Sign in to follow this  
General Duke

TFG troops take on bandits..

Recommended Posts

Ciidamada Dowladda Federaalka oo howl gal burcad sifeyn ah ka sameeyay inta u dhaxeysa Warshiikh iyo Magaalada Muqdisho, halkaasoo dadka iyo gaadiidka dhac loogu geysan jiray.

 

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howl gal ay maanta ka sameeyeen inta u dhaxeysa Degmada Warshiikh ee G/Sh/Dhexe iyo Magaalada Muqdisho,

 

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howl gal ay maanta ka sameeyeen inta u dhaxeysa Degmada Warshiikh ee G/Sh/Dhexe iyo Magaalada Muqdisho, ayaa waxa ay ku guulesyteen in halkaas ka sifeeyaan burcad halkaas wax ku dhibaateyn jirtay.

 

Howl galkan ayaa waxaa ku dhintay labo ruux oo ahaa maleeshiyadkii wax dhacayay, oo halkaas is rasaaseyn ku dhex martay labada dhinac, mid kale oo maleeshiyaadkii ahaa uu ku dhaawac, iyadoo ay Ciidamada Dowladda ay gacanta ku soo dhigeen labo burcad.

 

Howlgalkan ayaa yimid, kadib markii dadka socotada ah ay cabashooyin ka keeneen wadada isku xirta Muqdisho iyo wadada marta xeebta oo looga aado deegaanada gobolada dhexe ee Soomaaliya.

 

Maalmihii u dambeeyay ayay Maleeshiyaad aad u fara badan dhac xoog leh u geysanayeen dadka iyo gaadiidka isticmaalayay wadadaas.

 

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo si rasmi ah u baabi’yay burcada wax dhaceysa, ayaa waxaa wadooyinkaas la sheegayaa in la geeyay markii u horeysay ciidamo ka tirsan Dowladda oo ammaanka wadadaas oo beryihii la soo dhaafay dilal iyo dhac ka jireen.

 

Waa markii u horeysay ee Ciidamada Dowladda howl galo burcad sifeyn ah ka sameeyeen meel ka baxsan magaalada Muqdisho, iyadoo talaabadan ay noqoneyso mid hore usii qaadeyso sugida ammaanka Caasimada Muqdisho iyo deegaanada ku xeeran.

 

Xafiiska Warqabadka ee Shabakada Carmooyin.com Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this