Sign in to follow this  
Cowke

Galmudug Presidential Palace Looted

Recommended Posts

Cowke   

Bililiqo Loo Geystay Aqalka Madaxtooyada Maamulka Galmudug.

 

 

 

Cawil Maxamuud Cabdi

 

RBC Radio, Gaalkacyo

 

Cawil@raxanreeb.com

 

Gaalkacyo (RBC Radio):- Warar lagu kalsoon yahay ayaa RBC Radio u xaqiijiyey in la bililiqeystay agabkii yaalay Madaxtooyada maamulka Galmudug, kadib markii la sheegay in milkiilaha Aqalka Madaxtooyada uu dalbadey in loo faaruqiyo gurigiisa.

 

Milkiilaha ayaa sheegay in uu dhaqaale farabadan ku leeyahay maamulka Galmudug gaar ahaan Madaxweynaha, haatana uu dalbadey in looga guuro gurigiisa maadaama aanan la bixin dhaqaalihii kirada guriga, waxaa uuna banaanka u soo saarey dhamaan agabkii yaalay Madaxtooyada.

 

Waxaa wararku intaa ku darayaan in alaabadii tiilay Madaxtooyada ee milkiilaha guriga uu banaanka soo dhoobay ay u dhaceen malayshiyaad deegaanada Galmudug degan, kuwaasi oo bililiqaystay dhamaan agabkii yaalay halkaasi.

 

Arintani ayaa waxaa saxaafada u xaqiijiyey Taliyaha Qeybta Booliska Koonfurta Gaalkacyo Cabdi Xasan Qooreey, waxaa uuna sheegay in ay jiraan wararka sheegaya in la gurtay agab xafiiseedkii yaalay Aqalka Madaxtooyada Galmudug, meeshuna haatan u eg tahay meel uusan ka jirin wax maamul ah.

 

Dhinaca kale Afhayeenka maamulka Galmudug Axmed Baasto ayaa wararkaasi ku tilmaamey kuwa aan sal iyo raad toona laheyn isla markaana shaqsiyaad dano gaar ah leh ay ka sii daayeen Warbaahinta magaalada Gaalkacyo, isagoo intaa ku daray in aysan ahayn sida wararka loo dhigay arintu.

 

RBC

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Gaalkacyo:(Allpuntland)-Waxaa Bililiqo & Boob loo geystay Aqalkii Madaxooyada ee Maamulka Galmudug oo kajira Koonfurta Magaalada Gaalkacyo,waxaana ay Bililiqadani timid kadib markii Mulkiilaha Guriga oo aysan Maamulku lahayn uu kasoo saaray Qalab Xaafiisyadii & Fadhiyadii guriga yaalay,waxaana uu falkani dhacay xili uu Dalka ka maqan yahay Madaxweynaha Galmudug.

 

Warar lagu kalsoonyahay oo laga helayo Koonfurta Gaalkacyo ayaa kusoo waramaya in Alaabtan Dhaanteed ay Malayshiyaad Boob u geysteen,waxaana la ogeyn halka ay jirto Alaabtan oo u badnaa Qalab Xaafiiskeedii Madaxtooyada & Qeybihii kala duwanaa oo ay Madaxtooyadu ka koobnayd.

 

Guriga Madaxtooyada Galmudug oo ka koobnaa 5-Qol ayaa waxaa yaalay Qalab kala duwan,waxaana wararku sheegayaan in Ciidamada Galmudug ay Baaritaano ku hayaan halka lala aaday Qalabkii Madaxtooyada,sida uu Warbaahinta u sheegey Taliyaha Ciidamada Galmdug.

 

Taliyaha Ciidanka Booliska ee Galmudug Cabdi Xasan Qoorey oo Warbaahinta hadal kooban siiyey ayaa sheegey in Falkani dhacay kadib markii uu Mulkiilaha Gurigani yeeshay Lacag aad u badan oo ay bixin waayeen Mas'uuliyiinta Galmudug oo ay Madaxtooyo ahaan u degenaayeen Mudo Sanado ah.

 

Cabdi Qoorey wuxuu sheegey in uu falkani yahay mid wax u dhimayso Jiritaanka Maamulka Galmudug,wuxuuna sidoo kale Mas'uulkani sheegey in Galmudug ay meel xun wax u wadaan Mas'uuliyiinta imika Maamula oo uu sheegey inay hab qabiil u xukumaan.

 

Dhanka kale Wasiir Xigeenka Warfaafinta ee Galmudug isla markaasna ah Afhayeenka Maamulka ayaa Beeniyey Warkan wuxuuna sheegey inay Buun-buuniyeen dad kasoo horjeeda Jiritaanka Maamulka Galmudug,wuxuuna Wasiirku intaas ku daray in ay jirto Lacag uu leeyahay Mulkiilaha Gurigan,balse wuxuu meesha ka saaray in Qalabkii Madaxtooyada la bililqeystay.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

kadib markii la sheegay in milkiilaha Aqalka Madaxtooyada uu dalbadey in loo faaruqiyo gurigiisa.

I can See Morgan coming back to Hargeysa to reclaim his Villa. :D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this