Sign in to follow this  
Cowke

Puntland Security Update

Recommended Posts

Cowke   

Ciidanka Booliska magaalada Boosaaso oo bilaabay Howl-galo lagu baarayo guryaha Boosaso

 

Posted to the Web Jul 06, 19:46

 

Boosaaso:-Ciidanka Booliska ee magaalada Boosaaso ayaa waxaa uu maanta ka bilaabay gudaha magaalada Boosaaso howl-gal uu ku baarayo guryaha ku yaal magaalada Boosaaso, howlgalka ciidanka ayaa ku soo beegmay xili maanta Maamulka Gobolka Bari oo uu ugu horeeyo gudoomiyha Gobolka Bari Shiikh Cabdixaafid Cali Yuusuf ay saxaafada kala hadlay dadweynaha magaalada Bosaaso waxaan uu ku wargeliyey in ciidanka amaanka ay bilaabeen howl galo guryaha lagu baarayo sidaas darteed waxaa uu ku wargeliyey dad weynaha in ay la shaqeeyaan ciidanka amaanka qaybihiisa kale duwan.

 

Gudoomiyaha Gobolka Bari Sh. Cabdixaafid Cali Yuusuf ayaa sheegay in gudiga amaanka ee Gobolka Bari ay arinkaas go,aamiyeen sidaas darteen howl galku uu yahay mid balaaran oo ay ciidanku ku bartilmaamsan doonaa guryahay ay ka shakisan yihiin.

 

Gudoomiyaha Gobolka Bari Shiikh Cabdixaafid Cali ayaa ku macneeyey howlgalka ay maanta bilaabeen ciidanka amaanka uu yahay mid lagu adkeynayo amaanka guud ee Gobolka Bari gaar ahaan magaalada Boosaaso, gudoomiyaha ayaa sheegay in aan loo dulqaadan karin in amaan xumo iyo dilal qorshayn loo soo raro magaalada Boosaaso,Shiikh.Cabdixaafid Cali Yuusuf ayaa uga digay dadka leh dukaamada iyo meheradaha ay ka foojignaadaan in guryahooda hortooda lagu aaso miinooyin ka dib la dhuunto arinkaas oo ay cidii gurigeed horteeda la dhiga miino ay iyagu ka masuul ka yihiin haddii aysan ciidanka ku soo wargelin.

 

Guddoomiyaha gobolka Bari Shiikh Cabdixaafid Cali Yuusuf ayaa sheegay in howl galka ay ciidanku bilaabeen uu soconayo ilaa inta amaanka la adkeynayo danbii layaasha falalka geystana la soo qabanayo.

 

 

Ciidanka amaanka Boosaaaso ayaa maanta la arkeyey iyagoo guri guri u baaray xaafado ku yaal duleedka magaalada Boosaaso gaar ahaan xaafadaha ku dhow masjid Faadumo, howl galkaan ay ciidanku ku baarayaan guryaha ayaa waxaa uu noqonayaa kii ugu horeeyey ee ka bilowda xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

 

M_M_Deeq

Halgan.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Deg Deg Ah: Lacag Ku Xanibneyd Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo Oo Xoog Lagula Baxay.

 

Cawil Maxamuud Cabdi

 

RBC Radio, Gaalkacyo

 

Cawil@raxanreeb.com

 

Gaalkacyo (RBC Radio):- Lacago Shilin Soomaali ah oo cadadkeedu yahay 17 Billion, isla markaana ah lacag cusub oo indhoweydba ku xanibneyd Garoonka Diyaaradaha magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa xalay saqdii dhexe waxaa xoog kula baxay Ganacsatadii lahayd.

 

Ganacsatadii laheyd lacagta cusub ee ku xanibneyd maalmahan Garoonka Gaalkacyo ayaa markii ay isku fahmi waayeen dhaqaalahani wada hadal ay kala yeesheen Puntland, waxay go’aan sadeen in ay lacagta gudaha Garoonka si awoodi ku laran tahay ugala baxaan, iyaga oo adeegsanaya maleeshiyaad farabadan oo ka tirsan kuwa deegaanka, kuwaasi oo ku guuleystay in ay ka soo saaraan lacagtaasi halkii ay taaley ee gudaha Garoonka Gaalkacyo si dhib la’aan ah.

 

Lacagta ayaa gudaha loo soo galiyey magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug oo ah halkii ay markii hore ku socotay, waxaana wararku intaa ku darayaan in la geeyay guryaha mid ka mid ah gabdhihii ganacsatada ahaa ee lacagtaasi markii hore ka soo qaatey Dawladda KMG Soomaaliya.

 

Lacagtani xooga ay kula soo baxeen ganacsatadii laheyd ayaa waxaa ay noqoneysaa mid fashil weyn ku keenta maamulka Puntland oo isagu hortaagnaa in muddo ah, waxaana intii lacagtani ay xanibneyd dhacay kulamo gooni gooni ah oo dhexmaray madaxda Puntland iyo ganacsatadii laheyd lacagta, kulamadaasi oo ku idlaadey is afgaranwaa.

 

Waa markii ugu horeysay oo arinta ceynkani ah ay ka dhacdo gudaha magaalada Gaalkacyo, mana jirto cid ka tirsan maamulka Garoonka Diyaaradaha, Maamulka Degmada iyo Kan Gobolka Mudug oo ka hadlay arintaani.

 

RBC Radio.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Wasiirka Cadaalada Puntland oo Sheegay in Dhaqan Celin Lagu Sameynayo Kooxaha Burcad Badeeda

 

(Garowe) RBC: Wasiirka Wasaaradda Cadaalada iyo arimaha diinta Puntland Cabdi khliif xaaji Xusen ayaa sheegay in dhaqan celin ay u samayn doonaan kooxaha burcad badeeda Soomaalida .

 

Waxuuna tilmamay in ay arintaa marka la sameeyo ay macquul tahay in ay ka waantoobaan dhaqamda xun xun ay ku jiraan waxauna intaa ku daray in tilaabadaa ay iminka Dowlada qorshaynayso .

 

Wasiirka Wasaaradda Cadaalada ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumada Puntland ay dagaal la gashay kooxahaa burcada ah iminkana ay damacsa tahay in wacyigalino arimahaa looga sameeyo.

 

Kooxaha Buracad badeeda ah ayaa waxaa dhoor jeer tilaabooyinka ay qadayaan ka hadlay Culumaa,udiinka waa wayn ee ku dhaqan Garowe kuwaas oo sheegay in Burcad badeedu afduubka Maraakiibta ay ku samaaynaayan in aysan ahayn mid banaan.

 

Waxa ayna ugu baaqeen in tilaabooyinkaa nuucas ah ay joojiyaan si gaagdiidka isticmaala biyaha caalamka ay si nabad ah halkaa ugu maraan waxana Culumaaudiinka ugu baaqeen waalidiinta dhalintaa dhalay in ay ka wacyigaliyaan.

 

Maamulka Puntland aya horay u sheegay in dagaal uu kula jiro kooxaha burcad badeeda Soomaalida islamarkaana ay gacanta ku hayaan kooxa badan oo lala xariirinayo in ay lug ku leeyihiin kooxaha burcad Badeeda Soomaalida.

 

RBC NEWS

 

Xafiiska Garowe

 

C/raxmaan ilkacase

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Booliska Gobolka Mudug Oo Fuliyey Hawlgal Lagu Soo Qabqabtey Kooxo Burcad Badeed ah.

 

Cawil Maxamuud Cabdi

 

RBC Radio, Gaalkacyo

 

Cawil@raxanreeb.com

 

Gaalkacyo (RBC Radio):- Taliska Booliska Gobolka Mudug ayaa fuliyey hawlgal lagula dagaalamayo burcad badeeda ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ee maamulka Puntland.

 

Hawlgal balaaran oo ay ku dhaqaaqeen ciidamada amaanka gobolka Mudug gaar ahaan kuwa Booliska ayay gacanta ku soo dhigeen Burcad badeed wadata Gaadiid, Hub iyo maandooriyaha Khamriga, kuwaasi oo laga dhex qab qabtey gudaha magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

 

Ku Dhowaad 14 ruux oo ka tirsan burcad badeeda ayaa waxaa la dhigay Saldhiga bartamaha magaalada Gaalkacyo, kuwaasi oo watey gaadiid, hub iyo khamri saarnaa gaadiidkii ay wateen, waxaana dhamaan agabkaasi la wareegay Taliska Booliska Gobolka Mudug.

 

Taliyaha Booliska Gobolka Mudug ee maamulka Puntland G/sare Muuse Xasaasi ayaa warbaahinta u sheegay in hawlgalkani ay ku dhaqaaqeen xilli dambe oo habeenkii ah gaar ahaan wixii ka dambeeyay 11:00 habeenimo, hawlgalkaasi oo socday ilaa iyo waaberkii.

 

G/sare Xasaasi waxaa uu intaa raaciyey in xilligaasi ay tahay waqtiyada burcad badeedu gudaha magaalada ay ka sameeyaan dhibaatada, gaar ahaan rasaaseyn inta badan dhexmarta dhexdooda, taasi oo mararka qaar sababta dhimasho iyo dhaawac.

 

Hawlgalkani ay fuliyeen Ciidamada amaanka gobolka Mudug ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xilli gudaha magaalada Gaalkacyo ay soo buux dhaafiyeen burcad badeeda Soomaalida kuwaasi oo ka kala yimid gobola badan oo Soomaaliya ah, waxaana Ciidanka Boolisku sheegeen in ay la dagaalami doonaan burcada, isla markaana ay la wareegi doonaan dhamaan agabka ay heystaan.

 

RBC Radio.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Ciidamo ka tirsan Maamul Goboleedka Puntland oo la kala dhex dhigay Beelo ku dagaashan Magaalada Qardho.

By admin

July 6, 2010

 

Qardho (AB):-Wararka laga helayo Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Ka kaar ayaa sheegaya in Maamulka Puntland ciidamo ka socday ay kala dhex galeen beelo halkaasi dagaalo ku dhexmareen.

 

Saraakiil Dowlada Goboleedka Puntland ka tirsan ayaa la sheegay inay ku guuleysteen xalinta beelaha Qardho ku dagaalamay,iyagoo ka hortagay in xaaladu ka sii darto, madaama dagaalo dhexmaray beelahaasi ay dad iska laayeen.

 

5 ruux ayay wararku sheegayaan in beelahaani iska dileen ka hor intii aan la soo kala dhex gelin,waana tan qasabtay in Maamulka Puntland uu soo fara geliyo iska colaada labada Beelood soo kala dhex gashay.

 

Maaha markii ugu horeyay oo Mas'uuliyiinta Dowlad Goboleedka Puntland ay xaliyaan dagaalo u dhexeeya beelaha dega gobolada Maamulkaasi maamulo ee Puntland.

 

allburtinle.com

Xafiiska Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Somalia: Puntland official condemns failed assassination attempt on his life

5 Jul 5, 2010 - 10:43:13 AM

 

 

The governor of Puntland’s Bari region says the coordinated blast that killed two of his security guards were deliberate attempts to assassinate him.

 

Sheikh Abdihafid Ali Yusuf told reporters in Bossaso, the commercial capital of Bari that he was not in the car when the bomb went off, destroying the vehicle.

 

“The blast was a landmine that was targeted on my car. I guess the plan was to assassinate me but that never happened,” he told reporters in Bossaso.

 

He confirmed that two of his security guards have been killed while two others including his driver were wounded in the blast. He sent his condolences to the families of the slain officers and wished quick recovery from the two wounded.

 

He urged Bossaso residents to be vigilant and cooperate with the security apparatus to ensure security is maintained.

 

Yussuf had message to the perpetrators of the blast. ‘Stop these un-Islamic acts that put people on danger’.

 

He also had advice for Somali media in particular to those outlets which spread news that he was resigning. ‘Speak the truth, stop baseless speculations’.

 

No group has claimed the responsibility of the attack and the motive behind it is still not known.

 

In recent past, the commercial city has witnessed several assassination plots and blasts targeted on government officials. The perpetrators are believed to be people with links to militants fighting in southern Somalia.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Dawladda Puntland oo Dib Looga Fara Maroorsadey Lacag Sharci Darro Ah.

 

July 7, 2010

 

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda maaliya qaybta maamulka ee Puntland Cabdi Ibraahim Warsame oo maanta la hadlayay warfidiyeenada ayaa sheegay in kooxo hubaysan ay xalay garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo ay kala baxeen lacag muddo ku dhaw laba todobaad halkaas ku xanibneyd, taas oo laga keenay magaalada Muqdisho waxayna lacagtaasi gaaraysay 17 bilyan oo Shiln Soomaali ah, waxaana lacagtaas Puntland soo geliyey laba gabdhood oo u dhashey Puntland kuwaas oo sheegay in ay qayb ka ahayd lacag deyn ah oo ay ku lahaayeen Dawladdii uu madaxweynaha ka ahaa Cabdullaahi Yusuf.

 

 

Podcast: Play in new window | Download (Duration: 10:10 — 4.7MB)

 

Wasiirka ayaa sheegay in ay jireen maleeshiyo dhowaanahanba isku urursanaysay agagaarka garoonka diyaaradaha ee maagalada Gaalkacyo, kuwaasi oo bartilmaameedkoodu uu ahaa sidii ay lacagtaas u dhici lahaayeen, isagoo sheegay in dadkii lacagtaasi keenay iyo kuwa dhacay ay isku mid ahaayeen, isla markaasina Dowladu ay wado baaritaan ku aadan arimahaasi.

 

“…Lacagtaasi waxaa laga keenay Muqdisho, waxaana ay horu dhac u tahay lacago kale oo la keenaayo Puntland, dawladdu waxa ay ku dedaashey in lacagtaasi aysan gelin suuqyada waxaana heshiis la galney labadii gabdhood iyo odoyaasha dhaqanka ee Gaalkacyo oo wakiil gabdhaha ka ahaa, laakiin waxaa soo baxdey in gacan saddexaad ay jirto taas oo ah midda lacagta Puntland soo gelisey waxyna ku kala sugan yihiin Muqdisho iyo dalka dibadiisa, gacantaas saddexaad ayaana heshiiskii ku qanci weydey…” ayuu yiri.

 

Mudane Cabdi Ibraahim ayaa sheegay in lacagtaasi la dhaco ay ka dambeeyaan dad doonaaya in qalqal ay galiyaan habsami usocodka dhaqaalaha Puntland.

 

Wuxuuna xusay waqtigii lacagtaasi la keenay ka dib kulamo ay qaateen Madaxwaynaha Puntland iyo odayaasha dhaqanka in la go’aamiyay in lacagtaasi ay dowladu la wareegto, hasa yeeshee go’aankaasi ka dib ay timid in lacagtiiba la dhaco.

 

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in ay amaro ka soo saareen lacagtaas isla markaana wadaan sidii ay uga hortegi lahaayeen, waxaana ka mid ahaa go’aamada:

 

1-In lacagtaas aan lagu isticmaali karin suuqyada Puntland

2-Ganacsatada, Shacabka, Hay’adaha Dowliga ah iyo kuwa maxaliga ah in aysan isticmaali karin lacagtaasi

3-Furdooyinka canshuuraha, bangiga iyo dowladaha hoose ma isticmaali karaan

4-Gaadiidlaydu ma qaadi karto lacagtaasi

5-Dowladu guddi baara ayay u saartay sidii garoonka ay wax uga dhaceen

 

Lacagtan aadka u badan ayaa sababtey in muddo 10 cisho uu xirnaado garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo, waxaana dhawaan dawladdu shaacisey in heshiis laga gaarey lacagtaasna ay dawladdu la wareegayso taas oo dadka qaarkiis wel wel xoogleh ka muujiyeen.

 

Waxaa aad la isu weydiinayaa garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo oo ciidan aad u badan ay ku sugan yihiin sida lacagtan loogala baxay?, dhanka kale haddii dawladdu ogeyd in malayshiyaad isku urursanaayo meel u dhaw garoonka maxay uga hortegi waayeen?, sidoo kale waxaa calaamad su’aal la saarayaa xiriirka ka dhexeeya lacagtan iyo qaar ka mid ah maamul Puntland kuwaas oo la sheegaayo in ay ku caawiyeen malayshiyaadkaas in ay si fudud ula baxaan lacagtaas aadka u faraha badan.

 

Markii lacagta diyaaradda Gallan ay ka soo qaadeysey Muqdisho lalama socodsiin maamulka Puntland sida ay sheegeen, laakiin nasiib wanaag maamulku gacanta ayuu ku dhigey, hadaba waxaa shaki laga qabaa lacagta faraha maamulka lagala baxay sida ay awood ugu leeyihiiun in ay ka hortagaan in ay suuqyada soo gasho taas oo horseed u noqon karta sicir barar aad u baahsan.

 

Maxamed Siciid Yuusuf

Wakiilka Horseed Media

Garoowe,Puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Press Releases

 

Somalia: Illegal Bank Notes Entering Puntland

7 Jul 7, 2010 - 2:46:30 PM

 

 

Mr. Abdi Ibrahim Warsame (Qowdhan) Deputy Minister of Finance who is also Acting Minister of FinancePuntland State, Somalia

 

Ref: WK/WM/DPL/085/2010

Puntland State of Somalia, Ministry of Finance

 

Press Release: On 23 rd of June 2010, a Gallad chartered airplane loaded with illegal banknotes cargo, constituting of 17.5 billion Somali shillings landed at Galkayo Airport. The Puntland Government intelligence sources confirmed that the printing of these fake notes took place outside Somalia, prior to its illegal transportation into Puntland.

 

The government of Puntland was cognizant of the inflation that these illegal billions banknotes could cause on the economy and thus, impounded the cargo in Galkayo Airport, pending for investigation. The investigation focused on the trail of the cargo and deliberated on viable solutions, with a focus on ensuring that the illegal currency did not flood the market and endanger the economy and livelihood of Puntland. The government contacted senior authorities in the Transitional Federal Government (TFG) of Somalia, who acknowledged being the source of the illegal currency.

 

The TFG claimed that the cargo was part of a currency printed during the period of the former TFG President (Abdullahi Yusuf Ahmed).The TFG elaborated that the 17.5 billion illegal banknotes was delivered to Puntland as clearance for outstanding debts belonging to two female creditors from Puntland. So far, the government of Puntland has not found these explanations acceptable. With the intention of saving Puntland and its people from the dangers of the illegal banknotes, the government of Puntland, thereby decreed the following:

 

1. The government of Puntland prohibits the circulation and transaction of the illegal currency in Puntland.

 

2. The government offered to the creditors an alternative legal compensation to settle the outstanding debts of the TFG.

 

3. The government of Puntland summoned the two female creditors and traditional leaders from Mudug region representing the creditors to negotiate and discuss the illegal banknotes cargo.Following a participatory dialogue between the elders and the government, a consensus was reached on 27 June and the parties adopted following:

To ban the use and circulation of the illegal currency in the Puntland markets.

To place the illegal banknotes cargo under the custody of the government of Puntland with the intent of burning up the illegal currency or returning it to TFG authorities in Mogadishu.

To pay to the two female TFG creditors in appropriate installments

Regrettably, as the government of Puntland was processing preparations to transfer the illegal banknotes cargo from Galkayo Airport, militia members and other individuals involved in the initial transportation of the illegal currency looted the cargo. The collaborators of this illegal looting are still at large in Mogadishu and outside the Somali territory. These elements are bent on destroying the peace, creating inflation to the stable economy enjoyed by the people of Puntland. Since the incumbent Government came into power in 2009, the inflation rate has fallen from 37,000 – 38,000 Shillings per US dollar to a steady rate of 29,000-32,000 shillings per US dollar.

 

Taking into consideration the similar issuance's of illegal currency between 2006-2008 and subsequent aggravation on people’s livelihood, the government of Puntland forestalls recurrences and hereby prohibits;

The use and circulation of the looted illegal currency within the Puntland territory

The government warns the public, the business community, money transfer firms, money exchange bureaus, all governmental agencies, and non-governmental agencies against the usage and transactions of the illegal currency. Similarly, the government instructs all revenue collection departments and offices like customs and ports, inland tax collectors, banks ,local government structures, and other governmental agencies not to collect or use the illegal currency.

Furthermore, the government notifies drivers against transporting the illegal currency into Puntland and anyone found in possession of this illegal currency is punishable under the laws of Puntland. The government will appoint a fact-finding commission to investigate the looting of the illegal currency that took place in Galkayo Airport. The commission will identify culprits and conspirators involved in the looting incident. The government will ensure that all found guilty will face punishment according to the law

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Somalia: Looters steal false Somali currency from Puntland airport

8 Jul 8, 2010 - 9:08:10 AM

 

 

Unidentified looters stole some 17.5 billion Somali Shillings (approx. $531,000 USD) that was recently nabbed by Puntland security officers at Galkayo Airport, in central Mudug region, Radio Garowe reports.

 

The incident occured around late Tuesday night and the Puntland government has called for an immediate investigation into the robbery.

 

The false currency was sent from Mogadishu on a plane later seized by Puntland security forces at Galkayo Airport two weeks ago. The government ordered a freeze on the money from entering Puntland markets pending an investigation and a final decision.

 

Somali Shillings

 

The money was given to two Puntland businesswomen as a clearance for outstanding debts from the former president of the Transitional Federal Government President, Mr. Abdullahi Yusuf Ahmed.

 

Mr. Abdi Ibrahim Warsame (Qowdhan), Puntland's Deputy Minister of Finance who is also Acting Minister of Finance, said the government had arranged an alternative legal compensation to the two women who brought in the money from Mogadishu and get hold of the money before its spread.

 

"The government offered to the creditors an alternative legal compensation to settle the outstanding debts of the TFG," he said in a statement.

 

"...But militia members and other individuals involved in the initial transportation of the illegal currency looted the cargo. The collaborators of this illegal looting are still at large in Mogadishu and outside the Somali territory," he added.

 

Puntland promised to appoint a fact-finding commission to investigate and identify culprits and conspirators involved in the looting at Galkayo Airport, warning that anyone found guilty will face punishment according to the law

 

President Abdirahman Farole's government which fought relentless to get rid of counterfeit Shilling that has severely caused inflation in the region has stated that it would not allow the circulation or the usage of the currency in the areas under its control.

 

The embattled government in Mogadishu under current TFG President Sheikh Sharif Ahmed confirmed to Puntland authorities that the TFG handed the two creditors the 17.5billion Somali Shillings to pay off TFG debts incurred under the former administration.

 

Somalia has had no effective national government for 20 years and the current UN-backed Transitional Federal Government (TFG) operates under the mercy of African Union peacekeeping troops, which control only the capital's seaport, airport and Presidential Palace.

 

RELATED:

READ: Somalia: Illegal Bank Notes Entering Puntland [Govt Press Release]

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this