Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Attorny General supports naming new PM

Recommended Posts

Muqdisho: Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo difaacay Magacaabidii Madaxweynaha ee Raysalwasaare Gacma dheere.

17. december 2008

 

APL]Muqdisho(AllPuntland)- Xeer Ilaaliyaha guud ee dalka Soomaaliya C/laahi Daahir ayaa difaacay talaabadii uu Madaxweynaha Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axxmed ku magacaabay Raysalwasaaraha cusub ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in uu Madaxweyne Yuusuf xaq uleeyahay in uu xilka ka qaado Raysalwasaaraha ayna jirin wax ka jira, warka sheegaya inuusan Madaxweynuhu awood ulaheyn xil ka qaadid lugu sameeyo.

 

C/laahi Daahir ayaa sheegay in uu Madaxweyne Yuusuf xaq uleeyahay magacaabida Raysalwasaaraha iyo shaqo ka qaadidiisaba, ayna muhiim tahay in sharciga la dhowro oo la aqbalo go'aamada Madaxweynaha Dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Xeer Ilaaliyuhu wuxuu intaasi ku daray in uu Madaxweynuhu latashi la'aan xataa uu ku magacaabi karo Raysalwasaare, markaasna uu xilka kaga qaadi karo taasna uu baneynayo Axdiga udagsan dawladda Soomaaliya.

 

Warkan ka soo baxay Xeer Ilaaliyaha ayaa ka soo horjeesanaya war ka soo baxay Nuur Cadde iyo Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya oo looga hadlayay in aysan waxba ka jirin xil ka qaadidii dhawaan Madaxweynuhu ku sameeyey Nuur Xasan Xuseen.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this