QabiilDiid Posted October 7, 2006 clrashiid galbeedi waxaa gabay kaga soo hadlay jidh dilkii loo gaystay Sh Maxmed Ismaaciil abwaan Axmed Cabdi Geelle illaahy haka abaal mariyee Bacadlow aduunyadani waa oday ka sheekeeye Amakaag ma laha shay haduu soo ahaan jiraye Adamigu wixii ku cusub bay la ashqaraaraane Arin aniga iga yaabiyoo aada baa jira.e Arxan xumada soomaaliland maqal islaamkiiye Iyaga iyo axmaaradu iblays agabki weeyaane Culimada ilaahay diraye diinta u adeegta Xabsiga abu qurayb oo kalaa lagu idleeyaaye Eed ma gelin wadaadkaniye waa la arjumaayaaye Iimaanka uu leeyahay buu eeday oo qudhahe Elekteriga lagu ololiyee ubucda loo saaro Indhihii arkaa la hubaa inay ilmeeyeene Abtirsiinyahaa lagu arkay iyo oodda uu yahaye Akishuu noqdaye ina ***** weys tixgeliyaaye Awood nimaan lahayn iyo qariib waa alqaacido.e Iyagay aduunyada tusaan kuna ugaadhaane Abris iyo abeesay noqdeen arami jiiftaaye Ehel ma laha gaal iyo ninkii aaladow sida.e Inaguu gargaar inaga sugi ina ismaaciile Adimada hadaan lagu tegeyn jeelka lagu ooday Aan lagu afuufayn rasaas ololku qiiqaayo Alaylehe inaan aamusnaa waa ardaalnimo.e Abshirow adow hiilin jiray kii la aayiro.e Inantii yarayd waadigii aakahow ridaye Eegana afkaagay bulshadu eegaysaa weliye Uugaami maansada mar baa lagu itaalaaye Inta uurka nugul ee dulmiga ka anfariiraysa Odayada wax garadkee xalila xaajo la adkeeyey Interneedka ugu sheeg xaq waa loo arimiyaaye. ************************************* Afartaasi alifkaan bartiyo erayadaydii dheh Hawraar awow laga wato iyo hibo ilaahay dheh Eegana riyaalow la maqal waxaad ahaateene Oogada saraad uga eg tahay ina islaameede Adigiyo israa.iilba waad edeb daraateene Nin islaamka neceb baad tihiyo ehelu khayrkiiye Axmaqyohow wadaad sooman baad adhaxda goysaaye Laga ogaayey eeddaad fasheen tan iyo ireland.e Aakhiro tagtaa oo cadaab lagugu aasyaaba Kursiga kaa aryaa oo nabsigu ood ku geliyaaba Indho beeshayaa oo arlada umal ku joogtaaba Insha allaahu waan sugi siduu eebe kuu galo.e . Axmed Cabdi Geele . Quote Share this post Link to post Share on other sites
QabiilDiid Posted October 8, 2006 Gabay: Sheikh lagu silac-dilyeeynayo Xabsiga Hargeysa Waa gabay ku saabsan shiikha lagu silac dilyeeynaayo magaalada hargeeysa, waxaa tiriyey DAAHIR DEEYLAAF. heelleeeyda haasaawe gabay hirarka suugaanta halabuur kolkeey joogto iyo hogaha geeraarka abwaannada la iskuma hayoo kala hikaad roone hadba kii uhiilliya xaqaa laga halraacaaye ha yo miim ragii meel haboon mariyey haawraarta hal abuurka miisaan ka dhigay marinka hoooyaale iyaguba hannaankii murteey marin habeeyeene aniguna hubaal maansadaan marin halkoodiiye adinkuna maqaalkaad heshaan mariya heestiisa intaa waa habkii maanso iyo horudheceediiye hadalwaa midkaan soo wadoo hiill u gala shiikhe hanti waa middaad leedahoo hooy lagaa orane dadna waa midkaad ku hiratood isku halleeysaaye dalwaa hilinka soomaali ooy nabad kuheeystaane hayeeshee sidaan doonayiyo maaha heer sare kufri iyo kuwo hoogeybaa wada horboodaahe jaahil quluu hugaanshaan wallee abid hagaageeyne handadaad waa kuwaa dadkii ku haya joogtaahe culamaa udiinkii hadeer waa kuwaa hodaye waa kuwaa hagardaama iyo ku wada hiiraafe waa kuwaa hogtii yuusuf iyo ku ridey haadaane saqdi dhexe habeenkii wataa loo hanjabay shiikhe haddi uu midkood yahay habraha lama huruufeene xabsi lagumaa haayeen inteey hagardilyeeyaane ******** lama hawl gelsheen goor hamuumo ahe hadya jeer ninkii liitabuu ***** hujuumaaye hoheey diin la aantii rageed waa halaagsamaye ninheeybtiisa mooyee cidkale aan la hoyoneeynin dhaaxuu martidoo harkii hinqatay dhaay xoorleh isagoo hamuun qaba cidlada sii hutubiyaaye ninqabiil u heegani bulshada waa ka harayaaye qeeyrkiisa oo hodon noqdoo heeybad sare yeeshay oo haad sideedii cirkiyo samada heehaabi oo hawadaa cabbirana hayuu u hundhuraa hoose qarannimaba daay iyo halkaa loo hanweeynyahaye inuu heli wuxuu doonayaa hadal ka joogaaye dhulka laga hayaamiyo banaan amase meel haawdleh hareeraha aduunyadan qarriban ee lakala haadey ninkastaba halkuu doono iyo hayska dego meele diintiyo hidihiyo dhalyiyo midabka hiirkaaba waa haljilib soomaalidu dhammaan waana la hubaaye- balse gabal hallaabaa jiroo aadan ka heleeyne dad hungurigu qaadoo ba,oo diinta ka huleelay waxkastana hambanayaa dunida haatan soo baxaye gaalada ninkii daba hogtee yeelay hadalkooda huuraale Buush iyo Amxaar kii ka hariwaaya habaarqabe intuu nagu raftoo uusan na halleeynin intaanuu hargeeysiyo burciyo tan iyo hiilweeyne intuu harar u iibgeeysto aan goorxun la is heeybin inhaddeer lahor joogsadaa weey haboontahaye Daahir Dailaaf Quote Share this post Link to post Share on other sites
RedSea Posted October 8, 2006 Cajilada Vedio ee Sheekh Maxamed Ismail laga duubay Run ma aha ee waa Flim xun loo duubay. ----------------------------------------------------------------------------- () hadhwanaag 2006-10-05 (Hadhwanaagnews) Waxaa dhowr jeer si fiican u daawaday cajilada Vedio ah ee dhawaan lagu faafiyey saxaafada horta ah ,gaar ahaan Webside Internet-ka,kuna saabsan jidh dil la sheegay in loo gaystay Sheekh Maxamed Ismail oo ku xidhan Xabsigga dhexe ee Hargeysa. Cajiladan waxaa ka hadlay dad fara badan oo ay ka mid yihiin ,Dowlada iyo Xisbiyada Mucaaradka ah ee Somaliland ,Waxaa banana baxyo laga sameeyey magaalooyin ku yaal Somaliland. Waxaa kaloo fikrado kala duwan ka muujiyey Cajiladaas dad aad u fara badan oo reer Somaliland iyo Somaliya ka soo kala jeeda. Dhinaca Somaliya waxaa hadlay Maxaakiimta ,caruur uu dhalay sheikh Maxamed Ismaciil ,koox isku sheegtay in ay ka soo jeedaan Somaliland kana tirsan yihiin waxa loogu yeedho Golaha Baarlamaanka ee DFKM. Haddaba markaan dhowr jeer daawaday Cajiladaas,waxaa qabaa in ay tahay mid la been abuuray ,waxaanan ku cadeynayaa arimaha soo socda. 1. Cajiladu ma laha wax taariikh ah,lama garan karo xilliigii la duubay. 2. Ma jiraan wax cadeynaya in Cajiladaas lagu duubay xabsiga Hargeysa. 3. Indhaha Sheekh Maxamed waa la socdaan in Cajilad laga duubayo,weliba Sheekh Maxamed wuxuu mar kasta Indhaha kula xidhiidhayaa qofka Cajilada duubaya si uu uga gudbo suaashii hore. 4. Kama muuqdaan sheekh Maxamed wax muujinaya in uu ku jiro Ciqaab amase jidh dil,balse waxaa ka muuqda xaalad deganaansho,oo mararka qaarkood keenaysa in uu qoslo. 5. Sheekh Maxamed kama muuqdaan korkiisa wax nabaro ah oo ay keentay jidh dilkii loo geysanayey haba yaraatee. 6. Ma arag haba yaraatee wax nabar ah oo Sheekh Maxamed si toos ah iyo si dadban midna loogu dhufanayo,laakiin laba nin cagaha ayey dhulka la dhacayaan. 7. Nimanka Sheekha ka duubaya Cajilada waxay ku hadlayaan Luqad aan ahayn ta laga hadlo Somaliland . 8. Laba nin ee iska dhigaya in ay Sheekh Maxamed garaacayaan,waxa ay dhulka la dhacayaan Cagaha iyo Shaabuuga ay haystaan ,mana jiraan nabar ay si toos ah ugu dhufanayaan Sheekh Maxamed. 9. Suaalaha la weydiinayaa ma aha qaar haba yaraatee wax xidhiidh ah la leh dembiga loo haysto,waxaana wax lala yaabo ah ,waxa isu keenay U.S.A,Itoobiya iyo SNM. 10. Sheekh Maxamed waxaa marka ugu dambeysa ka mid ahaa erayadiisa “waa idiin saxeexayaa ,waan idiin saxeexayaaâ€,laakiin ma jirto cid weydiisay in wax saxeexo. Haddaba 10 kaa qodob iyo qaar kale ,waxay ka mid yihiin waxyaabaha aan u daaliishanayo in cajiladani tahay been abuur loogu talo galay in lagu wax yeelaynayo sumcada dadka iyo dalka Somaliland. Waxaan hadalka ku soo koobayaa dadka reer Somaliland waxaa la gudboon in ay ilaashadaan Qaranimadooda ay muda dheer u soo halgamayeen, Dowladana waxaa la gudboon si rasmi ah loo baadho arinta cid kasta oo ka qayb qaadatay been abuurkaas waxaa haboon in sharciga la horkeeno. ALLAA MAHAD LEH Abdi M.Saleiman(Mingiste) Abdi_saleiman@hotmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted October 9, 2006 Horta Soomaalida waa isku wareersan yihiin. Cajalka muuqaalka ah been iyo run midee ahaataba su'aalo muhiim ayaa jiro: Cajalka qofka ka muuqdo, run iyo been ha ahaatee, ma yahay ninka magaca lagu sheegay Sh. Max'ed Ismaaciil? Ma jiro miyaa qof yaqaano muuqaalkiis ninkaan? Haduu ahayn, war dhamaaday, oo meesha uu ku xiran yahay kiiska. Haduu yahay isla shaqsiga oo asaga ah oo cadeys jirto, marka su'aalaha waa sii badanayaan. Saldhiga wali soo kuma jiro? Qof saldhig aad loo ilaalinaayo ku jiro, see ku dhacday cajalad muuqaal ah in laga soo duubto oo waliba niman u cagjugleynaayo iyo hanjabaayo, xataana su'aalahana iyo qeylada sii socdo, oo hadeeba dad kale soo duubteen? Mise waxaa la dhihi rabaa waa wax kombuyuutarka lagu sameeye, imposing moving images on someone else's body. Well, the video, regardless what the content or message is intended, seems a genuine, intact person, not wax la isku dhajiye. Soomaalida heerkaasna ma gaarin waxee isku dhajiyaan, oo still hormarkaas ma u dhawaan madaama xataa sawirada ka sameyn karin wax la rumeysan karo. Quote Share this post Link to post Share on other sites