General Duke Posted May 16, 2008 Golaha amaanka oo dalbadey in ciidamo la geeyo Somalia 16 May 16, 2008 - 8:42:48 AM Golaha amaanka ayaa maanta [ May 16, 2008] ugu yeeray xoghayaha QM Ban Ki-moon in uu sii wado qorshaha ciidamo nabad ilaalineed [QM] lagu geyn lahaa dalka dagaalku halakeeyey ee ku yaala geeska Afrika isla markaana xafiiska Jimciyada quruumaha ka dhaxeysa oo fadhigiisu yahay Kenya loogu rari lahaa Somalia. Qararkan oo dhamaan xubnaha golaha amaanka isku raaceen ayaa xoghayaha QM looga dalbadey in dar-dar la galiyo sidii xal siyasaded looga gaari lahaa dhibaatada Somalia. Golahaan ayaa ku tilmaamey wax laga xumaado xaalada bini'aadnimo oo ka taagan Somalia oo aan laheyn dowlada si guud uga howlgasha tan iyo 1991. Go'ankan ayaa sidoo kale dib u soo celiyey qaraar ahaa in wadamada xubnaha ka ah golaha amaanka tageero dhaqaale iyo mid qalaba loo helo ciidamada AMISOM taas oo albaabka u fureysa in la soo dhameystiro islamarkana sahli doonta in xoogaga kale oo shisheeye ka baxaan Somalia. Wadamada ku jira golaha amniga ayaa xoghayaha QM sidoo kale ka codsadey in la hagajiyo wada-shaqeynta hay'adaha QM ee ku howlan takuleynta shacabka Somaliyed iyo in kor loo qaado amaanka gadiidka gaarsiinaya agabkaas dadka tabaaleysan. Golaha amaanka ayaa gaynta ciidamo ka tirsan QM ku xirey shuruud ah in xaaladu saamaxdo islamrkaana la gaaro xal siyaasadeed. Garowe Online+Wakaaladaha Quote Share this post Link to post Share on other sites