Sign in to follow this  
Liibaan

XaglaToosiye Oo Ku Sugan Grand Regency Hotel Dawlada Kenya oo Raali Gelin Bixisay

Recommended Posts

Liibaan   

hogaanka%20ssc.jpg

 

 

Hogaanka SSC Oo Ku Sugan Grandy Regency Hotel & Dawlada Kenya oo Raali Gelin Bixisay

 

Friday, March 26, 2010

 

Madaxda Sar sare ee SSC ayaa waxay hada ku sugan yihiin Hotelka weyn ee Grandy Regency ee magaalada Nairobi. Hogaamiyaha SSC Mudane Suleimaan Ciise Axmed Kaar ku xigeenkiisa Col: Cali Sabaray iyo Mohamed Hussein Hashi Dheere ayaa dhamaantood hada ka casheenaya Hoteelka Grandy Regency ee ku yaala bartamaha Nairobi.

 

Madaxdan oo socdaalkooda ay dib rideen qaar ka mid ah Askarta dalka kenya oo lacago laaluush ah ka qaatay Maamulka Puntland ayaa waxay ku guuleysteen dacwadii ay ka fureen saraakiishii ka soo celisey Garoonka Wilsan ee degmada Langata.

 

Waxaana dhamaan Jeelka loo taxaabay Saraalkiishii heshiiska la gashay xubno halkan ku sugnaa oo bixiyey lacag dhan 54 kun oo dolar taasoo sida ay sheegeen Saraakiishu laga soo xawilay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

 

Hadal kooban oo uu siiyey Shacabkii faraha badnaa ee Hoteelka soo buux dhaafiyey ee SSC ayuu ku sheegay Hogaamiyuhu in si wacan loola dhaqmay isla markaana aysan jirin wax Xabsi ah oo ay is arkeen uuna deganaa Guri hoteelkan oo kale ah {Grandy Regency}.

 

Wuxuu sheegay in uu beri qaban doono Shir saxafadeed , ayadoo uu ka cudurdaartay warbaahinta caalamiga ah qaarkood oo irida Hoteelka taagnaa. Waxaana warbaahinta qaar sida AP iyo Reutures war kooban siiyey Afhayeenka Hogaanka ee Nairobi wuxuuna u balan qaaday in beri la qaban doono shir saxaafadeed heer sare ah.

 

Dhanka kale Afhayeenka Booliska dalka Kenya Eric Kiraithe aya raali gelin buuxda Siiyey Bulshada ay metelaan Hogaanku iyo shakhsiyadoodaba, wuxuuna sheegay Amaanka dalka oo heegan ahaa in ay keentay qaladka dhacay wuxuuna sheegay in lala xisaabtami doono dhamaan dadkii ku lugta lahaa arimaha. wuxuu sheegay in ay socdaalkooda sii wadan doonaan, wuxuuna hadalkiisa intaas sii daba dhigay in aysan haboonayn in Siyaasadaha ka soconaya dalka Soomaaliya gudihiisa ee u dhexeeya maamulada aan la dhexkeeniin Kenya oo ah dal dhexdhexaad ah sida uu hadalka u dhigay.

 

Si kastaba ha haatee maamulka Puntland ayaa wuxuu markii shanaad ku fashilmayaa shirqooladii is daba jooga ahaa ee uu kula kacayey shacabka SSC asagoo hada Kubada dhan kale u dhigay oo ah iska horkeenida shacab SSC dhexdiisa. Dhawaan ayey ahayd markii shir ay wada yeesheen Golaha wasiirada ee Puntland kuwaada SSC iyo qaar ka mid ah Madaxdhaqameedka SSC ay wasiiradu sheegeen in Beelaha *********** is dilayaan dhexdooda taasoo laga dheehday in uu jiro qorshe Noocaas ahi.

 

Shirka Jaraa'id, wararka kale ee Faah faahsanba Beri Insha Allaah.

 

Horufadhi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this