Gabbal Posted March 17, 2005 156 Xildhibaan Oo U Codeeyey In Aan Dalka La Keenin Ciidamo Ka Socda Dalalka Safka Hore, Balse La Keeno Ciidamo Ka Socda Dalalka Kale OAU-da Iyo Carabta, Dagaal Gacanta Oo Dhex Maray Laba Dhinac Ee Xildhibaanada. Shirkii golaha baarlamanka dowladda ku meel gaar ka ah oo maanta ka dhacay magaalada Nairobi ayaa waxaa u soo xaadiray xildhibaano gaaraya 217 xubnood oo 156 xildhibaan kamid ahi ay u codeeeyeen in aan dalka la keenin ciidamo ka socda dowladdaha safka hore. Cod bixinta ayaa ku dhacday qaabka gacan taaga kadib markii la isksu af garanwaayey inay ahaato qarsoodi iyo in kale. Wariyaha Gedonet ee magaalada Nairobi oo goobjoog ka ahaa dagaal la`iskula tagey gacanta ee dhex maray xildhibaandii iyo wasiirada iskaga soo horjeeday labada arragtiyood iyo weliba dad kale oo shacab ahaa oo gudaha baarlaamanka soo galay. Lama oga cidda ay taageersanayaan dadkii shacabkaa ah ee soo galay goobtii lagu codeeynayey. Gacan hadalkii kadib ayaa waxaa ay xildhibaanadu u codeeyeen in Soomaaliya la keeno ciidamo ka socda wadamada Midoowga Afrika iyo dalalka Carabta, oo aysan ku Jirin ciidamo ka socda wadamada safka hore. Gacan ka hadalkaas ayaa waxaa dhaawac la gaarsiiyey xubno ay ka mid yihiin Maxamed Guuleed Gacmo Dheere oo wasiir ka ah dowladda Cali Maxamed Geedi iyo Xildhibaan Macalin Jiis iyo dhowr kale oo xildhibaan. Ilaa iyo hadda ma jiraan wax kale oo war oo ka soo baxay madaxda sare sare ee baarlamanka iyo kuwa xukuumadda dowladda ku meel gaarka ah. Cali Yaasiin Gedonet.com Nairobi Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted March 17, 2005 Gacan ka hadalkaas ayaa waxaa dhaawac la gaarsiiyey xubno ay ka mid yihiin Maxamed Guuleed Gacmo Dheere oo wasiir ka ah dowladda Cali Maxamed Geedi iyo Xildhibaan Macalin Jiis iyo dhowr kale oo xildhibaan. And we had an orderly vote in which people's hands were counted. Quote Share this post Link to post Share on other sites