Sign in to follow this  
General Duke

PM sends a message : Sifir losses his post: Furux in the government:

Recommended Posts

Breaking News:-Masuuliyiin uu ka mid yahay Sifir oo xilalkii laga xayuubiyey

 

Nairobi-14.May.2005 Wararka ka imaanaya Magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya oo haatan ah fariisinka Golayaasha DFKMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegaya in war goor dhaw ka soo baxay xafiisyada Madaxweyhaha iyo Ra’isalwasaaraha xilalkii lagaga xayuubiyey Masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay Ra’isalwasaare kuxigeenka ahna wasiirka Warfaafinta Maxamuud C/laahi Jaamac (Sifir), sidoo kale waxaa wareegtada lagu magacaabey xubno ka mid noqonaya Golaha Xukuumada.

 

Wareegto uu maanta ka soo saarey magaaalda Adis Ababa ee xarunta Itoobiya Ra’isalwasaare Cali Maxamed Geedi, isla markaana la geeyey Xafiiska Madaxweynaha DFKMG ah C/laahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa lagu sameeyey xilka qaadis, badal iyo xil magacaabis ayaa waxaa nuqul ka mid ah heshay Idaacada SBC.

 

Wareegtada uu soo saarey Ra’isalwasaare Cali Maxamed Geedi ayaa waxaa lagu sheegay in xilkii laga qaadey Ra’isalwasaare kuxigeenka ahna wasiirka Warfaafinta Maxamuud C/laahi Jaamac (Sifir),iyadoo si gaar ah wareegtada loogu sheegay in laga qaadey Wasiirkii warfaafinta, balse aan la cadeyn kuxigeenimadii Ra'isalwasaaraha, waxaana sida wareegtada lagu sheegay lagu eedeeyey in uu ku kacay wax lagu tilmaamey shaqo gudasho la’aan.

 

Sidoo kale wareegtada waxaa xilkii uu hayey ee ahaa Wasiiru dawlaha dib u dhiska iyo dib u dajinta laga qaadey C/kakiin Cige Guuleed, waxaana sida wareegtada ku cad lagu sheegay in xilka looga qaadey ka dib markii la qiimeeyey shaqadiisa, isla markaana masuulkaas loo magacaabi doono xil kale.

 

Ra’isalwasaare Geedi wuxuu wareegtadiisa ku magacaabey Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo lagu badaley in uu noqdo Wasiirka Warfaafinta oo ah booskii Sifir.

 

Maxamed Jaamac Furux ayaa waxaa isna loo magacaabey Wasiiru dawlaha Gaadiidka Badda iyo Dakedaha.

 

Cali Maxamed Faqi ayaa sidoo kale waxaa loo magacaabey Wasiiru dawlaha Kaluumaysiga iyo Kheyraadka Badda.

 

Farxaan Cali Maxamuud wasiiru dawlaha Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamig ah.

 

Axmed Maxamed Laxoos Wasiiru dawlaha dib u dajinta iyo xiriirka Jaaliyada Dibadda

 

C/kakiin Cige Guuleed oo looga qaadey isla wareegtadan wasiiru dawlaha dib u dhiska iyo dib u dajinta ayaa waxaa loo magacaabey Wasiiru dawlaha Hawlaha Guud iyo Guriyeynta.

 

Ibraahim Maxamed Deeq ayaa waxaa loo magacaabey Wasiiru dawlaha Warfaafinta.

 

Qadar Biix Caalim ayaa waxaa loo waxaa loo magacaabey wasiir ku xigeenka wasaarada aafooyinka iyo maareynta deegaanka.

 

Xasan Ibraahim Maxamuud ayaa waxaa loo magacaabey wasiirku xigeenka Samafalka Bulshada iyo Xuquuqal Insaanka.

 

C/raxmaan Cismaan Dirir ayaa waxaa loo magacaabey Wasiir kuxigeenka Dib u dhiska iyo Dib u dajinta.

 

Madoobe Nuunow Maxamed ayaa waxaa loo magacaabey Wasiir ku xigeenka Patroolka.

 

Yuusuf Maxamed Qeyr ayaa waxaa loo magacaabey Wasiir kuxigeenka Horumarinta Iskaashatooyinka.

 

Ismaaciil Cabdi Maxamed ayaa waxaa loo magacaabey Wasiir ku xigeenka Beeraha

 

Wareegtooyinka uu Ra’isalwasaare Cali Maxamed Geedi Masuuliyiinka xilalka kaga qaadey, ku magacaabey kuna badbadley ayuu aqbaley oo uu saxiixay Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed, sida ay Idaacada SBC u xaquujiyeen dad xog ogaal ah.

 

 

Canab Mumtaaz

SBC Nairobi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this