Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: Puntland sends military commitee to borders with Somaliland

Recommended Posts

Garoowe: Xukuumada Puntland oo udirtay Gudi Kormeera Xuduudaha Sool,Sanaag iyo Cayn oo dhaqdhaqaaqyo ka jireen.

15. september 2007

 

Garoowe(AllPuntland)- Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ayaa sheegaya in gudi ka kooban 5 xubnood oo iskugu jira Wasiiro ,wasiiro kuxigeeno iyo taliyaasha ciidamada Puntland loo diray kormeer guud ay ku sameeyaan Xuduuda gobalka Sool la wadaago Maamulka Somaliland oo maalmihii ugu danbeeyey laga soo sheegayay Dhaqdhaqaaq ciidan oo ay wadaan Maamulka Somaliland la baxay.

 

Gudigan oo howshiisa ka bilaabaya magaalada Laascaanood ayaa booqanaya sida ay sheegayaan wararka laga helayo Madaxtooyada Puntland dhamaanba Xuduud Puntland la wadaagto gobaladaasi ,ayadoo lakulmaya qeybaha kala duwan ee Bulshada ay booqanayaan kalana hadlaya xoojinta amaanka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa.

 

Wafuudan oo aan magacyadooda la shaacin ayaa waxa ay sidoo kale hadal ujeedinayaan ciidamada Maamulkooda oo jooga Xuduudaha mudo dheer halkaasna kaga jira Difaac xoogan oo ay kaga hortagayaan dagaal kaga yimaada gobalada Sool,Sanaag iyo Cayn ciidamada Maamulka la baxay Somaliland.

 

Kormeerkan gudigan ayaa wuxuu ka danbeeyey markii todobaadkii hore israsaaseyn xoogan dhexmartay labada ciidan oo aan dhaasafo dheer kala fogeyn ,markaasi ka dib waxa ay bilaabeen ciidamada Somaliland dhaqdhaqaaqyo Milateri inkastoo Xukuumada Puntland ay wado dhaqdhaqaaqyo kuwaasi la mid ah.

 

Gudigan ayaa lafilayaa in uu maalinta bari ah ka ambabaxo magaalada Garoowe ee xarunta Maamul gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland una socdaalaan Xuduudaha dheer ee uu maamulkoodu la wadaago Maamul gobaleedka Somaliland.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this