General Duke Posted December 17, 2008 Muqdisho: Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo difaacay Magacaabidii Madaxweynaha ee Raysalwasaare Gacma dheere. 17. december 2008 APL]Muqdisho(AllPuntland)- Xeer Ilaaliyaha guud ee dalka Soomaaliya C/laahi Daahir ayaa difaacay talaabadii uu Madaxweynaha Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axxmed ku magacaabay Raysalwasaaraha cusub ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya. Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in uu Madaxweyne Yuusuf xaq uleeyahay in uu xilka ka qaado Raysalwasaaraha ayna jirin wax ka jira, warka sheegaya inuusan Madaxweynuhu awood ulaheyn xil ka qaadid lugu sameeyo. C/laahi Daahir ayaa sheegay in uu Madaxweyne Yuusuf xaq uleeyahay magacaabida Raysalwasaaraha iyo shaqo ka qaadidiisaba, ayna muhiim tahay in sharciga la dhowro oo la aqbalo go'aamada Madaxweynaha Dawladda Faderaalka ee Soomaaliya. Xeer Ilaaliyuhu wuxuu intaasi ku daray in uu Madaxweynuhu latashi la'aan xataa uu ku magacaabi karo Raysalwasaare, markaasna uu xilka kaga qaadi karo taasna uu baneynayo Axdiga udagsan dawladda Soomaaliya. Warkan ka soo baxay Xeer Ilaaliyaha ayaa ka soo horjeesanaya war ka soo baxay Nuur Cadde iyo Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya oo looga hadlayay in aysan waxba ka jirin xil ka qaadidii dhawaan Madaxweynuhu ku sameeyey Nuur Xasan Xuseen. F. C. Geylan AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites