Xudeedi Posted September 3, 2010 A lead Islamic Scholar from Haylaan Region Condemns the Clan Fiefdom in Garowe and urges Makhiri clan elders to intervene. Sheekh Ibraahin A, Jaamac oo ka hadlay colaada Galgala Dhahar (SPR): Muxaadaro uu maanta jeediyey Sheekh Ibraahin Aadan Jaamac oo ka mid ah culumada waaweyn ee gobolka Haylaan iyo Gobolka Bari oo haatan ku sugan degmada Dhahar ee xarunta Haylaan, ayaa sheegay in ay diintu xarimtay in qof Muslin ah in lagu duulo ama la dilo, ay isla markaana ay diintu tahay mid nabad galyo. Sheekha ayaa wuxuu ka Hadley dadka wada ololaha lagu duulayo Galbeedka Bari iyagoo jooga Haylaan ama ciidamada laga kaxaynayo ay tahay mid dhulka lagu fusahaadinayo. Sheekha ayaa sheegay in dhulka deegaanka Galgala la fitneeyey oo weerar lagu qaadey, iyadoo ay dad badan dhinteen, dad barakaceen, gawaari la gubey, dhulkii la burburiyey, beerihii la gubey., iyadoo la leeyahay qofbaa la soo qabanayaa. Sheekha ayaa sheegay dadka howshaa wata in ay yihiin qolyo u adeegayo gaalada. Sidoo kale sheeqa ayaa ka hadlay dadka jaajuusnimada iyo in ay tahay dulmiga kuwa ugu waaweyn. Sheekha ayaa ugu dambeyntii ugu baaqey shacabka Haylaan iyo Galbeedka Bari in aan fisihaad lasoo dhex galin. Isla markaana cuqaasha iyo odoyaasha ugu baaqey in ay ka hadlaan dulmiga isla markaana nabad galyada ka shiraan, arintana ay u guntadaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xudeedi Posted September 3, 2010 Click on the link below to listen to the speach: http://www.spr.fm/index.php?option=com_k2&view=item&id=489:sheekh-ibraahin-a-jaamac-oo-ka-hadlay-col aada-galgala&Itemid=139 Quote Share this post Link to post Share on other sites