Gabbal Posted June 18, 2006 Wararkii Ugu Dambeeyey Iyo Wadohadaladii Ceelwaaq Wadahadaladii nabada ee maalmahanba ka socdey degmada Ceelwaaq ee G/Gedo ayaa haatan ku dhow heer gebogebo ah,heshiis rasmi ah oo laga gaaro nabadaynta Ceelwaaq ayey ku xiran tahay hadba natiijada ka soo baxda kulamo u soconaya xubno ka tirsan DFKMG,Ugaasyada,masuuliyiinta maamulka G/Gedo,odayaasha iyo waxgaradka labada beelood oo loo xilsaarey inay xal ka gaaraan qaab qeybsiga maamulka Degmada Ceelwaaq oo wadaag ay ku yihiin labada beelood. Arinta ugu muhiimsan oo laga wadahadalayo ayaa ah sheegashada dhulka degmada Ceelwaaq iyo qaabkii loo qeybsan lahaa gudiga maamulka oo ka kooban 21 xubnood,iyadoona horey laysula meel dhigay Qodobka sheegashada dhulka oo xubnaha Dowlada ka socdey labada dhinac ay ku qanciyeen labada beelood in arintaasi ay u taalo dowladda federaalka,isla markaana cid ayan si gaar ah u sheegan karin dhulka. nkastoo arinta Gudoomiyaha la siiyey beesha Garre, hadana weli waxaa jira qaabka wax loo qeybsanayo oo Beesha Garre weli ay ku adkeysanayso tirada 20ka in saami dheeri ah la siiyo. Guddigaasi ayaa waxaa ka mid ah dhinaca Beesha Garre: Cabdi kaafi Macalin Xasan –W/kuxixeenka Boostada ismaaciil Cabdi Maxamed ---W/kuxigeenka Beeraha Xildhibaan.Ibraahin ***** Ceymooy Xidhibaan Hore Kenya –Aden Maxamed Nuur Ugaas Aden Ugaas Cali. C/laahi **** -Mayorka Mandera Geedow Aden ***** Fiiloow ***** ibraahin Dhinaca Beesha Sade: Xildhibaan Xasan Cumar Xuseen Sh.Cabdi ismaaciil-Gudoomiya G/Gedo Ugaas Cumar Ugaas Xirsi Ugaas Ciise Ugaas C/lle Maxamed Cabdi Aden (iris) Xasan Nuur Sharmaake (warbac) Nabadoon Mxamed Axmed (indho-yare) Indhabuur Jaamac Deer Gudoomiyaha Maamulka G/Gedo Xuseen Farey oo aan kula kulmay hoolka shirka ayaa rajo wanaag ka muujiyey heshiis laga gaaro qodobka hadda leysku hayo ee xaga maamulka ,isagoo dhianaca kalena sheegay in maalmaha soo socda maamul loo sameyn doono Degmada Ceelwaaq. A C Saalixi Gedonet Quote Share this post Link to post Share on other sites
Reality Check Posted June 19, 2006 ^Nice signature. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dhubad. Posted June 19, 2006 Good news. Haday heshiinwaayaan Maxkamadah is on their way to fix for them.lol Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gabbal Posted June 19, 2006 ^U kaadi adeer, mahkamad lagu tilmaamayo "maxkamadaha" meel u gaar maahe. Warku ha isku qaldin. Quote Share this post Link to post Share on other sites