Sign in to follow this  
Jacaylbaro

KULMIYE Party ,,,,, Refuses Dr, Ahmed to be a Presidency Candidate

Recommended Posts

Xisbiga KULMIYE oo ku gacan saydhay musharxnimada kursiga madaxsweynenimo ee Dr. Ahmed Xuseen Ciise xiligan la joogo

 

Warsaxaafadeed ay maanta soosaareen gudida qaban qaabada shirweynaha labaad

eexisbiga KULMIYE ayaa lagu sheegay in aan la ogolayn musharax iskii isusoo sharaxa

kahor shirweynaha xisbiga, waxayna tani kadambaysay maalin uun kadib marii Dr. Ahmed

Xuseen Ciise shalay kudhawaaqay inuu usharaxan yahay kursiga madaxweynenimo ee

xisbiga Kulmiye, waxayna tani siweyn usoo shaac saartay kala qabysanaan balaadhan

oo xisbiga dhexdiisa kajirta.

 

Warsaxaafadeedka oo dhami waxa uu uqoraa sida tan:

 

Gudida qaban-qaabada Shirweynaha II-aad ee Xisbiga KULMIYE, waxay in dhaweydba ku

hawlanayd qaban-qaabada shirweynaha II-aad ee Xisbiga oo imika arrimihiisii

gebo-gebo yihiin.

 

Arrinta la xidhiidha Musharixiinta Madaxxweynaha iyo ku xigeenka, waxa Dastuurka

Xisbigu siinayaa awooda xulistooda golaha dhexe ee Xisbiga. Shir Gole Dhexe oo

Xisbiga u qorshaysan inuu Shirweynaha ka soo hormaro ma jiro.

 

Sidaas darteed, Golaha Dhexe ee la filayo inuu ka dhalan doono Shirweynaha ayaa

mas'uuliyaddaa yeelanaya, waxaana hubaal ah inuu arrintaa u samayn doono

hab-raac (Procedure) lagu kala sareeyo, musharixiintana guddi u saari doona

fulisa hab-raacaas.

 

Markaa gudida qaban-qaabadu waxay cid walba ogaysiinaysaa inay kala saarista iyo

kala shaandhaynta musharixiinta aan weli goorteedii la gaadhin, cidii xilkaas

iska lahayd oo ah Golaha dhexe wali ma uu samaysmin. Sidaa darteed, waxaa cid

kasta oo musharaxnimada madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka damac ka hayo

laga codsanayaa inay xaq dhawraan nidaamka Xisbiga u yaala oo ay goorteeda iyo

madasheeda ay arrinkaas la sugaan, inta ka horaysana hawshaa ina hortaala waa

qabashada Shirweynaha; sidaas darteed waa in la joojiyo hawl kasta oo aan

khusaynin Shirweynaha siiba ololaha Musharaxnimada kiisa qarsoon iyo kiisa

muuqdaba. Waxaynu u baahanahay in loo guntado sidii uu u qabsoomi lahaa

Shirweynaha labaad ee Xisbigu."

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this