahaayeen aqoonyahano,abwaaniin,siyaasiyiin iyo odayaal kaleba ayaa maanta duhurkii ka soo degey garoonka diyaaradaha ee magaalada Laascaanood.

Weftigan ayaa waxa isna ka dhex muuqanayey siyaasiga caanka ah ee Cali Khaliif Galaydh ,Abwaan Maxamed faarax Cali Idaajaa,iyo rag kaloo badan,waxaana garoonka ilaa magaalada tubnaa kumanaan dad ah oo ruxayey caleemo qoyan kuwaas oo ku dhawaaqayey ereyo ay ka mid ahaayeen "Soo dhowaada",iaygoo ay wajiyadooda ku muuqatay rayn rayn iyo farxad aan la soo koobi karin.

Waxaa garoonka tubnaa dhalinyaro fardooleey ah,kuwaas salaan siinayey garaadka iyo waftigiisa.

Waxaa dhamaan halkaa iyana soo xadiray isimada oo aan u kal hadhin waxaa iyagu goobta ku sugnaa dhamaan isimada deegaankaas,kuwaas oo aan u kala hadhin,waxaana garaadada horkacayey Garaad Saleebaan Garaad Maxamed iyo Garaad CadbiLaahi Garaad Soofe.Waxaa iyana kamid ahaa ismiada halkaas yimid Suldaan Saciid Cismaan Cali, Ugaas C/laahi Ciise Nuur, Garaad C/salaam Xasan Max’ed,Garaad Max’uud Cismaan Mashqare, Garaad Saleebaan, Aw Aadan, Ugaas Faraax Dheere iyo kuwo kaleba.

Garaad Jaamac Garaad cali iyo wasiirka arimaha gudaha iyo amniga mudane Axmed Cabdi Xaabsade ayaa iyagu soo fuulay gaadhi dusha ka banaan markii diyaarada ay ka soo degeen gaadhigaas oo ay ku joogeen ilaa magaalada laga soo gaadhay waxaana Garaadku gaadhiga dushiisa ka salamaayey dadweyne badan oo tubnaa wadada dacaladeeda.

 

Subeyr Cismaan Idiris Laascaanood Soomaaliya subeyr_2@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

garaadd16.jpg

 

Garaadj3.JPG

 

Garaadj4.JPG

 

calikhaliifxabsade.jpg

Bidix. wasiirka arimaha gudaha iyo amniga mudane Axmed Cabdi Xaabsade ,Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya hore Professor Cali Khaliif, Garaad Jaamac, Garaad Saleebaan, Iyo Suldaan Saciid Oo Ku Nastey Madashii Loogu Talo Galay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Garaadnimadii waxey u gudubtay dhanayarada

 

Garaadka cusub ee gobolada woqooyiga dhexe ee Somalia Garaad Jaamac Garaad Cali waxaan leeyahay hambalyo illaahay haa kuu fududeeyo masuuliyada weyn aad qaatay

 

Garaad ku waa nin da’yar oo mudu dheer ku noolaa dalka mareenkanka halkaas uu waxbarasha jaamacadeed ku dhameestay, marka la eego xaalada cakiran ee gobolada woqooyiga dhexe ee Somalia (SSC) Garaadka cusub waaxaa laga sugayaa hogaan mideesan inuu usa meeyo gobolada north-central Somalia. Garaaku waxuu u muuqdaa mid ka bixi kara mas-uuliyada taarikhiga eek u soo foodle marka la eego da’diisa yar, muda, dheer (34 years old) ee qurbaha ku noola oo waayo aragnimo u kordhinasa, waxbarasha sare uu soo qaatay, sida lii sheegay waa nin ahlu diin, dadka soomaaliyeed jecel, midnimadan aaminsan, masuulna ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sophist   

Congrats to Jaamac ( an old footy team mate of mine). The new Garaad will hopefully inject some blue blood to the Puntland's development.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this