Jacaylbaro Posted May 6, 2009 5-nin oo budhcad Badeed Soomaali ah oo iyo Laashkii ay wateen ayaa xalay gacanta ku dhigeen Ciidamada Xeebaha Somaliland oo kaashanaya Ciidamada Booliska,kuwaas oo lagu qab-qabtay meel 80-Km u jirta xeebta Magaalada Berbera oo ay ku xidhan yihiin xabsiga magaalada Berbera. Sida waxa u xaqiijiyey shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews dad goob-joogayaal ah oo nala soo xidhiidhay, kuwaas oo sheegay inay budhcad Badeedaasi ka koobnaayeen 5-qof iyo Laashkii ay wateen,isla markaana ay hubeysnaayeen. Waxaana la soo qab-qabtay budhcad-badeeda,kadi b markii xukuummadu ogaatay inay Budhcad Badeed ku sugan yihiin meel 80 Km u jirta xeebta Berbera,halkaas oo ay ciidamada Xeebta ee Maydh iyo kuwa Xeebaha ee Saldhigoodu yahay Berbera ay ku duuleen si ay gacanta ugu soo dhigaan, Hasa-yeeshe Waxa uu dagaal dhexmaray Ciidamada Xeebaha Somaliland iyo Budhcad Badeeda, kadib, waxaay guuleysteen inay gacanta ku soo dhigeen Budhcad badeedi, waxaana dhaawaca ahaan loo soo qabtay laba ka mid ah budhcad Badeeda oo midi dhaawac halis ahi ku yaalo, kaasna lagu daweynayo Cusbitaalka Magaalada Berbera. Si kastaba ha ahaatee, muddo imika laga joogo toban Cisho ayaa 9 Nin oo Budhcadbadeed Soomaali ah ayaa Maxkamadda Gobolka Saaxil ku xukuntay laba ka mid ah 20 sano oo xadhig ah,halka 7-da kalena ay Maxkamaddu ku xukuntay min 15 sano oo xadhig ah, ka dib markii ay si cad u qirteen inay ku kaceen falal budhcadbadeednimo oo ay ka fuliyeen Xeebaha Gacanka Cadmeed.Sidoo kale, waxay kooxdan ayaa dhawaan Ciidamada Illaalada Xeebuhu ka soo qabteen meel la sheegay in ay 80km dhinaca Bari ka xigto Magalo-madaxda Saaxil ee Berbera, wakhtigaas oo ay halkaa ku siidaayeen Markab nooca dagaalka ah oo laga lahaa sida la sheegay dalka Spain. Maaha markii ugu horeysay ee Somaliland sidan oo kale Kooxo budhcadbadeed ah loogu xukumay xadhig wakhti dheer qaadanaya, hase ahaatee, afar kooxood ayaa ka horeeyay kooxdan xalay la soo qabqabtay, kuwaasoo isla Maxkamadda Saaxil ku xukuntay xadhig muddo dheer qaadayana, ka dib markii sidan oo kale uu ugu cadaaday falal Budhcadbadeednimo tan iyo 2008, guud ahaana tirada Kooxa u xidhan falalka Budhcadbadeednimo ee ay Somaliland gacanta ku haysa ayaa gaadhaya 31 nin, kuwaasoo wada Soomaali ah, kuna xidhan Xabsiga Magaaladda Berbera inta la ogyahay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted May 6, 2009 Berbera(Qarannews)-c iidamada ilaaalada xeebaha Somaliland ayaa maanta gacanta ku dhigay laba laash iyo shan budhcad badeed ah,kuwaasoo hadda lagu hayo magaalada Berbera. Sida wararku sheegayaan koox budhcad badeed ah oo wadatay laba laash oo ku jiray hawlagal dhuumalaysi ay ku raadinayaan qafaalashada maraakiibta ayaa ciidanka somaliland ka soo qabteen goob dhinaca bari kaga beegan magaalada Berbera oo qiyaastii u jirta wax aan badnayn,waxayna ciidanku halakaa ugu tageen laba laash oo aanay saarnayn wax budhcadbadeed ah,iyadoo la sheegay inay ka daegeen oo u lugeeyeen dhinaca magaalada Berabera iyo duleedkeeda. Waxaanay ciidanku laba ka mid ah budhcadeedaa oo hubaysan ka qabteen agaagaarka xeebta,halka laba kalena ay ka qabteen fiidkii duleedka magaalada,mid kalena gudaha magaalada Berbera,waxaana dhamaantood lagu hayaa saldhiga booliska oo su,aalo lagu waydiinayaa. Budhcadbadeedan oo tiradooda lagu sheegay laba iyo toban nin oo hubaysnaa,ayaa la sheegay in laashashkii ay ku afduubi lahaayeen maraakiibta Ciladi ku timi ka dibna ay kaga tageen xeeliga Badda. Ciidanka ayaa ku hawlan soo qabashada budhcadbadeedaaoo ka raadinaya duleedka iyo daafaha bebera.iyadoo shantan budhcadbadeeda ee la hayo mid ka midahi dhaawac yahay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted May 6, 2009 Qaar Ka Mid Ah Budhcadbadeed Soomaali Ah Oo Ka Baxsaday Berbera Oo Lagu Qabtay Magaaladda Burco hadhwanaag 2009-05-06 (Hadhwanaagnews) Bucro(HWN):-Ciidamad a nabadgalyada Magaaladda Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer,ayaa sheegay in ay Gacanta ku dhigeen saddex nin oo Budhcadbadeed ka tirsan Budhcadda ka Xeebaha Soomaaliya gaadiidka ku qabsada. Ciidamada Togdheer ayaa maanta gacanta ku dhigay saddex nin oo lagu tuhunsan yahay inay ka mid yihiin Budhcadbadeedda ka ugaadhsada Xeebaha Soomaaliya, kuwaasoo lagu qabtay Huteel ka mid ah Huteelada Burco oo ay xalay u hoyden. Taliyaha Booliska Togdheer Cabdi Xandule, ayaa sida lagu baahiay TV-ga SPC-ka, ayaa sheegay in baadhitaan ay ilaa xalay wadeen oo ay ku daba-joogeen nimankan ay subaxnimadii saaka ku guulaysteen in ay qabtaan saddexdaas nin. Taliyuhu waxa uu sheegay in saddexdaas nin ee la qabtay oo loo gudbiyay Magaaladda Berbera oo ay Maxaabiis hore oo Budhcadbadeed ahi ku xidhan yihiin, isaga oo la sheegay in uu taliyuhu xusay in baadhitaan lagu wado. Saddexdan nin ayaa la sheegay in ay ka mid yihiin 12 nin oo Budhcadbadeed Soomaali ah, oo 6 ka mid ahi ka baxsadeen Ciidamada Illaalada Xeebaha Gobolka Saaxil ee Somaliland, ka dib markii ay maanta qabteen 6 kooxdaas ka mid ahaa, Laba Laash oo ay wateen iyo Hub u saarnaaba, kuwaasoo ku xidhan Xabsiga Berbera, Magacyada saddexdaas nin oo ka soo jeeda Puntland iyo Barriga Somaliland, ayaa waxa la kala yidhaahdaa. Xasan Cismaan Nuur, Cabdi Axmed iyo Cabdillaahi Xuseen. Waa markii ugu horeysay ee Budhcadbadeed lagu qabto Gobolka Togdheer, gaar ahaan Magaaladda Burco. Quote Share this post Link to post Share on other sites