Sign in to follow this  
General Duke

1700 AU troops to arrive in Mogadishu soon

Recommended Posts

Burundi oo Ciidamo u soo diraysa Soomaaliya

 

Dowladda Burundi ayaa sheegtay in Ciidamo ka socda dalkeeda ay dhawaan soo gaarayaan dalka Soomaaliya iyadoo hore Magaalada Muqdisho ay u joogeen Ciidamada dalka Uganda

 

Ciidamo ka socda wadanka Burundi ayaa waxaa lagu wadaa in la soo gaarsiiyo dalka Soomaaliya kuwaas oo tababar lix asbuuc ah oo u soconayay uu u soo gabagaboobey maalinimadii shalay.

 

In ka badan badan boqol tabarayaal ah oo katirsan saraakiisha sar sare ee wadanka Mareykanka ayaa waxaa ay maalinimadii shalay tababar soconayay muddo dhan 6 asbuuc ah u soo xireen Ciidamo gaaraya 1700 oo askari oo burudiyaan ah kuwaas oo lagu tababarayay xerada Camp Gakumbu ee dalka Burundi.

 

Madaxa difaaca xoogaga Ciidamada qaranka Burundi General Major Samuel Gahiro,ayaa waxaa uu mahad balaaran u celiyay dowladda Mareynka oo uu sheegay in qeyb lixaad leh ay ka qaadatay tabarka Ciidamadaan isagoo sidoo kale ku amaanay Ciidamada Burundi in ay gacan siiyaan wadanka kale si nabad ay ugu soo dabaalaan.

 

Lama sheegin xiliga kama dambeysta ah ee Ciidamada Burundi ay soo gaarayaan dalka Soomaaliya maadaama ay jiraan qalab farsamo oo wali Ciidamaasi ka dhiman.

 

Dowladda Mareykanka ayaa balan qaaday in ay Ciidamadaan burundii ka saa cidi doonto dhinaca qalabka isgaarsiinta,iyadoo sidoo kale dowladda faransiisku ay iyana balan qaaday in Ciidamadaasi ay ka taageerayso sidii Soomaaliya ay ku soo gaari lahaayeen.

 

Ciidamada Burundi ee lagu wado in lagu soo daabulo wadanka Soomaaliya ayaa waxaa awal horey dib u dhac uu ugu yimid bishii July ee sanadkaan sababo la xariira dhinaca isgaarsiinta iyo diyaaradihii keeni lahaa wadanka Soomaaliya.

 

Toban ka mid ah saraakiisha sar sare ee dowlada Burundi ayaa waxaa ay socdaal gaaban ku yimaadeen Magaalada Muqdisho intii lagu jiray bishii agoosto kuwaas oo u kuur galay sida Ciidamada Burundi ay dalka Soomaaliya oo dagaalo ay ka dilaaceen ay u soo gaari lahaayeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Brundi oo tageysa Somalia

5 Oct 5, 2007 - 9:21:35 AM

 

1700 askari oo ka tirsan ciidamad dalka Brundi ayaa lagu wadaa iney yimaadaan dalka Soomaaliya si ay ugu qeyb biiraan ciidamada AMISOM ee ka howlgelaya gudaha dalka Soomaaliya.

 

Ciidamadan ayaa shalay xero ku taala dalka Brundi loogu soo xiray tababar socday mudo lix todobaad ah kuwaas oo ay bixinayeen saraakiil ka tirsan ciidamada Mareykanka.

 

Ciidamadaan ka socda dalka Brundi ayaa waxaa hoggaamin doona 70 sarkaal oo iyagu heysta tababar gaar ah oo ku saabsan dhinaca ciidamada nabad ilaalinta.

 

Afhayeenka ciidamada wadanka Burundi Col. Adolphe Manirakiza ayaa u mahad celiyay dowladda Mareykanka oo tababarkaas siisay ciidamadooda iyo weliba balan qaadka ay Mareykanku u fidiyeen ee ku saabsan gacan siinta dhinaca isgaarsiinta kuwaas oo sahlaya howlahooda.

 

Dhinaca kale dowlada Faransiiska ayaa ballan qaaday iney iyadu qeyb ka qaadaneyso daad gureynta ciidamadaasi la geynayo dalka Soomaaliya kuwaasoo la filayey iney yimaadaan bishii Luulyo ee la soo dhaafay iyagoo dib ugu dhacay arimo ku saabsan dhinaca isgaarsiinta iyo gaadiidka diyaaradaha.

 

Bishii Agosto ayaa toban sarkaal oo ka socday ciidamada Brundi Muqdisho booqasho ku yimaadeen kuwaasoo u guur galayey xaaladda nabadgelyo ee magaalada iyo goobihii ay degi lahaayeen ciidamadaasi ka socda dalka Brundi.

 

Garowe Online,Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by -:

Ma diinkii dhaanka luu diraa ciimada Burundi.

Loooooooooooooooooooooooooool...!

:D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

France Iyo Maraykanka Oo Iska Kaashanaya Sidii Ciidamo Horleh Lookeeni Lahaa Som

 

(Gakumbu}6.10-7

Guutooyin ka tirsan ciidamada Burundi ayaa lagu keeni doonaa Soomaaliya dalabka Midowga Afrika ka dib markii 4 October loo soo gabagabeeyey tababar soconayey lix todobaad

In ka badan boqolaal tababarayaal oo ka yimid ciidanka Mareykanka ayaa kormeerayey tababarkan xeelada dagaalka.

 

Xaflado lagu muujinayo tababarkan ayaa shalay lagu qabtay Kaamka Gakumbu.

 

Madaxa Shaqaalaha ciidamada Difaaca Qaranka ee Burundi, Janaraal Major Samuel Gahiro, ayaa ugu mahad celiyey tababarkan dowladda Mareykanka, isaga oo ku amaanay go’aanka ciidamada Burundi oo ah sidii ay u caawin lahaayeen dalalka kale si ay u helaan nabad.

 

Waqtiga ciidamada la keenayo ayaa weli la cayimin iyada oo farsamooyinka lagama maarmaanka ah weli lasoo aruurin.

 

Dowladda Mareykanka ayaa waxa ay ballan qaadeen in ay bixineyso qalabka isgaadhiinta labada guuto halka dowladda Farance sidoo kale ay ballan qaaday in ay bixineyso taageerada gaadiidka.

 

Keenitaanka Ciidamada Burundi ayaa goor hore dib loo dhigay Bishii July ee sanadkan, iyada oo lagu micneeyey Gaadiid iyo qalab isgaadhsiin la’aan.

 

10 sarkaal oo ka tirsan ciidamada Burundi ayaa ka sameeye howl-gal Soomaaliya Bishii August, iyaga oo ku gabagabeeyey in ciidamada Burundi la keeni doono dalkan ku yaal geeska Afrika.

 

Widhwidh Online News Desk..media center

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this