Sign in to follow this  
QabiilDiid

Is BBC for the orphaned children of Queen Victoria?

Recommended Posts

clrashiid galbeedi

waxaa gabay kaga soo hadlay jidh dilkii loo gaystay Sh Maxmed Ismaaciil abwaan Axmed Cabdi Geelle illaahy haka abaal mariyee

 

 

Bacadlow aduunyadani waa oday ka sheekeeye

Amakaag ma laha shay haduu soo ahaan jiraye

Adamigu wixii ku cusub bay la ashqaraaraane

 

Arin aniga iga yaabiyoo aada baa jira.e

 

Arxan xumada soomaaliland maqal islaamkiiye

 

Iyaga iyo axmaaradu iblays agabki weeyaane

 

Culimada ilaahay diraye diinta u adeegta

 

Xabsiga abu qurayb oo kalaa lagu idleeyaaye

 

Eed ma gelin wadaadkaniye waa la arjumaayaaye

 

Iimaanka uu leeyahay buu eeday oo qudhahe

 

Elekteriga lagu ololiyee ubucda loo saaro

 

Indhihii arkaa la hubaa inay ilmeeyeene

 

Abtirsiinyahaa lagu arkay iyo oodda uu yahaye

Akishuu noqdaye ina ***** weys tixgeliyaaye

 

Awood nimaan lahayn iyo qariib waa alqaacido.e

 

Iyagay aduunyada tusaan kuna ugaadhaane

 

Abris iyo abeesay noqdeen arami jiiftaaye

 

Ehel ma laha gaal iyo ninkii aaladow sida.e

 

Inaguu gargaar inaga sugi ina ismaaciile

 

Adimada hadaan lagu tegeyn jeelka lagu ooday

Aan lagu afuufayn rasaas ololku qiiqaayo

 

Alaylehe inaan aamusnaa waa ardaalnimo.e

 

Abshirow adow hiilin jiray kii la aayiro.e

 

Inantii yarayd waadigii aakahow ridaye

 

Eegana afkaagay bulshadu eegaysaa weliye

Uugaami maansada mar baa lagu itaalaaye

 

Inta uurka nugul ee dulmiga ka anfariiraysa

 

Odayada wax garadkee xalila xaajo la adkeeyey

 

Interneedka ugu sheeg xaq waa loo arimiyaaye.

 

*************************************

Afartaasi alifkaan bartiyo erayadaydii dheh

Hawraar awow laga wato iyo hibo ilaahay dheh

 

Eegana riyaalow la maqal waxaad ahaateene

 

Oogada saraad uga eg tahay ina islaameede

 

Adigiyo israa.iilba waad edeb daraateene

 

Nin islaamka neceb baad tihiyo ehelu khayrkiiye

 

Axmaqyohow wadaad sooman baad adhaxda goysaaye

 

Laga ogaayey eeddaad fasheen tan iyo ireland.e

 

Aakhiro tagtaa oo cadaab lagugu aasyaaba

 

Kursiga kaa aryaa oo nabsigu ood ku geliyaaba

 

Indho beeshayaa oo arlada umal ku joogtaaba

 

Insha allaahu waan sugi siduu eebe kuu galo.e .

 

 

Axmed Cabdi Geele .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gabay: Sheikh lagu silac-dilyeeynayo Xabsiga Hargeysa

 

Waa gabay ku saabsan shiikha lagu silac dilyeeynaayo magaalada hargeeysa, waxaa tiriyey DAAHIR DEEYLAAF.

 

 

heelleeeyda haasaawe gabay hirarka suugaanta

halabuur kolkeey joogto iyo hogaha geeraarka

abwaannada la iskuma hayoo kala hikaad roone

hadba kii uhiilliya xaqaa laga halraacaaye

ha yo miim ragii meel haboon mariyey haawraarta

hal abuurka miisaan ka dhigay marinka hoooyaale

iyaguba hannaankii murteey marin habeeyeene

aniguna hubaal maansadaan marin halkoodiiye

adinkuna maqaalkaad heshaan mariya heestiisa

 

intaa waa habkii maanso iyo horudheceediiye

hadalwaa midkaan soo wadoo hiill u gala shiikhe

hanti waa middaad leedahoo hooy lagaa orane

dadna waa midkaad ku hiratood isku halleeysaaye

dalwaa hilinka soomaali ooy nabad kuheeystaane

hayeeshee sidaan doonayiyo maaha heer sare

kufri iyo kuwo hoogeybaa wada horboodaahe

 

jaahil quluu hugaanshaan wallee abid hagaageeyne

handadaad waa kuwaa dadkii ku haya joogtaahe

culamaa udiinkii hadeer waa kuwaa hodaye

waa kuwaa hagardaama iyo ku wada hiiraafe

waa kuwaa hogtii yuusuf iyo ku ridey haadaane

saqdi dhexe habeenkii wataa loo hanjabay shiikhe

haddi uu midkood yahay habraha lama huruufeene

xabsi lagumaa haayeen inteey hagardilyeeyaane

******** lama hawl gelsheen goor hamuumo ahe

hadya jeer ninkii liitabuu ***** hujuumaaye

 

hoheey diin la aantii rageed waa halaagsamaye

ninheeybtiisa mooyee cidkale aan la hoyoneeynin

dhaaxuu martidoo harkii hinqatay dhaay xoorleh

isagoo hamuun qaba cidlada sii hutubiyaaye

 

ninqabiil u heegani bulshada waa ka harayaaye

qeeyrkiisa oo hodon noqdoo heeybad sare yeeshay

oo haad sideedii cirkiyo samada heehaabi

oo hawadaa cabbirana hayuu u hundhuraa hoose

qarannimaba daay iyo halkaa loo hanweeynyahaye

inuu heli wuxuu doonayaa hadal ka joogaaye

 

dhulka laga hayaamiyo banaan amase meel haawdleh

hareeraha aduunyadan qarriban ee lakala haadey

ninkastaba halkuu doono iyo hayska dego meele

diintiyo hidihiyo dhalyiyo midabka hiirkaaba

waa haljilib soomaalidu dhammaan waana la hubaaye-

 

balse gabal hallaabaa jiroo aadan ka heleeyne

dad hungurigu qaadoo ba,oo diinta ka huleelay

waxkastana hambanayaa dunida haatan soo baxaye

gaalada ninkii daba hogtee yeelay hadalkooda

huuraale Buush iyo Amxaar kii ka hariwaaya

habaarqabe intuu nagu raftoo uusan na halleeynin

intaanuu hargeeysiyo burciyo tan iyo hiilweeyne

intuu harar u iibgeeysto aan goorxun la is heeybin

inhaddeer lahor joogsadaa weey haboontahaye

 

Daahir Dailaaf

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Cajilada Vedio ee Sheekh Maxamed Ismail laga duubay Run ma aha ee waa Flim xun loo duubay.

 

-----------------------------------------------------------------------------

 

()

hadhwanaag 2006-10-05 (Hadhwanaagnews) Waxaa dhowr jeer si fiican u daawaday cajilada Vedio ah ee dhawaan lagu faafiyey saxaafada horta ah ,gaar ahaan Webside Internet-ka,kuna saabsan jidh dil la sheegay in loo gaystay Sheekh Maxamed Ismail oo ku xidhan Xabsigga dhexe ee Hargeysa.

 

Cajiladan waxaa ka hadlay dad fara badan oo ay ka mid yihiin ,Dowlada iyo Xisbiyada Mucaaradka ah ee Somaliland ,Waxaa banana baxyo laga sameeyey magaalooyin ku yaal Somaliland.

Waxaa kaloo fikrado kala duwan ka muujiyey Cajiladaas dad aad u fara badan oo reer Somaliland iyo Somaliya ka soo kala jeeda.

 

Dhinaca Somaliya waxaa hadlay Maxaakiimta ,caruur uu dhalay sheikh Maxamed Ismaciil ,koox isku sheegtay in ay ka soo jeedaan Somaliland kana tirsan yihiin waxa loogu yeedho Golaha Baarlamaanka ee DFKM.

 

Haddaba markaan dhowr jeer daawaday Cajiladaas,waxaa qabaa in ay tahay mid la been abuuray ,waxaanan ku cadeynayaa arimaha soo socda.

 

1. Cajiladu ma laha wax taariikh ah,lama garan karo xilliigii la duubay.

 

2. Ma jiraan wax cadeynaya in Cajiladaas lagu duubay xabsiga Hargeysa.

 

 

3. Indhaha Sheekh Maxamed waa la socdaan in Cajilad laga duubayo,weliba Sheekh Maxamed wuxuu mar kasta Indhaha kula xidhiidhayaa qofka Cajilada duubaya si uu uga gudbo suaashii hore.

 

4. Kama muuqdaan sheekh Maxamed wax muujinaya in uu ku jiro Ciqaab amase jidh dil,balse waxaa ka muuqda xaalad deganaansho,oo mararka qaarkood keenaysa in uu qoslo.

 

 

5. Sheekh Maxamed kama muuqdaan korkiisa wax nabaro ah oo ay keentay jidh dilkii loo geysanayey haba yaraatee.

 

6. Ma arag haba yaraatee wax nabar ah oo Sheekh Maxamed si toos ah iyo si dadban midna loogu dhufanayo,laakiin laba nin cagaha ayey dhulka la dhacayaan.

 

7. Nimanka Sheekha ka duubaya Cajilada waxay ku hadlayaan Luqad aan ahayn ta laga hadlo Somaliland .

 

8. Laba nin ee iska dhigaya in ay Sheekh Maxamed garaacayaan,waxa ay dhulka la dhacayaan Cagaha iyo Shaabuuga ay haystaan ,mana jiraan nabar ay si toos ah ugu dhufanayaan Sheekh Maxamed.

 

9. Suaalaha la weydiinayaa ma aha qaar haba yaraatee wax xidhiidh ah la leh dembiga loo haysto,waxaana wax lala yaabo ah ,waxa isu keenay U.S.A,Itoobiya iyo SNM.

 

10. Sheekh Maxamed waxaa marka ugu dambeysa ka mid ahaa erayadiisa “waa idiin saxeexayaa ,waan idiin saxeexayaaâ€,laakiin ma jirto cid weydiisay in wax saxeexo.

 

Haddaba 10 kaa qodob iyo qaar kale ,waxay ka mid yihiin waxyaabaha aan u daaliishanayo in cajiladani tahay been abuur loogu talo galay in lagu wax yeelaynayo sumcada dadka iyo dalka Somaliland.

 

Waxaan hadalka ku soo koobayaa dadka reer Somaliland waxaa la gudboon in ay ilaashadaan Qaranimadooda ay muda dheer u soo halgamayeen, Dowladana waxaa la gudboon si rasmi ah loo baadho arinta cid kasta oo ka qayb qaadatay been abuurkaas waxaa haboon in sharciga la horkeeno.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Abdi M.Saleiman(Mingiste)

Abdi_saleiman@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Horta Soomaalida waa isku wareersan yihiin.

 

Cajalka muuqaalka ah been iyo run midee ahaataba su'aalo muhiim ayaa jiro:

 

Cajalka qofka ka muuqdo, run iyo been ha ahaatee, ma yahay ninka magaca lagu sheegay Sh. Max'ed Ismaaciil?

 

Ma jiro miyaa qof yaqaano muuqaalkiis ninkaan?

 

Haduu ahayn, war dhamaaday, oo meesha uu ku xiran yahay kiiska.

 

Haduu yahay isla shaqsiga oo asaga ah oo cadeys jirto, marka su'aalaha waa sii badanayaan.

 

Saldhiga wali soo kuma jiro?

 

Qof saldhig aad loo ilaalinaayo ku jiro, see ku dhacday cajalad muuqaal ah in laga soo duubto oo waliba niman u cagjugleynaayo iyo hanjabaayo, xataana su'aalahana iyo qeylada sii socdo, oo hadeeba dad kale soo duubteen?

 

Mise waxaa la dhihi rabaa waa wax kombuyuutarka lagu sameeye, imposing moving images on someone else's body. Well, the video, regardless what the content or message is intended, seems a genuine, intact person, not wax la isku dhajiye. Soomaalida heerkaasna ma gaarin waxee isku dhajiyaan, oo still hormarkaas ma u dhawaan madaama xataa sawirada ka sameyn karin wax la rumeysan karo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this