Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: National security forces capture weapons members of network

Recommended Posts

Muqdisho: Hub fara badan oo ay soo qabteen Ciidamada dowlada Soomaaliya.

1. januar 2008

 

Muqdisho(AllPuntland)- Ciidamada dowlada Soomaaliya oo maalmahaan isweyn ugu soo badanayay Magaalada Muqdisho ayaa maanta soo qabtey hub fara badan ,kaasoo ay adeegsanayeen Kooxaha dowlada Soomaaliya ka soo horjeeda ,ayagoo laga soo qabtey degmooyinka gobalka Banaadir ee dalka Soomaaliya.

 

Ciidamadu waxa ay saaka howlgal balaaran ka sameeyeen deegaano ay ka mid yihiin degmada Dharkiinleey ,ayagoo halkaasi ka soo qabtey hub fara badan oo iskugu jira Bambooyinka gacanta laga tuuro ,Hoobiyayaal iyo Waxyaabo kale oo dhamaantood ka mid ah waxyaabaha qarxa.

 

Gudoomiyaha degmada Dharkiinleey ayaa AllPuntland usheegay in ay qabteen hubkan ka dib markii ay heleen Warbixino ku aadan in kooxaha hubkan heystaa yihiin kuwa inta badan dhibaatada ka wada Magaalada Muqdisho ,isagoo sheegay in haatan lasoo qabtey dadkii iyo Hubkii ay adeegsanayeen.

 

Axmed Daaci wuxuu kaloo hoosta ka xariiqey in ay gacanta ku soo dhigi doonaan Xubno wali looga shakisan yahay amnidarada Magaalada Muqdisho ,isagoo taasna sheegay in mar dhaw Saxaafada loo soo bandhigayo marka lugu guuleysto in lasoo qabto.

 

Kumanaan dad ah oo maanta iskugu soo baxay Saldhiga degmadaasi ayaa loo soo bandhigey Hubkaasi fara badnidiisa iyo Noocyadiisa ,isagoo uu halkaasi hadal wacyigalin ah ujeediyey dadka taliyaha ciidamada Booliska ee degmadaasi ,wuxuuna ugu baaqay in ay dadku soo sheegeen Nabad diidayaasha ku dhuumanaya deegaanada gobalka Banaadir guud ahaantiis gaar ahaana degmada ay joogaan.

 

Taliyuhu wuxuu sheegay in ay ciidamadu wadayaan howlgallada ay ku soo qabanayaan Hubabka Sharcidaradaa ee loo adeegsanayo amaandarida Soomaaliya iyo Kooxaha adeegsanaya oo uu sheegay in ay yihiin kuwa ka soo horjeeda Israaca Umada Soomaaliyeeed.

 

Madaxda Duqowda dhaqanka ee degmadaasi oo halkaasi ka hadlayay ayaa mahadcelin balaaran ujeediyey ciidamada Booliska Soomaaliya ,ayagoo sheegay in ay yihiin kuwa doonaya in dalkoodu gaaro nabad waarta ,taasna ay ku mudan yihiin in lagala shaqeeyo.

 

Mid ka mid ah Odayaasha ayaa shaaca ka qaaday in ay gacansiin doonaan ciidamada dowlada Soomaaliya ,isla markaana ay sharci tahay in lasoo gacangaliyo cid walboo ka soo horjeeda amaanka Magaalo Madaxda dalka Soomaaliya.

 

Hubkii maanta lasoo bandhigey ayaa ahaa kii ugu faraha badnaa ee laga soo qabto degmada Dharkiinleey ,ayagoo ay dadweynuhu soo dhaweeyeen talaabada geesinimada leh ee ay ciidamadu Sameeyeen ee ku aadan soo qabashada hubabkan.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taliyaha Qeybta galbeed ee Booliska Bobalka oo maanta soo bandhigay hub iyo dagaalyahano argagixiso ah oo ciidamadu soo qabteen.

 

Taliyaha qeybta galbeed ee ciidamada Booliska gobalka Banaadir Gaashaanla dhexe C/llaahi Xasan Bariise ayaa maanta shir jara’id oo uu ku qabtay saldhiga galbeed waxaa uu kusoo bandhigay hub noocyo kala duwan ah iyo maliishiyooyin argagixiso ah oo ciidamadu ay kusoo qabteen howlgal ay maanta fuliyeen.

 

Taliyaha qeybta galbeed ee ciidamada Booliska gobalka Banaadir Gaashaanla dhexe C/llaahi Xasan Bariise ayaa maanta shir jara’id oo uu ku qabtay saldhiga galbeed waxaa uu kusoo bandhigay hub noocyo kala duwan ah iyo maliishiyooyin argagixiso ah oo ciidamadu ay kusoo qabteen howlgal ay maanta fuliyeen.

 

Howlgalka ayaa laga fuliyay agagaarka masaajidka Dabaqeyn ee degmada Dharkeyley maanta waxaan goob dugsi quraan ah laga soo helay hub iyo rasaas ay ka mid yihiin Hoobiye,2 baasuuke,iyo rasaas aad u farabadan,waxaana laga soo faagay god ku hoos yaalay haan biyaha lagu shubto.

 

Taliyaha ayaa sheegay in macluumaad ay ciidanku heleen uu horseed u noqday in hubkaa lasoo helo,waxaana saxaafada lasoo tusiyay hubka iyo godkii lagsoo faagay oo dugsi quraanka laga dhex qoday.

 

Sidoo kale taliyaha ayaa saxaafada usoo bandhigay 5 ka mida dagaalyahanada argagixisada oo si gaar ahna uga qeyb qaatay weerar argagixisanimo oo xalay lagu qaaday ciidamada fadhiya saldhiga galbeed ee degmada Dharkeyley.

 

 

Xafiiska warqabadka shabakada wararka carmooyin.com ee Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hub fara badan oo ay soo qabteen Ciidamada Dowlada Soomaaliya

 

Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo maalmahaan siweyn ugu soo badanayay Magaalada Muqdisho ayaa maanta soo qabtey hub fara badan, kaasoo ay adeegsanayeen Kooxaha Dowlada Soomaaliya ka soo horjeeda, ayagoo laga soo qabtey degmooyinka Gobalka Banaadir ee Dalka Soomaaliya.

 

Ciidamadu waxa ay saaka howlgal balaaran ka sameeyeen deegaano ay ka mid yihiin degmada Dharkiinleey, ayagoo halkaasi ka soo qabtey hub fara badan oo iskugu jira Bambooyinka gacanta laga tuuro, Hoobiyayaal iyo Waxyaabo kale oo dhamaantood ka mid ah waxyaabaha qarxa.

 

Gudoomiyaha degmada Dharkiinleey ayaa Dowladnimo.com usheegay in ay qabteen hubkan ka dib markii ay heleen Warbixino ku aadan in kooxaha hubkan heystaa yihiin kuwa inta badan dhibaatada ka wada Magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in haatan lasoo qabtey dadkii iyo Hubkii ay adeegsan ayeen.

 

Axmed Daaci wuxuu kaloo hoosta ka xariiqey in ay gacanta ku soo dhigi doonaan Xubno wali looga shakisan yahay amnidarada Magaalada Muqdisho , isagoo taasna sheegay in mar dhaw Saxaafada loo soo bandhigayo marka lugu guuleysto in lasoo qabto.

 

Kumanaan dad ah oo maanta iskugu soo baxay Saldhiga degmadaasi ayaa loo soo bandhigey Hubkaasi fara badnidiisa iyo Noocyadiisa, isagoo uu halkaasi hadal wacyigalin ah ujeediyey dadka taliyaha ciidamada Booliska ee degmadaasi, wuxuuna ugu baaqay in ay dadku soo sheegeen Nabad diidayaasha ku dhuumanaya deegaanada gobalka Banaadir guud ahaantiis gaar ahaana degmada ay joogaan.

 

Taliyuhu wuxuu sheegay in ay ciidamadu wadayaan howlgallada ay ku soo qabanayaan Hubabka Sharcidaradaa ee loo adeegsanayo amaandarida Soomaaliya iyo Kooxaha adeegsanaya oo uu sheegay in ay yihiin kuwa ka soo horjeeda Israaca Umada Soomaaliyeeed.

 

Madaxda Duqowda dhaqanka ee degmadaasi oo halkaasi ka hadlayay ayaa mahadcelin balaaran ujeediyey ciidamada Booliska Soomaaliya, ayagoo sheegay in ay yihiin kuwa doonaya in dalkoodu gaaro nabad waarta, taasna ay ku mudan yihiin in lagala shaqeeyo.

 

Mid ka mid ah Odayaasha ayaa shaaca ka qaaday in ay gacansiin doonaan Ciidamada Dowlada Soomaaliya ,isla markaana ay sharci tahay in lasoo gacangaliyo cid walboo ka soo horjeeda amaanka Magaalo Madaxda dalka Soomaaliya.

 

Hubkii maanta lasoo bandhigey ayaa ahaa kii ugu faraha badnaa ee laga soo qabto degmada Dharkiinleey, ayagoo ay dadweynuhu soo dhaweeyeen talaabada geesinimada leh ee ay ciidamadu Sameeyeen ee ku aadan soo qabashada hubabkan.

 

01 Jan 2008 by Dowladnimo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hub sharci daro ah oo lagu qabtey magaalada Muqdisho ee caasimada ah

 

Ciidamada dowlada KMG ah ee Soomaaliya ee kusugan maagaalada muqdisho ee gobolka banaadir oo maalmahaan siweyn ugu soo badanayay Magaaladaasi ayaa maanta soo qabtey hub fara badan ,oo ay adeegsanayeen Kooxaha sida weyn uga soo horjeeda dowlada KMG ah ee Soomaaliya ,

 

Hubkan ayaa waxaa laga qabtey deegaano ka tirsan degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho, waxaana uu isugu jirey bambooyinka gacanta laga tuuro, hoobiyeyaal iyo waxyaabaha qarxa, iyadoo lagu soo bandhigay saldhiga Booliiska ee degmada Dharkeenley.

 

Gudoomiyaha degmada Dharkeenley Axmed Daaci ayaa saxaafada u sheegay in ay qabteen hubkan ka dib markii ay heleen Warbixino ku aadan in kooxaha hubkan heystaa yihiin kuwa dagaalada ka wada magaalada Muqdisho, waxaana uu ku hanjabay inay soo qaban doonaan hada ka dib cid kasta oo lagu tuhmayo inay dhibaato ka wadaan magaaalda Muqdisho.

 

Axmed Daaci wuxuu kaloo Ku hanjabay in ay gacanta ku soo dhigi doonaan Xubno wali looga shakisan yahay amnidarada Magaalada Muqdisho ,

 

Khaalid Maxamuud

 

SBC International

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this