Sign in to follow this  
N.O.R.F

Cor:C/Laahi Yusuf oo 27 saac Miyirmaqan diyaaradna aan loo ogolayn in uu u raaco Lond

Recommended Posts

N.O.R.F   

hadhwanaag 2007-12-05 (Hadhwanaagnews) Sida uu ku soo waramay masuul ka tirsan DFKMG kana gaabsaday in la xusa magaciisa ayaa noo xaqiijiyey in xaalada madaxweynaha DFKMG Cabdulaahi Yuusuf Axmed ay tahay mid qatar ah oo aan la kala garan karin sida uu ku danbeen doonto noloshiisa.

 

Masuulkaan oo ah raga sida weyn ugu dhow dhow madaxweynaha ayaa noo sheegay in xalay lagu haayey Gar gaarka deg deg ah hadana uu jiifo Qol ku dhagan gar gaarka deg deg ah loona ogoleyn cid aan xigtadiisa aheyn in ay booqata isagoona sheegay mar aan isku daynay in aan booqano irida nagala soo celiyey sida masuulka sheegay waxaa Isbitaalka ku harereysan ciidamo Boliis ah oo dhar cad ah kuwaas oo diidan in ay booqdaan Madaxweynaha cid aysan ka war heynin dadka ka ag dhow dhow madaxweynaha .

 

Dhaqtarka oo ku tacalayo nolosha madaxweynaha ayaa sheegay in aan madaxweynaha xiligaan gali karin safar dheer ilaa xaaladiisa ay ku soo noqoto Caadi,waxana madaxweynaha uu hurda uu kujraa 27 saac oo xariir ah iyadoona wax hadal ah laga heynin xiligaan oo uu muuqda qof aan laheyn dhaqdhaqaaqyo xoogan waxana aad loola tacalayaa sidii loo dajin lahaa feebaro sii´´id ah oo haayo madaxweynaha

 

Markad Booqata irada hore isbitlaaka waxaa dhooban taageerayaal badan oo ka socda dhinaca madaweynaha kuwaas oo u rabi tuugayo madaxweynaha in xaaladiisa ku soo noqoto mid caadi ah waxaana la dhihii karaa waa jiradii ugu horeysay ee qabato waxii ka danbeyey markii laga badalay Beerka waana shaqsiga ugu cimriga dheer ee loogaliyo beer islaameyd

 

Xaalada Madaxweynaha oo aad uga wal walsan yihiin dowlada Mareykanka iyo Itoobiya oo u arko haduu meesha ka baxa in aysan heleynin qof daacad ugu ah danahooda qaaska ah

 

Source:- Dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^Hadhwanaagnews or Dayniile? Or both at one time LoooooooooooooooL... What a credible source... which one is it? Mase joint website ayay samaysteen.........

 

How low can you go man? Maad iska xishootid xoogaa

 

This is Dayniile's report:

 

 

Madaxweyne Yuusuf “Caafimaadkeygu aad buu u fiican yahay waxa adduunka laga sheegayana waan maqlayaaa waana been ee dheg ha u dhigina”

 

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo maalmahanba xanuunsanaa, warar ka duwana ay ka soo baxayeen xaaladiisa sida ay tahay ayaa markii ugu horeysay ka hadalay xaaladaiisa caafimaad oo uu sheegay iney tahay mid aad u wanaagsan oo aan aheyn sida dadka qaar ay u buunbuuninayaan, wuxuuna madaxweynaha wareysigaasi siiyey Laanta afka Soomaaliga ee idaacadda codka Maraykanka VOA, isagoo ka hadlay arimo badan oo ku saabsan Soomaaliya.

 

Madaxweyne Yuusuf ayaa beeniyey in caafimaadkiisu uu si aad ah u liito “Caafimaadkeygu aad buu u fiican yahay waxa adduunka laga sheegayana waan maqlay waa markii saddexaad ee aan maqlo anigoo nool inaan dhintay ee wararkaas ha maqlina, sida loo sheeganayo ee la leeyahay coma ayuu ku jiraa iyo waa dhintay midna waxba kama jiraan, hadaadse wax dareento waa inaad dhaqtar u tagtaa oo caafimaadkaaga bartaa intaas wax ka duwana ma jiraan” ayuu yiri madaxweyne Yuusuf oo intaa ku daray inuu ku soo jeedo magaalada London ee dalka Ingiriiska si uu u maro baaritaan sanad leh oo uu ku sameynayo dhaqtarkii 10-ka sano ka hor beerka kaga sameeyey qaliinka.

 

“Sida hadalkeygu u caafimaad qabo, ayey jirkeyga iyo muuqaalkeyguna u caafimaad qabaan” ayuu yiri Yuusuf oo dhinaca kale sheegay in shirarka ka dhacaya magaalooyinka Addis ababa iyo Lisbon uu wakiishay inuu ku metelo ra’isul wasaaraha xukuumada Soomaaliya Nuur cadde, isagoo dhinaca kalena ku tilmaamaay kuwa iska casilay xukuumada cusub ee dhowaan la dhisay iney yihiin kuwo beelo iyo dano gaar ah u doodaya oo aaney ujeedadoodu aheyn dhismaha Qaran Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in dowladda cusub ay tahay mid cadaalad ah oo aaney jirin beel ka maqan laguna saleeyey nidaamka 4.5 ah ee beelaha Soomaaliyeed ay awooda ku qeybsadeen.

 

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale shuruud ku xiray wadahadal ay dowladda Soomaaliya la gasho kooxaha mucaaradka ah ee la dagaalamaya, isagoo tilmaamay ineysan wadahadal la furi doonin illaa ay hubka dhigaan oo ay nabada wax ku raadiyaan, waxaana hadalka madaxweynaha uu khilaafsan yahay midka ra’isul wasaaraha cusub Nuur cadde oo isagu marar badan ku celceliyey inuu wadahaadlo toos la geli doono mucaaradka isagoo aan sheegin wax shuruud ah oo wadahadalkaasi ku xiran.

 

.Xafiiska war qabadka Dayniile

Goternburg, Sweden

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Northerner:

Masuulkaan oo ah raga sida weyn ugu dhow dhow madaxweynaha ayaa noo sheegay in xalay lagu haayey Gar gaarka deg deg ah hadana uu jiifo Qol ku dhagan gar gaarka deg deg ah

mother of all contradiction - was in the emeergency unit and now out and in a next door to the unit clearly specifies the man is out of danger.

Mida kale xaaji Northern ninkaan hab kale aan ula dagalno dhimashadisa iyo jiradiisa Illah SWT aya gacanta ku haaya, tas wa arrin anaga naga weyn.

And as far as the latest stint is concerned in VOA he sounds find and kicking. I just wonder why he faked sickness and is avoiding al-marwo Condeliza Rice. Does the old man (Yeey) know something we dont - like the next card out of the US/Axmaro plot is his - just like Geedi and hence he chose to fake illness.

Lets explore those lines and avoid following deterant factors which was designed yo mislead people from the real issues like the 'new-cabinet' and the fact that it has yet to be approved by the parliament and plus that a third has resigned therefore nullifying Nuur=Caade's cabinet.

Lets talk about and his health. Hadi jiran yaheyna Allkah caafiyo - hadu dhintana de wa isaga iyo wixi uu Illahigi aburey la hortago.

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

Originally posted by Emperor:

^Indeed, go on collect any trash you find on the net and post...

I have joined the SOL TFG crew :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
NinBrown   

Norf is obsessed these days with cabdulahi yusuf death and il-health. Cos he knows the president is the last true Somali who will put the little dream they have in Hargeysa Town.

 

Saxiib there is more than one way to say ‘I hate you’ so stop hating, and start living your life.

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

Originally posted by NinBrown:

Cos he knows the president is the last true Somali

I'm sure those bombed in Xamar would agree. Take blind folds off saxib. Think for yourself,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this