Sign in to follow this  
Biixi

Wararka Gobolka Baay iyo Maanta: “Gunburo Maxay Keentey?�

Recommended Posts

Biixi   

Tan iyo markii ciidanka maxaakiimtu tageen Magaalada Buurhakaba ayaa waxaa kacsan xaaladda magaalada Baydhaba, waxaana halkaas ka jira dhaqdhaqaaq ciidan oo ku jiraan ciidamada Dowlladda ee ku jira xerooyinka Mannaas iyo Deynuunaay iyo daafaha magaalada Baydhaba. Ciidankan ayaa waxaa heegan buuxa la geliyey markii ciidamo ay wataan Muqtaar Rooboow Mansuur iyo Maxamed Ibraahin Bilaal oo labadoodu ka kala tirsan Maxaakiimta Muqdisho iyo Maxkamadda AL-Bayaan oo dhowaan looga dhawaaqey magaalada Muqdisho, taas oo ay iska leeyihiin beelaha Digil iyo Mirifle.

 

Waxaa Laga warqabaa in Muqtaar Rooboow uu yahay Abbaanduulaha Guud ee Ciidmada Maxaakiimta oo dhan. Inkasta sheikh Muqtaar uu sheegey wuxuu halkaas u tagey ay tahay booqasho eheladiisa iyo inuu soo dhoweynaayo ciidamo tiradoodu gaareyso 130 askeri oo ka soo gadoodey ciidamada dowlladda. Haddaba wararka ciidamadaas oo DMC si dhab ah u dabagashey ayaa sheegaya inay jiraan ciidamada soo goostey. Sidoo kale waxaa aad loola yaabey Maxaakiimta oo watey illaa soddon baabuur oo tikniko ah inay sheegaan inay booqasho tahay, iyadoo awelba ay dowllado aan aad u jecleyn guulaha isdabajoog ah ee ay maxaaakiimtu gaareen eedeyn iyo marmarsiiyo u raadinayeen.

 

Marka dhinaca kale laga eegana waxaa awelba ayaga iyo dowlladdu isku maandhaafsanaayeen dagaalladii u dambeeyey ee ay ku qaadeen Cabdi Qaybdiid, taasina ay keentey inuu hakad galo wejigii labaad ee shirka Khartuum, inkasta oo beesha caalamku ay cadaadis ku saartey madaxweryne Yuusuf iyo dowlladdiisu inay si buuxda uga qaybgalaan shirkaas. Haddaba iyadoo taasi jirto ayaa maxaakiimtu waxay shaley magaalada Baydhaba u jirsadeen in ka yar 30 km, taas oo keentey inay qaayllo dhaaan ka soo yeerto Ra’iislwasaare Cali Maxamed Geeddi kaaso sheegey inay maxaakiimtu ku soo duuleen meelo ay dowlladdu maamul ka dhistey sida Buurhakaba oo kale, ayna weerar ku soo yihiin Magaalada Baydhaba.

 

Haddaba qaayllo dhaanta ka soo yeertey Mr. Geeddi waxay keentey inay magaalada Baydhaba ay maanta soo gaaraan ciidamo tiradooda lagu qiyaasey hal gaas oo ay u dhan yihiin qalabkooda militeri ee ay iska leedahay Dowlladda Atto Melis Zenawi, waxaa intaas dheer oo DMC ay soo xaqiijisey in ciidamo kale oo aan intaas ka yareyn ay ku kala sugan yihiin deegaanka Luuq, Dooloow, Ceelbardde, Qurac-joome iyo Feerfeer. Wasiirka warfaafinta ee dowlladda Itoobiya ayaa sheegey inay ciidamo xooggan oo ay ku difaacayaan dowlladda Fidiraalka ay u soo tallaabiyeen xudduudda Soomaaliya.

 

Waxaana arrintaas ka dhalatey markii ciidamo maxaakiimtu shaley gaareen tuulada Mood-Moode oo ka tirsan degmada Baydhaba. DMC oo si weyn iskugu howshey 24 saac ee soo dhaafney sidii warar sugan looga heli lahaa ciidamada soo galey gudaha soomaaliya, ayaa waxaa noo suuragashey inaan wareysi la yeelanno sarkaal ka tirsan ciidamadaas hase yeeshee ka soo jeeda Kililka Shanaad ee ay Soomaalidu degto, wuxuu noo xaqiijiyey inay horeba Baydhaba u joogeen ciidamadooda oo gaaraya laba guuto oo difaacaya buu yiri maamulka Fidiraalka Soomaaliya.

 

Sarkaalkan oo codsadey inaan magaciisa la sheegin ayaa noo xaqiijiyey in meelaha aan soo sheegney dhammaantood ay heegan ku yihiiin, wuxuuna sii sheegey inay sugayaan oo keliya fursad ay maxaakiimtu ku soo weeraraan xaruumaha dowlladda Fidiraalka ee ku meelgaarka ah, haddii ay taasi dhacdo waxaan haysannaa buuu yiri amar buuxa oo aan ku galnno dhammaan halka taargadka noo ah taas ooo uu diidey inuu sheego. Wariye ka tirsan DMC ayaa horey wuxuu murti u soo qaatey "Gunburo Libaax Bay Soo Waddaa"; Libaaxii Gunburo siddey wuu yimid inta uu Libaaxaas halis ku yahay waxaa la gudbboon inay isu diyaariso sidii ay isaga difaaci lahayd. Si kastaba ha ahaatee tallaabada ay maxaakiimtu shaley qaadeen ma aha kuwo aad loogu farxey, waayo waxay soo dedejisey marmarsiyo ay awelba raadinayeen C/llaahi Yuusuf iyo saaxiibadiisa ay u horreyso dowlladda itoobiya.

 

 

Iyadoo soo gelitaanka Ciidmada Itoobiyana ay noqoneyso caqabad hor leh oo ay lugaha la sii galeyso Soomaaliya; maxaa yeeley Itoobiya waxaa si weyn uga horjeeda dhammaan qabiilka loo yiqaanno Hawiyaha iyo Maxaakiimta Isllaamiga ah oo ah xoogag waaweyn oo soo baxey oo aan quwaddooda la dhayalsan karin, taas oo haddii ay iska hor yimmaadaan ciidamada dowlladda iyo kuwa Itoobiya sii fogeyneysa helitaanka qaran Soomaaliyeed oo mar kale lugaha isu taaga.

 

Si kastaba ha ahaatee waxaa dib u soo laabtey Sheekh Muqtaar iyo ciidamadiisa oo Goroonka weyn ee Balli-Dooglle oo saldhig ka sammeysteen ciidamada Maxaakiimtu. Warar aan ka heleynno magaaalada Baydhaba ayaa sheegaya inay magaalada Bannddow ku jirto laga soo billaabo xaley, ka dib markii ay ciidamada maxaakiimtu magaalada Buurhakaba soo Gaareen.

 

Sidoo kale waxaa dad badan oo taageera maxaakiimta ay isweydiinayaan sababta ay maxaakiimtu u tagtey Buurhakaba, iyadoo la ogyahay inay weli sii shaqeeyaan maamullada Beesha Ceyr ka sammeysatey Gobolka Shabeellada Hoose, waxa aad la isu weydiinayaa Sheekh Muqtaar Rooboow oo u dhashey Beelaha Digil iyo Miriflle islamarkaasna Xubin sare ka ah maxaakiimta miyuusan xil ka saarneyn dadka dega Gobolka ugu barwaaqada Badan ee ay beelahaas leeyihiin oo weli ay haysato qolo gaar ah?

 

Sax iyo qalad wixii ay yihiinba degamada Buurhakaba illaa "kala wareegga" halka loo yiqaanno waxaa maamula oo haysta dadka iska leh, waxaa aad loola yaabey waxa gobolkan Shabeellada Hoose ay uga hadlli la’yihiin masuuliyiinta u dhashey gobolkan islamarkaasna la shaqeeya Maxaakiimta Isllaamiga ah. Weli waa su’aal taagan oo u baahan in laga shaafiyo taageereyaasha Maxaakiimta iyo kuwa aan Taageerin.

 

Aadan Cusmaan

DMC Muqdisho

bokoola@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this