Liibaan Posted July 1, 2010 Dagaalo Iyo Dilal U Dhexeeya Ciidamada Somaliland Iyo Xoogaga SSC Oo Ka Dhacay Gobolada Sool, Sanaag Iyo Cayn Mogadishu Monday 28 June 2010 SMC Wararkii ugu dambeeyey ee gobolada sool sanaag iyo cayn oo ay badankooda daarasho ka dhicin xiligii lagu guda jirey doorashooyinka Somaliland oo iminka natiijadoodii la sugayo ayaa aad kacsan ,kadib markii lagu diley qaar ka tirsan xubnihii doorashooyinka Somaliland islamrkaana ay meelaha qaarkoodna dagaalo gacan ka hadal ahi ka dheceen . Degmada Kalabaydh ee gobolka sool oo koonfur galbeed kaga beegan magaalada laascaanood ayaa waxa ku dhintay madaxii doorashooyinka somaliland ee loosoo xil saaray deegaanadaasi iyo sarkaal ka tirsan ciidamada somaliland oo watey ciidamada ku sugnaa degmadaasi kadib markii ciidan hubaysan oo kasoo jeeda xoogaga SSC ay weerar kusoo qaadeen degmadaasi islamrkaana dagaal kadib ay la wareegeen sanaaduuqdii doorashooyinka iyo weliba gaari xamuul ah oo ah nooca loo yaqaano Candho meydka oo wadey sanaaduuqdii xiligaasi doorashada. Sidoo kale degmada Xudun ee gobolka sool ayaa dagaalo kale ka dheceen kadib markii halkaasi ay fooda isku dareen ciidamada maamulka Somaliland iyo weliba xoogaga la baxay SSC ee kasoo horjeeda Somaliland iyadoo halkaasi ay ka dhaceen dhaawacyo lagu sheegay ilaa shan askari oo ka tirsan dhinacyadii ku daqgaalamyey halkaasi iyadoo ay degmadasina gacan ku haynteeda la wareegeen ciidamada taabcasan hogaanka midaynta iyo badbaadinta SSC. Dhinaca kale Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka sool ayaa waxaa ka aloosan rabshado iyo weliba xiisado ay wadaan maamulka SSC ,iyadoo ay xakamayn kari la yihiin ciidamada amniga ee Somaliland ee ku sugan magaalada laascaanood iyadoo maalin ka horna lagu diley madaxii ciidamada PIS-ta ee Somaliland Xuseen afweyne isagoo xiligaasina ay ku dhaawacmeen qaar ka tirsan ilaaladiisa Ma jiraan ilaa iminka wax dilkaasi loo qabtay waloow ay xiisadu ka jirto gudaha magaalada laascaanood iyadoo dagaalo iyo weliba weeraro ku dhufoo ka dhaqaaq ahina ay ka dheceen duleedka magaalada laascaanood kuwaasoo dhamaantood ay iskaga hor yimaadeen ciidamada Somaliland iyo xoogaga SSC Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe) Somaliweyn Media Center (SMC) Quote Share this post Link to post Share on other sites