Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Saudi Arabia: We Will Not Accept Any New Passport

Recommended Posts

Xukuumadda Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa si adag gaashanka ugu dhufatay codsi uga yimid dawladda KMG ah kaasi oo ku aadan xujeyda Soomaalida ee sannadkan daneynaysa in ay gutaan waajibaadkooda xajka.

 

 

 

 

Codsiga ayaa xukuumadda Sacuudigu ay ku gacan-saydhey ayaa ahaa mid dawlada federaalku ay ka codsatay sababo ah in dadka qaar aysan haysan baasaboorka cusub ee dawladda KMG ah ee loo yaqaan E-Passoport iyadoo loogu badalayo waraaqo caddeyn ah oo aqoonsi ah.

 

 

 

Xukuumadda Sucuudigu waxay sheegtay cidii aan sidan passoport la aqoonsan yahay aysan gudaha u gudbi kari doonin waddankeeda, isla markaana aanay jiri doonin waraaqaha ay dawlada federaalku ka codsatay ee ah in lagu galayo dalka Sucuudiga oo ay adeegsan lahaayeen dadka xujeyda ah.

 

 

 

Dawlada federaal ayaa wakhti sii horeeyey waxay ka codsatey dawladda Sucuudiga in dadka aan weli qaadan baasaboorka cusub, isla markaana laga joojiyey kii hore qaataan waraaqo ay ku gali karaan dalka Sucuudiga, laakiin waxaa si wayn uga soo horjeesatay dawlada sucuudiga.

 

 

 

Dawlada federaalka ayaa horey shacbiga ugu sheegtay inaan marnaba la ogolaan doonin in lagu safro passaportkii hore iyadoo dadka laga codsadey inay qaataan passaportka cusub ee dawladda KMG ah ay dhawaan soo daabacday.

 

 

 

Ku dhawaad dad gaadhaya ilaa 150-qof oo Soomaaliya ayaa guta waajibaadkooda xajka barakaysan sanad walba kuwaasoo ka kala taga guud ahaan gobolada dalka.

 

 

afnugaal.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this