Sign in to follow this  
General Duke

Sharif Hotel vows to launch mother of all street battles, fighting continues

Recommended Posts

War deg deg: Dagaal ka socda Degmada Shibis iyo Mucaaradka oo gudaha u soo galay

Dagaalo ayaa ka socda Degmada Shibis ee Waqooyiga Muqdisho, iyadoo dagaaladaas ay u dhaxeeyaan Ciidamada Dowladda KMG iyo Xoogaga Mucaaradka oo gudaha u soo galay degmadaas.

 

Dagaalka ayaa la isu adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan qoryaha saaran gaadiidka dagaalka, iyadoo saameyn ballaaran uu ku yeeshay dagaalka degmada Boondheere oo deris ah.

 

Wararka ayaa sheegaya in Xoogaga Mucaaradka ay dhinacyo badan ka soo galeen Xaafadaha Shibis, gaar ahaan Iskuul Shibis iyo Nasiib Buunde, waxaana la sheegay in qeybo ka mid ah dhufeysyada Ciidamada Dowladda ay soo jireen.

 

Inkastoo dagaalka aanu aheyn mid culus oo la isu adeegsanayo Madaafiicda, hadana waxaa saan saantiisa tahay mid dad badan ay cabsi gelineyso, marka loo eego dhaq dhaqaaqyada socda.

 

Rasaas wiifto ah ayaa maanta ay dad dhowr ah ay ku haleeshay Boondheere iyo Isgoyska Maanabooliyo oo ah mid liif saaran, waxaana rasaastaas ay sababeen kuwo dadka fara ku tiriska ee ku dhaqan halkaas ay dhimasho iyo dhaawacba u geysatay.

 

Xoogaga Mucaaradka ayaa si tartiib tartiib ugu sii durgaya xeyndaabka kooban ee ay Dowladda KMG ku sugan tahay, iyadoo Dowladda ay ku uruureyso Madaxtooyada Villa Soomaaliya oo ay ku waardiyeeyaan Taangiyada Ciidamada AMISOM.

 

Hoyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.com

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowladda KMG oo duulaankeeda ku soo beegeysa Maalinta Ciidanka Xooga dalka 12-ka April (Warbixin culus)

 

Kadib bilihii la soo dhaafay oo ay Dowladda Soomaaliya ku luuqeyneysay in dagaalo ka dhan ah kooxaha mucaaradka ay qaadeyso ayaa ahaa hadaladaas mid muuqday fool ugub ah, marka loo eego diyaar garowgii ay waday oo muddo bilooyin ah ay ku qaadatay in ay habeyso Ciidamadeeda.

 

War sir ah oo ay heshay Shabakada Jowhar.com ayaa sheegaya in qorshaha Dowladda ee ku aadan duulaankeeda oo ah mid lix geesood ah wajiga hore uu ka bilaaban doono Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo qorshahan uu yahay mid lagu soo beegayo Maalinta Ciidanka Xooga dalka oo ku beegan 12-ka April

 

Saraakiisha Milateriga ayaa la sheegay in ay dejiyaan istiraatiijiyada ku aadan dagaalkaas, waxaana qorshuhu yahay in libinta ay dooneyso in Dowladda ka gaarto dagaalka iyo maalinta Ciidanka Xooga dalka ay isku soo beegto, taas oo ah mid ay kaga faa'ideysaneyso Ciidamada faraha badan ee tababarka ugu soo laabtay.

 

Qorshahan ayaa ah mid ay Dowladda ku dooneyso in ay feylasha kaga goyso qolyaha Mucaaradka, kuwaasoo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay wax ka yar 2-KM u jira Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee fariisinka u ah Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

 

Wararka ayaa intaa ku daraya in Kumanaan Ciidamo ka tirsan dowladda oo dhowaan tababar dibada uga soo laabtay, isla markaana haatan ku xareysan xerooyin, ay kala qeyb geli doonaan Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Brundi oo la sheegay in ay hogaamin doonaan howl galkaas.

 

Dagaalka Lix geesoodka ayaa ah mid Mucaaradka Islaamiyiinta loogaga dhifanayo gobolada Koofurta Soomaaliya ee ay maamulaan, iyadoo iskaashiga laga yeelanayo duulaankaas uu noqon doono mid dhinacyo badan, iyadoo Ciidamo Ethiopian ah ay ku lug yeelan doonaan.

 

Maleeshiyo beeleedyo lagu diyaariyay Gobolada dalka ee xuduudaha Kenya iyo Ethiopia ayaa horboodi doona howl galka, iyadoo dhinaca Gobolada dhexe ee Soomaaliya ay qeybtooda ugu weyn qaadan doonaan Ahlu Sunah Waljamaacah, waxaana uu qeyb ka yahay heshiiskii Addis Ababa ay ku saxiixdeen Dowladda KMG oo ah in la iska kaashado dagaalada lagula jiro Islaamiyiinta.

 

Madaxweyne Shariif oo haatan ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa Madaxda Ethiopia ka dalbaday in ay gacan siiyaan Dowladdiisa, taasoo loo arka mid milateri noqon karta, laakiin Madaxweynuhu taageeradaas waxay ahaayeen kuwo isugu jiray siyaasada iyo ammaanka.

 

Inkastoo aan la ogeyn sida uu ku guuleysan karo howl galka, ayaa hadana Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ayaa saadaalinaya in howl galkan uu noqonayo mid Dowladda dhul baaxad weyn ku qabsato, marka loo eego xeyndaabka kooban ee ay caasimada kaga sugan tahay.

 

Howl galka ayaa waxaa Dowladda Mareykanka kaga dhawaajisay in ay kaga saacideyso Dowladda Soomaaliya diyaaradaha is wada ee loo yaqaano Drone, kuwaasoo wax bam gareeya, iyadoo qorshaha diyaaradahan uu yahay bartilmaameedsiga Hogaamiyeyaasha Mucaaradka.

 

Hadal heynta ku aadan dagaalo la qorsheyneyso ayaa ah mid hubanti ah, marka loo eego diyaar garowga iyo dhaq dhaqaaqyada ciidan ee soconaya, waxaana dadka odorasa siyaasada ay sheegayaan in dagaaladan la filanayo ay noqon karaan, mid ugu yaraan keena is badalo ka duwan kuwii hore.

 

 

Hoyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.com

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

War sir ah oo ay heshay Shabakada Jowhar.com ayaa sheegaya in qorshaha Dowladda ee ku aadan duulaankeeda oo ah mid lix geesood ah wajiga hore uu ka bilaaban doono Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo qorshahan uu yahay mid lagu soo beegayo Maalinta Ciidanka Xooga dalka oo ku beegan 12-ka April

How on earth is it a secret if they know, and are now telling us? :D Somali's, you got to love them.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ :D Al-Sharif is Al-Shabab, his government is full of Al-Shabab not only sympathisers but collaborators who pass on the info to their friends.

 

For example how come new weapons and assault rifles by the US have been seen in the hands of Al-Shabab militia's?

 

Sharif and his entourage have no secrets.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by *ANWAR*:

Has always been pro al-Sababa website

:D:D:D

Another your reading of Somali politics is childish. Jowhar.com is a clan based website that is run by Sharif Hotels cousin. But you knew that. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
ANWAR   

Originally posted by General Duke:

quote:Originally posted by *ANWAR*:

Has always been pro al-Sababa website

:D:D:D

Another your reading of Somali politics is childish. Jowhar.com is a clan based website that is run by Sharif Hotels cousin. But you knew that.
:D
How on earth did you know that??, and are you know telling us anyone who questions your sources is childish. Go back two garowe online and tell us what is happening in Puntland camp after the meeting in Addis :D:D

 

Stop with the clan attacks, it makes you seem desperd and old school. How Can we young Politicians in SOL respect and list to you, if you use clan idiologi against someone every time you disagree with them :rolleyes:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this