Jacaylbaro Posted November 12, 2007 Xukuumadda Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa si adag gaashanka ugu dhufatay codsi uga yimid dawladda KMG ah kaasi oo ku aadan xujeyda Soomaalida ee sannadkan daneynaysa in ay gutaan waajibaadkooda xajka. Codsiga ayaa xukuumadda Sacuudigu ay ku gacan-saydhey ayaa ahaa mid dawlada federaalku ay ka codsatay sababo ah in dadka qaar aysan haysan baasaboorka cusub ee dawladda KMG ah ee loo yaqaan E-Passoport iyadoo loogu badalayo waraaqo caddeyn ah oo aqoonsi ah. Xukuumadda Sucuudigu waxay sheegtay cidii aan sidan passoport la aqoonsan yahay aysan gudaha u gudbi kari doonin waddankeeda, isla markaana aanay jiri doonin waraaqaha ay dawlada federaalku ka codsatay ee ah in lagu galayo dalka Sucuudiga oo ay adeegsan lahaayeen dadka xujeyda ah. Dawlada federaal ayaa wakhti sii horeeyey waxay ka codsatey dawladda Sucuudiga in dadka aan weli qaadan baasaboorka cusub, isla markaana laga joojiyey kii hore qaataan waraaqo ay ku gali karaan dalka Sucuudiga, laakiin waxaa si wayn uga soo horjeesatay dawlada sucuudiga. Dawlada federaalka ayaa horey shacbiga ugu sheegtay inaan marnaba la ogolaan doonin in lagu safro passaportkii hore iyadoo dadka laga codsadey inay qaataan passaportka cusub ee dawladda KMG ah ay dhawaan soo daabacday. Ku dhawaad dad gaadhaya ilaa 150-qof oo Soomaaliya ayaa guta waajibaadkooda xajka barakaysan sanad walba kuwaasoo ka kala taga guud ahaan gobolada dalka. afnugaal.com Quote Share this post Link to post Share on other sites