Sign in to follow this  
Jacaylbaro

The Vice President Talks about the Importance of the National ID Card

Recommended Posts

Hargeysa(Qarannews)-Madaxweyne-ku-xigeenka JSL Md. Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa sheegay in Muwaadiniinta aan haysan Kaadhka Jinsiyada ay Caqabad kala kulmi doonaan Aqoonsigiisa shakhsiyadeed iyo ku noolaanshaha dalka, gaar ahaan helida fursadaha shaqo iyo socdaalada dalka gudihiisa iyo dibadiisaba.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu sidaa ku sheegay shir jaraa'id oo uu maanta ku qabtay Magaalada Burco isagoo ka soo laabtay socdaal uu ugu kuur galayay hab sami u socodka diiwaangelinta codbixiyayaasha oo haatan maalintii shanaad ka socda gobolka Tog-dheer.

 

waxa kale oo Madaxweyne-ku-xigeenku tilmaamay in Diiwaangelinta dalka ka socotaa ay Somaliland u horseedi doonto horumar ay ka samayso dhinacyada dhaqaalaha, Amniga iyo ka faa'iidaysiga khayraadka wadanka.

 

Md. Axmed Yuusuf Yaasiin Madaxweyne-ku-xigeenka JSL waxa kale oo uu shirkiisa Jaraa'id kaga xog waramay sida ay u socoto diiwaangelinta wadanku gaar ahaan gobolka Togdheer oo uu maalmihii u danbeeyay isaga iyo wefti uu hor kacayaa ku soo mareen ilaa 84 degmo oo ka tirsan gobolka Togdheer, waxana uu sheegay in caqabada kali ah ee Haysata deegaanadaasi tahay qalabka diiwaangelinta oo gabaabsi ku ah in kastoo hawl wadeenada badankoodu waayaragnimo iyo khibrad leeyihiin.

 

Madaxweyne ku xigeenka JSL waxa uu shacbiga Somaliland ugu baaqay inay adkeeyaan nabadgelyada aynu ku caano maalnay iyo kala danbaynta, kana feejignaadaan cid kasta oo wax yeeli karta qaranimada iyo haykalka Dawladnimo, isagoo intaa ku daray in Cadawga JSL ay hadh iyo habeen ku tala jiraan inay carqaladeeyaan horumarka Somaliland gaar ahaan diiwaangelinta haatan socota, balse ay Xukuumadu isha ku hayso dhaqdhaqaaqooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this