Xudeedi Posted October 18, 2009 Allaha Hu naxariistee Dr. Cabdulqaadir Maxamed Cabdalle waxaa uu kugeeriyooday subaxnimadii saaka ee Caasimada Jabuuti ee Dalka Jabuuti waxana uu aha ni lagu xasuusto Dacwada iyo waxbarashada Soomaaliya. Dr Cabdilqaadir Maxamed Cabdulaahi waxa uu ku dhashay magaalada galkacayo xilli lagu qiyaasi karo 1949, Waxana uu ku barbaray Deg. Ayl ee G/ka Nugaal, isaga oo markii danbe uga waregay magaalada muqdisho ee caasimada wadanka soomaaliya, Halkaasi oo ku dhamaystay waxbarashada dugsiga hoose uuna ku dhamaystay dugsiga sare ee xamar, Intaas kadibna waxa uu bartay maadada caafimaadka oo uu mudona kalkaaliyanime ku shaqeeye. Intaas Kadib Dr. Cabdulqaadir waxa uu sii watay waxbarashadiisa isaga oo ka qalanjabiyay dugsiga sare ee 15ka May sanadii 1974, isaga oo sanado yar kadib ku biiray dhalinyaradii saxwada ee kor u qaadaysay dacwada diinta islaamka. Kadib markii uu kacaanku uu horkacayay Jen. Siyaad barre uu olole ku qaaday culumada ayaa sheekh Cabdulqaadir oo ahaa mid kamid ah dhalinyarada saxwada waxa uu u baxsaday dalka kenya. Hase ahaatee Dr. Cabdulqaadir halkaas ugama harin waxbarashada iyo waliba faafinta diinta, waxa uu ku biiray Jaamacada Umulqura ee dalka sucuudiga oo xilligaas loo yaqaanay Jaamicada Boqor Cabdulcasiis isaga oo kubiiray kulliyada shareecada oo ka diyaaray ilaa heerka waxbarasho ee Diktoornimo. Dadka ku dhaqnaa Dalka sucuudiga waxa ay Dr-ka ku xasuustaan in uu aad kaalmayn jiray soomalida ku nool sucuudiga isaga oo gurigiisa uu kadaganaa sucuudiga uu aha hoy ay ku soo hirtaan dhamaan dhalinta ducaada. Dr. Cabdulqaadir waxa uu dib ugu soo noqday somaaliya sannadii 1999 kii waxana 1999 kii xilligas oo uu wax ka asaasay Jaamacadda Bariga afrika taas oo maanta ay arday badan ka soo baxeen, waxana uu aha Gudoomiya guud ee jamaacada ilaa iyo sannadii 2007. Xilligaas kadib oo gudoomiyuhu noqday Gudoomiyaha golaha asaasayaasha Jaamacada Bariga Afrika Allaha u naxariistee Dr. Waxa uu ifka uga tagay 15 Caruur ah, 5wiil iyo 10 Gabdhood waxana ku geeriyooday magaalada jabuuti xilli uu halkaas looga ambabixin lahaa Dalka biritan oo lagu soo daweyn lahaa Hadaba Bahda Dhahar.com Dhamaan Ducaada, Ardayda Jamaacada Bariga Afrika Waxa ay tacsi u dirayaan Eheladii uu ka geeriyooday Dr. Cabdulqaadir Maxamed Cabdulaahi Waxana ay leyihiin samir iyo iimaan Alle ha inka siiyo Isaga Janadii Fardawso Alle ha ka waraabiyo. Amiin Amiin Amiin Saciid Baxwal Dhahar Radio Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted October 18, 2009 Alla Ha,Unaxariisto. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted October 18, 2009 Aamiin. Allaha u naxariisto. Samir iyo Iimaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Allamagan Posted October 18, 2009 Allaha u naxariisto Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ismahaan Posted October 18, 2009 Ilahay ha u naxaristo amiin. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Haatu Posted October 18, 2009 Alla ha u naxariisto aamiin Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted October 18, 2009 رحمه الله رحمةً واسعة Quote Share this post Link to post Share on other sites
peasant Posted October 18, 2009 Eebow u naxariiso reerkisana samar iyo iman ka sii Quote Share this post Link to post Share on other sites
Peacenow Posted October 18, 2009 Very very sad news. May he rest in peace. Quote Share this post Link to post Share on other sites
me Posted October 18, 2009 Eebe ha u naxariisto. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Peace Action Posted October 18, 2009 Allaha u naxariisto, EAU insha allah will be his sadaqa jaariya. http://www.eastafricauniversity.net/about_eau.asp Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ilka-dahable Posted October 18, 2009 alla ha u naxariisto Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted October 19, 2009 alla haa u naxaristo...was truly a great man of the state. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Taleexi Posted October 19, 2009 Rabbi hau naxariisto Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted October 19, 2009 Allah ha u naxariisto ......... Quote Share this post Link to post Share on other sites