Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Heavy fighting - Nur Dagle killed + heavy shelling of civilian areas

Recommended Posts

Muqdisho:War Deg Deg ah Nuur Xassan Cali Daqle sarkaalki ugu sareeyey hogaaminta ciidamada dawladda oo goor dhaw dagaalka degmada C/Casiis ka socda ku geeriyooday

11. juli 2009

 

 

Muqdisho(AllPuntland )-Nuur Xasan Cali Daqle sarkaalki hogaaminayey dagaaladi cuslaa ee saaka ciidamada dawladda iyo xoogaga mucaaradka ku dhex marayey degmooyinka C/Casiis iyo Shibis ayaa goor dhaw geeriyooday markii madfac garbaha laga gano lagu dhuftay gaari uu watay oo ahaa nuuca dagaalka ee soomalida u taqaan Cabdi Bile ama Toyota.

 

Nuur Daqle ayaa meydkiisa goor dhaw la soo galiyey xareunta madaxtooyada , waxaana ciidamada dawladda laga dareemayaa niyad jab xoogan markii uu Nur Daqle geeriyooday .

 

Ciidamadi aaga ku jiray ayaa dhamaan soo faarujiyey , waxaana ay soo wada raaceen meydka Nur Daqle oo aha ninki tiir dhaxaadka u ahaa dagaalada Muqdiosho.

 

Wixi ku so kordha kala soco AllPuntland daqiiqad walba

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Xaaladihii ugu dambeeyey ee dagaaladii Muqdisho.

11. juli 2009

 

 

Muqdisho(APL)- Caasumada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa maanta waxaa ka dhacay mid ka mid ah dagaaladii ugu adkaa ee ay magaaladaasi ku dagaalamaan ciidamada dowladda Soomaaliya & Mucaaradka hubeysan ee ka soo horjeeda.

 

Dagaaladii maanta ayaa ka dhacay Waqooyiga caasumada, gaar ahaana degmada C/casiis oo ah goob ay ku badnaayeen taageerayaasha Madaxweynaha dowladda Faderaalka ee Soomaalia Shariif Sheekh Axmed.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa guul ka sheegatay dagaalka, waxaana ay sheegtay in ay heyso meydadka dad ajaaniib ah oo ay ku soo qabatay dagaaladii maanta ka dhacay caasumada Soomaaliya, inkastoo ay diideen taasi mucaaradka dowladda Soomaaliya.

 

Nin lugu sheegay Pakistaani oo hogaaminayay qeyb ka mid ah ciidanka Mucaaradka, sida laga soo xigtay dowladda Soomaaliya ayaa lugu soo bandhigay meydkiisa gudaha Aqalka Madaxtooyada, waxaana ay Saxaafadu ka soo qaadatay Sawiro kooban, waxaana isna Madaxtooyada la geeyey Sarkaalkii hogaaminayay ciidamada dowladda ee saaka dagaalka qaaday Nuur Xasan Cali (Daqle) meydkiisa markii ay toogteen qaar ka mid ah ciidamada Mucaaradka ee dowladda Soomaaliya.

 

Marka laga tago meydadkan ayaa hadana warar Madax banaan ay sheegayaan in aysan dhinacyadu guul wanaagsan ka gaarin dagaaladii maanta, waxaana ay kala sheegteen guulo la taaban karo inkastoo ay Wariyaasha Madax banaan sheegayaan in aysan waxba guul ah maanta dagaalka laga gaarin, marka laga reebo Taliyaal ciidan oo dhinacyada ka geeriyooday.

 

Dagaaladii maanta ayaa ka mid noqday kuwii ugu cuslaa ee ka dhacay Waqooyiga magaalo madaxda dalka Soomaaliya ee Muqdish, waxaana haatan socota dagaal qaban-qaabadiisa hor leh oo ay dhinacyadu wadaan, waxaana ciidan uu hogaaminayo Salaad Cali Jeele galabta la geeyey jiidihii uu saaka ka bilowday dagaalka, waxaana mucaaradka dowladdu ay sidoo kale ciidan hor leh geeyeen goobaha dagaalka, taasoo xaalada uga sii daraysa.

 

Warqabadka AllPuntlan ee dalka Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Faahfaahin Ku Saabsan Dagaalkii Maanta Muqdisho.

Saturday, July 11th, 2009 at 1:39 pm

Horseed Media

Muqdisho, Somalia

 

Dagaal Culus ayaa saakey waaberkii ka bilowdey meelo ka mid ah Magaalada Muqdisho, dagaalka xoogiisa ayaa ka dhacay degmada Cabdicasiis.

 

Dawladda Federaalka ayaa sheegtay in ay dagaalka guulo la taaban karo gaareen, Salaad Cali Jeele oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka isla markaasna dagaalka ku lugleh ayaa sheegay in ay gacan ku dhigeen kooxo ajaanib ah oo dagaalka qayb weyn ka ahaa, sidoo kale waxaan ku layney ayuu yiri ajaanib kale oo faro badan, kuwaas oo aan warfidiyeenka tusiney, waxaana sawiro laga qaadey meydadka dadkii lagu sheegay in ay yihiin ajaanibta u soo jihaad doonatey dagaalka.

 

 

Meydka Sarkaal la sheegay in uu ka tirsanaa Al-shabaab oo Ciidanka Uganda sidaan (Reaturs)

Afhayeenka Ciidanka Booliska Bariise iyo Afhayeenka ciidanka Mileteriga Carsaanyo ayaa sheegay in ay hadda ku suganyihiin goobo badan oo ay markii hore joogeen kooxaha ka soo horjeeda, waxay sheegeen in ay dileen sarkaaalkii hawlgelinta u qaabilsanaa Xisbul Islaam oo ahaa Nink Pakistaan magiciisana lagu sheegay Cabdixaq.

Sawirada meydka ay dawladdu soo bandhigtey ka Daawo webka Somaliweyn: Halkan Guji

 

Dhanka kale Agaasimihii Waaxda Amaanka Gobolka Banaadir Nuur Xassan Cali (Nuur Daqle) ayaa dagaalkii maanta looga diley ciidanka Dawladda. Sidoo kale kooxaha mucaaradka ah ayaa xagooda sheegtay in ay dagaalka guul ka gaareen aysana jirin sheegashada Dawladda.

 

Dagaalka ayaa ah mid weli si toos ah uga socda goobihii uu ka bilowdey mana jirto warar madax banaan oo cadaynaya guulaha la kala sheegaty.

 

Kooxaha Mucaaradka ayaa bishii hore dhamaadkeedi dagaalka u soo wareejiyey dhanka Waqooyi ee magaalada sida Kaaraan. Cabdicasiis iyo Shibis waxaana halkaas ka barakacay dad aan ka barakicin mudooyinkii dagaaladu ka dhici jireen Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalada Waqooyiga muqdisho ka socda oo galabta dib u sii labo qarxay

 

Wararka ka imaanaya deeganada Cabdi casiis iyo Shibis ayaa sheegaya in

halkaasi uu mar kale dagaal xoogan dib uga bilawday kaasoo u dhaxeeya ciidamada dowlada iyo kooxaha dowlada ka soo horjeeda ee Al shabaab iyo xisbul Islaam oo taageeraya.

 

Dagaalkani ayaa waxa uu yahay mid la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan waxaana lagu soo waramayaa in dagaalka uu yahay mid rogaal celin ah oo saaka uu labada dhinaca dagaal xoogan ku dhex maray deegaanada waqooyiga muqdisho.

 

Dagaaladii maanta ayaa la rumeysan yahay inay ku geeriyoodeen ilaa in ka badan 30 ruux oo ay ku jiraan dhinacayadii ku dagaalamayay degaanada waqooyiga Muqdisho, Xogaga dowlada ku ka soo horjeeda ayaa sidoo kale weeraro ku qaaday dekada Muqdisho halkaasoo ay ku gaaraaceen qorigaa lid ka diyaaradaha ee Zuuga loo yaaqaano.

 

Xalaada waqooyiga muqdisho ayaa haatan aad u cakairan waana adag tahay in la helo xaqiiqda ku saabsan dagaalada ka socda hatan Degmooyinka cabdi casiis iyo Shibis, waxaana hubka la isku adeegsano uu sameyn ku yeeshay degaanada u dhow goobaha dagaalka.

 

Dagaalada Muqdisho ayaa ah kuwa soo noq noqday iyadoona ay kooxaha dowlada ka soo horjeeda ay doonayaan inay ka saaran Magaalada Muqdisho ciidamada dowlada iyo madaxda dowladaba taasoo hadii ay dhacdo ay iman karto faro geli shisheeye oo toos ah.

 

 

Hoyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.co m

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hoobiyayaal haatan ku socda Madaxtooyada Soomaliya iyo Jawaabo ka imaanaya dhinaca madaxtooyada.

 

Hoobiyaal ayaa ku soo dhacaya madaxtooyada iyo deegaanada ka agdhow iyadoo sidoo kale ciidamada AMISOM ee halkaasi ku sugan ay iyagana ka bixinayaan jawaabo ay hoobiyaal ku garacaayaan qeybo Muqdisho ka tirsan.

 

Hoobiyayaashan la isweydaarsanayo ayaa cabsi xoogan ku beeray dadka xaafadaha ku leh agagaarka aqalka madaxtooyada oo ay saameyn balaaran ku yeelan karto madaama aysan hoobiyayaasha si toos ah ugu dhaceynin Madaxtooyada Soomaliya, iyadoo bedelkeedana dad shacab ah ay qasaaro ka soo gaarayaan hoobiyaasha jawaabaha ah ee ka soo dhacaya dhinaca madaxtooyada.

 

 

Hugunka hoobiyaasha ayaa hareeyay qeybo ka tirsan magaalada Muqdisho taasoo cabsi ku abuurtay dadka degan degmooyinka xamarweyne, wardhiigleey iyo qeybo kale oo ka tirsan Magaalda muqdisho.

 

Ilaa iyo haatan lama soo sheegin wax qasaare ah oo ay geyteen hoobiyaashana la is weydaarsanayo iyadoona ay dhici karto in ay geysteen qasaare naf iyo maalba isugu jira, lakiin faahfaahin rasi ah ayaa idin soo gudbin doonaan saacadaha soos socda hadii eebe idmo.

 

 

Hoyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.co m

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

^^^thanks for the map walaal^^^

 

apparently they have been repelled according to www.dayniile.com and www.miisaanka.com. apparently they attacked the government then the government pushed from c/casiis all the way to kaaraan and shibis. just look at the map to see how far that is. truly the government has attained victory in this battle.

Insha'allah the war shall stop.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this