Sign in to follow this  
Cowke

Shabelle Region: Al-Shabab Defect To TFG

Recommended Posts

Cowke   

alshaab13.jpg

 

alshaab12.jpg

 

alshaab14.jpg

 

alshaab15.jpg

 

 

War Deg-Deg ah:-Taliye ku Xigeenka Ciidamada Alshabaab Gobolka Sh.Dhexe oo Dowlada ku biiray.

 

Puntlandi.Com(Muqdisho):-Dowlada KMG ah ayaa maanta soo bandhigtay Taliye Xigeenkii Ciidamada Alshbaab Gobolka Sh.dhexe oo Dowlada ku biiray.

 

Cali Geedi Xasan oo haa Taliye Xigeenka Ciidamada Alshabaab Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa maanta Saxaafada kula hadlay Xarunta Madaxtooyada ka dib markii uu go’aansaday in uu Dowlada ku biro.

 

Sargaalkan oo Saxaafada la hadlay ayaa sheegay in uu go’aansaday in uu isaga soo baxo Alshabaab ka dib dhaqamo qaldan oo uu ku arkay sida uu saxaafada u sheegay Sargaalkaasi.

 

Cali Geedi oo ah Sargaalka Alshabaab ka soo tagay ayaa waxa uu sheegay in uu ka mid ahaa Saraakiisha Gobolka Sh.Dhexe islmarkaana uu gaaray Madaxtooyada isagoo go’aankiisa gaarka ah ku socday.

 

Sheekh Cali Geedi ayaa tilmaamay in uu ahaa taliye Xigeenka Sh.Dhexe iyadoo dadka ku dhaqan Balcad iyo Jowhar ay si weyn ugu yaqiineen dagaalada Gobolkaasi ka dhacay iyo la dagaalanka Burcada Wadooyinka Gobolkaasi.

 

Afhayeenka Wasaarada Warfaafinta Dowlada KMG ah Sheekh C/Risaaq Maxamed Qeylow ayaa dhanka Dowlada isagoo ku hadlayay waxa uu soo dhaweeyay sargaalkaasi isagoo taageera xoogan muujiyay.

 

Masuulka dhanka Dowlada ku hadlayay ayaa waxa uu sheegay in ay jiraan saraakiil kale oo ka soo goosanaysa ALshabaab kuna soo biirayso dhanka Dowlada kmg ah isagoo balan qaaday in munaasabad lagu soo dhaweynayo.

 

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa soo badanayay saraakiisha ka soo tagaysa dhanka Kooxda ALshabaab iyadoo horey uu isku soo dhiibay Taliye Xigeenkii Gobolka Hiiraan ee Kooxda ALshabaab.

 

Xafiiska Wararka Puntlandi.Com

 

Muqdisho-Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this