Cowke Posted July 9, 2010 Xaflada Qalinjabinta Ardayda Reer Puntland ee india Hyderabad:- waxaa 4 bisha kabilaabatay qabaqaabinta xaflada qalinjabinta ardayda reer puntland ee wadanka india wax kabarata , xafladaan oo laba bari soconaysay. Maalintii kowaad oo ahayd maalintii dalxiiska iyo booqashada jaamcadaha oo loo qabtay ardayda qalinjabinaysay . Maalintii labaad oo ahayd 5 bisha waxaa loo qabtay xafladii waynayd oo kasoo qaybgaleen dhamaan ardayda ajnabiga ah ee joogta wadanka india. Xafladu waxay aheed laba qeebood oo kala ah: Qayb Ingris ah iyo Qayb Soomaali ah. 1- Qaybta Englishka waxaa daadaheenayey C/laahi Xuseen, waxayna aheed saan. Hadaba waxay xafladani ku bilaabmatay jawi dagan, waxayna u bilaabmatay sidatan. Waxaa aayadaha quraanka ku furay Sh. Maxamed Sujuur , waxaa ku xigay maxaadiro aad u qiima badan oo ka hadlaysay ardaynimada iyo wanaaga waxbarashada waxaana soo jeedinayay Sh. Khalif Faarax. Xaflada marki qaybtii diiniga ahayd dhamaatay ayaa waxaa loo istaagay heestii calanka Somalia taas oo dadka qiiro badan ku reebtay heestii markii ey dhamaatayna , waxaa ku xigay muqaalka Guud ee Puntland Qaybaha kala duwan ee waxbarashada Puntland oo usoo diyaariyay Maxamed Saciid Xarigle. Waxaa madasha lagu soo dhaweeyay marti sharaf ka socotay Jaamacadaha kala duwan ee magaalada Hyderabad iyo Dhakhaatiir kasocotahay isla Gobolka Andhara Pradesh , iyagoo halkaas kasoo jeediyay hadalo aad u qiima badan isla markaasna ardayda ku reebay yididiilo iyo inay hankooda kor u sii qaadaan. Waxaa halkaas hadlay Gudoomiyaha Ardayda Puntland ee india Axmed Huruuse Hashi isagoo u mahadceliyay marti sharaftii kasoo qaybgashay madasha xaflada Iyo ardayda kasoo qayb gashay xaflada, waxuuna fariin hanbalyo ah u diray dhamaan ardayda reer Puntland ee Aduunka dhan, kana dhawaajiyay dalku inuu ayaga arday ahaan sugayo. Waxaa lagudoon siyay arday shahaadooyinkii, waxaana gudoonsiiyey Marti Sharafta ka timid Jaamacada iyo Isbitaalada Gobolka iyo Hooyo soomaaliyeed oo ka soo qaybgashay Hooyo Fadumo Olol. Shado bixinta kadib, waxaa loo dareeray qeebta loo diyaariyey in lagu qaato cashada, halkaas oo qaab dhaqanka ardayda loogu soo jeediyey amaan wanaagsan, sida xilkasnimada leh oo ay u dhaqmayeen. 2- Qaybta labaad waxaa daadihinayey C/rashiid Faraax Warsame (Qalinle) Waxaa lagu bilaabay, Buraabur aaad u qiimo badan oo ay soo jeedisay Gabdha loogu yeero Jihaan, buraaburkaan oo xaflada iyo qiimaha ardaynimo ka hadlayey. Waxaa soo gaartay xiligii tartan aqooneedka oo ay soo diyaarsheen Maxamed Macalin Iyo Siciid Cawaale. Tartan aqooneedkaas kadib waxaa laguda galay Dood cilimiyeed ardaydu ka qaybkaadatay, Waxaa soo diyaarshay Maxamed Cali Nur, waxaa ka qaybqaatay 1- C/rizaaq Maxamed Xasaan, 2- Muhubo Farah Abdi, 3- Maxamed Ahmed Cali (m/ed macalin) 4- Shire Salah Jaamac ( Shire dheere) 5- Maxamed cali Nur (Wasiirka)Kadib Doodcilimyeedka waxaa soo galay gabay aad u xiiso badan oo uu soo tiyaarshay MaxamedGaas, oo ka tarjumayey aqoonta iyo waliba sida wadanku u dayacan yahay (Soomaaliya), waxaa ku sii jiga barnaamij caafimaada oo uu soo diyaarshay Maxamed Cali ciise (Farayare), halkaas oo looga faa’idaystay Cilmi aad u farabadan oo dadku rabeen. Qaybtii riwaayada oo ay soo diyaarsheen ardayda ayaa waxay aheed mid aad u xiiso badan, riwaayadaan ayaa waxaa soo diyaarshay Bashiir Caliyare, waxaa ka qayb qaatay 1- Siciid Axmed Waal, 2- C/fatax Maxamed Nasar, 3- Cumar Ciiraale 4- C/asis Maxamud iyo 5- Farxaan Maxamed (Farxaan Ukun). Xafladaan ayaa aheed mid ay aad dadku oogu wada riyaaqeen, ooguna hanbalyeeyn ardayda reer Puntland iyo Maamulkooda ba, ayada oo la sheegay in siku xirnaantooda ay tahay mid ku dayasho mudan. Waxaa Xafalada soo xiray Gudoomiyaha ardayda Puntland Axmed Huruuse Hashi,waxaan sidoo kale soo qaban qaabiyey Xafladaan Gudiga Ururka ardayda reer Puntalnd ee dalka India. Siciid Axmed waal ( Qardho boy) A/rizaq Maxamed Xassan (Eeyaahee) A/rishid Farah Warsame ( Qalinle) A/asis Maxamud cagmadhige (Timacade) Siciid Yusuf Cawaale Farxaan Maxamed Xasan Ayaan C/laahi Hagaa Muhubo Farah Cabdi Axmed Huruuse xaashi soo diyaariyaha Maxamed Saciid Cali (xarigle) Hyderabad india . Quote Share this post Link to post Share on other sites