Sign in to follow this  
Cowke

Deputy Leader Of SSC Ali Sabarey Interview. (Audio)

Recommended Posts

Cowke   

Gudoomiye Kuxigeenka Hogaanka SSC Oo Wareysi Siiyey Horseed Media (Dhegayso)

 

June 4, 2010

 

Guddoomiye kuxigeenka midnimada iyo badbaada ee SSC Col.Cali Xassan Axmed Sabarey oo waraysi khaas siinayay Horseed Media isagoo ku sugan degmada Widh-Widh ee gobolka Ceyn ayaa ka hadlay arimo fara badan oo ay ka mid yihiin ciidamada SSC iyo Somaliland ee isku hor fadhiya.

 

Wuxuu sheegay in wali ciidamada SSC iyo ciidamada maamulka Somaliland ay isku horfadhiyaan duleedka degmada Widh Widh ee gobolka Cayn, isagoo sheegay in taasi ay keeni karto isku dhac kale oo uu sheegay in dhex maro ciimadooda iyo kuwa soo duuley.

 

Col. Cali ayaa sheegay Odeyaal dhaqameedyo ka tirsan Puntland ay kulan la yeesheen maamulka Somaliland isla markaasina ay ugu baaqeen in ay isaga baxaan degmada Widh Widh.

 

“…Dumar iyo caruuro ayey dhibgaarsiiyeen ciidamada soo duuley, anaga wax xirriira nagama dhaxeeyo dad ku soo duulay deegaan kale,waxaan ugu baaqaynaa in ay isaga baxaan degmada..” ayuu yiri.

 

Dhegayso waraysiga Col.Cali Sabaray

 

 

Qorsheyaasha SSC iyo arimaha Buuhoodle

 

 

Guddoomiye kuxigeenka golaha badbaadada iyo midnimada SSC ayaa sheegay in aysan waqtigan qeexayn tilaabooyinka Milateri ee ay doonayaan in ay qaadaan, hase yeeshee waxa uu uu ku kobay in qorshahoodu yahay marka hore in la xoreeye dhulka maamul loo sameeyo.

 

Col Cali Sabaray ayaa xusay in ay doonayaan in beesha caalamka ay tusaan dulmiga ay wadan maamulka Somaliland ee ka dhanka nabadgalyo ku wada noolaanshaha umada.

 

Cali Xassan ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay soo galeen magaalo dhaqan ahaan aysan garanayn, dhibta dhacdayna waanu ka wada hadalnay Itoobiya, waxaana ay balan qaadeen in ay dib dadwaynaha ugu soo celin doonaan 17 gaari oo todobadakan bilowgiisii ay ka kaxaysteen degmada Buuhoodle isla markaasina ay la aadeen Gaashaamo oo ah xadka Itoobiya.

 

Mar Horseed Media ay waydiisay warar soo baxayay oo sheegaayay in dagaalka ay qaadi doonaan 26 bisha oo ku beegan waqtiga loo dareeraayo doorashooyinka Somaliland ayaa waxaa uu sheegay in arimahaasi ay yihiin kuwo aan waxba ka jirin, isagoo sheegay in dagaal uu waqti kasta dhici karo, “..hadeerba waan isu muuqanaa ciidankoodi…”.

 

Gudoomiye kuxigeenka oo ka hadlaayay aragtida uu ka qabo wefdi isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ee ku sugan degmada Buuhoodle ayaa sheegay in wefdigaasi aysan is arag isla markaasina ay u arkaan wefdigaasi dad yimi degaankooda.

 

Hoggaanka SSC iyo Puntland

 

 

Col.Cali Xassan ayaa sheegay in aysan jirin waqtigaan wax xiriir ah oo ka dhaxeeya SSC iyo Puntland isagoo intaasi ku daray in SSC aysan waqtigaan u bahnayn maamulka Puntland, Shacabka Puntland xiriir ayaa naga dhexeeya, dhibna kama sheeganayno, laakiin maamulki Puntland waa mid fashilmey ayuu yiri Col.Sabaray

 

Sidoo kale wuxuu sheegay in ay hore isu khilaafeen Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole iyo Hogaanka sare ee SSC Dr.Saleebaan Axmed Ciise Xagle Toosiye isagoo xusay in maamulka Puntland uu jid khaldan qaaday uuna ku adkaystay ku sii socoshada jidkaas khladan

 

Horseed Media

 

The audio of this article can be listened to Here

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this