Suldaanka Posted March 1, 2005 Dawladda Somaliland Oo Markii Ugu Horeysay Yeelanaysa TV iyo Warar Sheegay in Idaacadd Mucaarid Ahi ka Soo Galayso Xagga Iyo London.Marck/01/2005 Hargeysa-(HWN)-Xayn wasiiro ah AYaa Maanta Booqday TV Cusub oo ay Yeelanayso Dawladda Somaliland Wasiiraddaasi oo uu warbixin ku Siiyaya Studio-ga Radio [ & TV ] Hargeysa Wasiir-ka Warfaafinta Abdillahi Maxamed Ducaalle Ayuu ku Tilmaamay Mid Door weyn uu ka qaadan Doono Wacyi-galinta Bulshadda Warku intaasi waxa uu ku darayaa In TV-gaasi uu Dhawaan Soo Gali Doono [Doona] hawadda , Dhinaca Kale Waxa Baryahan Suuqa Hargeysa La isla Dhexmarayaa oo ay Xaqiiqadu tahay In Ay Soo Galayso Maalimahani Idaacadd Cusub Oo Mucaarid-ka Somalilanders-ku leeyihiin .waxana Ay Dadweynuhu Aad U Baadhan Xilliyadda 2 ilaa 9 Habeenimo Ilaa Hadda Ma Jirto cid Cadysay In idaacadaasi Jirto iyo cid Leh hase ahaatee waxa la Rumaysan Yahay In uu Saldhigeedu Yahay Dalka Ingriis-ka lagana Maqlayo Geeska Africa oo dhan oo Saafi ah. Kulan Balaadhan Oo Lagaga Hadlaayey Bilicdda Magaaladda Hargeysa Oo ka Furmay Hotel Hadhwanaag Ee Magaaladda Hargeysa.Feb/28/2005 Hargeysa-(HWN)-Kulan Balaadhan OO si heersare ah usoo qaban qaabisay Dawladda Hoose Ee Hargeysa Ayaa Lagaga Dooday Sida Ugu fiican ee loo qurxin lahaa Magaaladda Iyo Nadaafadeeda Kulankaas Oo Maanta Ka Furmay Hool-ka Shirar-ka Ee Hudheel Hadhwanaag waxa La dajin Doonaa Nidaam-ka Iyo Bilcinta Shanta Sano ee Soo socodda ee Caasimadda Hargeysa . Waxaana kasoo Qayb galay dadweyne aad u tiro badan iyo Mas'uuliyiin waxaana kamid ahaa Xubnihii Maanta Furay Shirkaasi Duqa Magaaladda Hargeysa Eng Jaciir,Shirkaasi oo sii socondoona laguna Gurfoonayo Bilicda Caasimada Hargeysa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Suldaanka Posted March 2, 2005 Bannaanbax ka dhacay Boorama Boorama (Jam)-Isu-soo-bax balaadhan oo ay dadwaynaha reer Boorama u taageerayeen go’aankii Maxkamadda Dastuuriga ah ee Somaliland ku laashay qodobadii caqabadda ku ahaa qabsoomidda doorashada Folaha Wakiillada iyo go’aankii uu ka qaatay Madaxwayne Rayaale qodobadan ayaa shalay ka dhacay magaalada Boorama. Isku soo baxan ay dadwaynaha reer Boorama taageerada ugu muujinayeen go’aankii uu Madaxwayne Rayaale ka qaatay qodobadii ku jiray xeerka doorashada Baarlamaanka ee ay labada Gole [Guurtida iyo Wakiillada] aqlabiyadda ku ansixiyeen, iyo go’aankii ay Maxkamadda Dastuuriga ah ee Somaliland ku laashay qodobadaa. Sida uu soo tabiyay wariyaha Jamhuuriya ee Gobolka Awdal, Cabdiraxmaan Maxamed Habane waxa ka qaybgalay qaybaha bulshada intooda badan, gaar ahaan ardayda dugsiyada kuwaas oo socod ku maray wadooyinka ka hor intii aanay gaadhin fagaaraha khayriyada Boorama, halkaas oo ay kala hadleen maamulka Gobolka, ka degmada Boorama, Salaadiin, qaar ka mid ah madaxda heer gobol ee xisbiyada mucaaridka iyo waxgaradka bulshada Boorama. Ugu horayn, xubno ay ka mid yihiin Suldaan Saleebaan Cali, Suldaan Ibraahin Dacar iyo X.Daahir Aw Cilmi oo erayo u jeediyay dadkii isku soo baxay ayaa muujiyey taageerada ay u hayaan badheedhihii Madaxweyne Rayaale ee uu ka qaatay qodobada caqabadda ku ah doorashada iyo go’aankii Maxkamadda Dastuurigu ku laashay qodobadii dabarka ku ahaa doorashada Wakiillada, iyaga oo tilmaamay in go’aanka Maxkamadda ay u arkaan mid maslaxada ummaddu ku jirto kana turjumaya dareenka shacbiga. Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE ee Gobolka Awdal, Dacar ayaa isna tibaaxay inay kulmiye ahaan soo dhawaynayaan go’aankii Maxkamadda Dastuurigu ku laashay qodobadii dabarka ku ahaa doorashada, xisbiyada siyaasiga ahina ay ka siman yihiin in doorashada wakhtigeedii ku qabsoonto. Guddoomiyaha Guddida Ardayda Dugsiga Sare ee Sh. Cali Jawhar, Cabdinaasir ayaa isna halkaa ka sheegay inaanay raali ka ahayn fikrada gaaban ee ay Golaha Baarlamaanku uga dan leeyihiin inay kursiga ku sii dheeraystaan. "Ma doonayno niman dantoodu tahay inay kursiga iyo bariiskooda ku dheeraystaan, waxaanu taageersanahay go’aanka maslaxada iyo mustaqbalkayagu ku jiro,†ayuu yidhi Cabdinaasir. Maayorka Degmada Boorama, Cabdiraxmaan Sh. Cumar ayaa dadwaynaha reer Boorama uga mahadnaqway isu-soo-baxa ay taageerada ugu muujinayaan go’aankii Maxkamadda Dastuurigu ka gaadhay qodobadda caqabada ku ahaa qabsoomidda doorashada wakiillada iyo go’aankii Madaxwayne Rayaale ka qaatay, maadaama ayuu yidhi; “Danta qaranku waxay ku jirtaa maslaxadda iyo dareenka shacbiga. Guushu wanaaga aad garateen ayay ku jirtaa ee ha hirgalo go’aanka Maxkamadda Dastuuriga ah." Badhasaabka Gobolka Awdal, Maxamuud Sh. Cabdillaahi Cige, ayaa isna uga mahadnaqay bulshada reer Boorama, gaar ahaan ardayda dugsiyada ee taageerada u muujiyay go’aankii Makamadda Dastuuriga ee ka dhanka ah qodobada caqabadda ku ahaa doorashada ee uu go’aanka adag ka qaatay Madaxwayne Rayaale oo isagu dacwad u gudbiyay Maxkamadda si ay u naaqishto waafaqsanaanta Dastuurka ee qodobadaa.badhasaabku waxa kale oo uu tilmaamay in bannaanbaxan muujinayo in aanay bulshadu raali ka ahayn nin doonaya inuu si sharci-darro oo fawdo ah kursiga ku sii dheeraysto. “Ninka durbaan colaadeed tumanaya, ninka doonaya isna caddaalad-darro inuu kursiga ku sii dheeraysto waxaanu leenahay get-out laguuma baahnee," ayuu Badhasaabku hadalkiisii ku soo oodday. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Suldaanka Posted March 2, 2005 Badhasaabka Gobolka Saaxil oo Deeq Gaadhsiiyey Ciidanka Qaranka Somaliland ee Jiida Adhi-Cadeeya Badhasaabka Gobolka Saaxil ayaa shalay deeq gaadhsiiyey Ciidanka Qaranka Somaliland ee sugan jiida hore ee Adhi-Cadeeyaa ee Gobolka Sool t. Deeqdan oo ka koobnayd 300 oo neef oo Adhi ah, 13 Geel ah, 400 oo raashin bariis & sonkor isugu jira, 50 kartoon oo saliid ah, gaadhi khudaar ah, 1200 marduuf oo qaad ah & lix tenakadood oo sigaar ah . Badhasaabka waxa socdaalkiisa ku weheliyey Duqa Degmada Berbera Cabdi jaamac Ducaale ( Cabdi Musbaar) & Maamulayaasha laamaha Dawlada ee berbera oo ay ka mid ahaayeen Maamulka dekeda, kastamka, Wakaalada Biyaha & Badhasaabka & Maayarka Gobolka Togdheer oo iyagu kasii raacay Magaalada Burco. Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland ee Aaga Bari Maxamed Cabdi Aadan (Dhancade) ayaa ka gudoomay deeqdan Masuuliyiinta Gobolka Saaxil.wuxuuna mahadnaqay Taageerada ay la garab taagan yihiin Ciidanka . Quote Share this post Link to post Share on other sites
Suldaanka Posted March 2, 2005 Masuuliyiinta Gobolka Saaxil oo Deeqdii ugu Ballaadhnayd Gaadhsiiyey Ciidanka Qaranka Ee Jiida Hore Adhi Caddeeye (Halganews) Baadhasaabka Gobolka Saaxil Maxamed C/laahi Maxamed iyo Duqa magaalada Berbera Cabdi Jaamac Ducaale ayaa shalay gaadhsiiyey deeq balladhan Ciidanka Qaranka Somaliland ee ku sugan jiida hore ee Adhi-Caddeeye ee gobolka Sool. Deeqdan oo ka koobnayd 300 Neef oo Adhi ah, 13 Geel ah, 400 oo Raashin Bariis iyo Sokkor isugu jira, 50 Karton oo Saliid Cuntada ah, gaadhi Khudaar ah iyo 1200 oo Marduuf oo Jaad ah. Masuuliyiintas waxa ay kormeer ku soo mareen fadhiisimada ciidamada jiida hore ee gobolka Sool. Badhasaabka goboka Saaxil ayaa sheegay in shacbiga ku dhaqan gobolka Saaxil ay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin ciidamada Qaranka. Masuuliyiinta ciidamada deeqda la gudoonsiiyay ayaa shacbiga reer Saaxil ugu mahad naqay deeqda la gudoonsiiyay waxa kale oo ay tilmaameen inay diyaar u yihiin Difaaca Dalkooda Hooyo. Weftigaas masuuliyinta Gobolka Saaxil xalay ayay ku soo laabteen magaalada Burco. Badhasaabka Saaxil iyo duqa Berbera waxa socdaalkas ku wehelinayay Maareeyahay Dekedda Berbera Cali Xoor Xoor iyo Gudoomiyaha Baanka Berbera. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Suldaanka Posted March 3, 2005 Fanaaniinta Qaranka Somaliland Oo Riwaayadd wadaniya U Dhigay Ciidamadda Qaranka ee Jiida Hore ee Gobol-ka Sool.March/03/2005 Adhi-Cadeeye-(HWN)-Fanaaniinta Qaranka Somaliland Oo Baryahanba Socdaal Ku Marayey Jiida Hore ee ay Fadhiyaan Ciidamdda Qaranka Somaliland Ayaa u Dhigay Ciidamadda Qaranka Somaliland Riwaayadd aad u xiiso Badan oo Ay Ku Guubaabinayaan in ay Difaacan Dalkooga Hooyo, Fanaaninta Qaranka Nin u hadlay oo la Yidhaa Cali dheere Ayaa Sheegay In ay u Dhigeen Riwaayadd ka Turjumaysa Difaaca Dalka Kuna Gubaabinaysa In ay yihiin kuwa Ay Shacbiga Somaliland Ku Seexdaan Oo ay Ku fanaan, Mr:Cali waxa uu u Sheegay Ciidamadda qaranka in looga Baahan Yahay in aanay Ka seexan Difaaca Dalka Kana Niyadd Jabin Mustaqbal-ka wacan ee ay Hiigsanayso Jamhuuriyadda Somaliland, Fanaaniinta qaranka Somaliland ayaa iyana u dhigay riwaayaddan oo kale Ciidamadda Aaga 12-aad ee Gobol-ka Togdheer Ee Burco iyagoo ku Guubaabiyay In ay Iyana U heelanaadaan Difaaca Dalkooga, Quote Share this post Link to post Share on other sites