Sign in to follow this  
Jacaylbaro

The President Ordered to Investigate the Cause of the Fire

Recommended Posts

Hargeysa (Somaliland.org) – Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa ka tacsiyeeyey mulkiilayaashii wersheddaas iyo dadweynaha Somaliland guud ahaan, khasaaraha baaxadda leh ee hantida ku shufbeeshay dabkaas.

 

Sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda, Madaxweyne Riyaale oo caawa ka hadlay gubashada wershedda Furshaanta iyo Buushka waxa uu amray Wasiirkiisa Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland inay baadhis degdeg ah ku sameeyaan sababihii dhaliyey dabkaas khasaaraha weyn geystey, isla markaana baadhitaankooda ay degdeg uga soo saaraan natiijo.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha, mudane Cabdillaahi Ismaaciil Cali ayaa isaguna sheegay inay hawsha baadhitaankooda ay durbadiiba gudagaleen, waxana uu xusay in mulkiilayaashu ay u sheegeen inay tuhunsan yihiin in dabkaasi ka dhashay korontada ama laydhka Wershedda, balse, waxa uu sheegay inay baadhayaan sababta dhalisay dabkaas, dhakhsona ay uga soo saarayaan natiijo.

 

Sidoo kale, Taliyaha Booliska ayaa isaguna dhinaciisa sheegay inay baadhayaan sababta keentay dabkaas.

 

Xukuumadda Somaliland iyo maamulka Caasimadda ayaa had iyo goor lagu dhalliilaa in ku fashilantay inay wax ka qabato adeegga guud ee dalka, gaar ahaanna, waxa si cad marar badan farta loogu fiiqay khatarta ay ku jiraan dadka iyo hantidooda, maadaama magaaladaa weyn ee caasimadda ahi aanay lahayn Dab-demis iyo ciidan dab-demiska u carbisan, isla markaana dabka ka qarxa guri ama meherad ganacsi uu si fudud ugu gudbi karo guryaha ama meheradaha ku xiga oo aan laga samatabixin karin.

 

Sidaa darteed, Madaxweyne Riyaale iyo Wasiirkiisa Arrimaha Guduhu, midna ma soo qaadin baadhista loo baahan yahay in lagu sameeyo sababta dabka looga badbaadin kari waayey wersheddaas inta aanay shuf beelin ama suurtagelisey in la bakhtiin kari waayo dabkaasi muddada saacadda ka badan hulaaqayey iyo sida ay wax uga qabanayaan haddii ay ogyihiin meesha uu dayacu ka yimi.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, mudane Cabdillaahi Ismaaciil Cali oo caawa ka hadlay Radio Hargeysa, ayaa isagoo u mahadnaqaya dadweynaha Magaalada Hargeysa ee u gurmadey bakhtiinta wershedda, ciidanka Booliska, Booyadihii Biyaha ee sida mutadawacnimada ah uga qaybqaatay gurmadka iyo hay'adaha dowladda qaarkood, haddana waxa uu dhalliilay dadweynihii ku soo xoomay shilkaas oo uu sheegay inay horjoogsadeen wax badan oo la qaban lahaa.

 

"Maanta waxa laga shaqayn kari waayey ama biyihii ama ciidankiiba ay ka shaqayn kari waayeen dadkii oo meesha ku soo xoomay, " ayuu yidhi Wasiirku.

 

"Dadweynaha waxaanu ka codsanaynaa in marka waxan oo kale dhacaan inay jaanis siiyaan dadka wax qaban lahaa. Waayo, wax badan oo la qaban kari lahaa oo laga yaabo in la badbaadin kari lahaa waxa laga qaban kari waayey dadkii meesha ku soo xoomay, " ayuu raaciyey Wasiirku.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Riyaale had 35% share in the factory , hence it was an arson by Qaran supporters. I think..

Share this post


Link to post
Share on other sites

W. Warshadaha S/land Oo Kormeeray Warshadii Gubatay

 

 

hadhwanaag 2007-08-01 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- Wasiirka warshadaha Somaliland Maxamed Saleebaan Maxamed ayaa daboolka ka qaaday inay Xukuummadu kaalinteeda wixii kaga soo hagaaga ay bixinayso, isla markaana waxa uu ugu baaqay ganacsadatada iyo jaaliyada qurba-jooga ee Somaliland inay gacan ka geystaan sidii ay warshada furshaantu dib shaqadeedu u bilaabi lahayd.

 

Wasiirku waxa uu sida ku sheegay mar uu maanta isaga iyo Masuuliyiin kale ay kormeer ku tageen warshadii furshaanta ee uu dabku qabsaday shalay si ay u soo ogaadaan khasaaraha soo gaadhay baaxada uu leeg-yahay.

 

Wasiirka Warshada iyo Xubnaha kale ee la socday waxay ku soo wareegeen kaan-boolka ay warshadaasi ku fadhido iyaga oo u kuur-galay baaxada uu leeg-yahay khasaarihii qabsaday warshadaasi.

 

“Xukuummada Somaliland Waxay ka murugeysan tahay Warshada Buushka ee Al-khayraad khasaaraha weyn ee la soo dersay, taasi-na waa amar eebe oo aan la baajin karin” ayuu yidhi Wasiirka warshaduhu Maxamed Saleebaan Maxamed oo muujiyey sida ay Xukuumadu uga xun-tahay gubashada ku timi Warshada Buushka

 

“Dawladu waxay diyaar u tahay wixii door-kooda kaga soo hagaaga inay ka qaadanayso sidii ay warshadani [Al-khayraad] uga soo kaban lahayd khasaarihii dabku soo gaadhsiiyey, isla markaana ay shaqadeedi dib ugu bilaabi lahayd.” ayuu yidhi Wasiirku.

 

Maxamed Saleebaan Maxamed waxa uu Ugu Baaqay ganacsatada iyo qurba-jooga reer Somaliland inay kaalin ka geystaan sidii dib loogu kicin lahaa Warshadaasi furshaanta, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi. “Waxaan ugu baaqayaa Ganacsatada Somaliland iyo Jaaliyada dalkani u dhalatay ee dibada ku nool inay u guntadaan sidii ay Warshadani [Al-khayr] shaqadeedi dib ugu bilaabi lahayd”

 

Wasiiru-dawlaha Wasaarada Caafimaadka iyo shaqada Somaliland Md. Axmed Cali Shire oo is-na halkaasi ka hadlaya ayaa waxa sheegay inay qofkasta tabanayso gubashadii warshada furshaantu, isaga oo ariinta ka hadlayana waxa uu yidhi “Gubashadii ku timi Warshadii Al-khayr kumay koobnayn murugadeedu mulkiilayaasha warshadaasi iyo shaqaalaheeda, basle ay qofkasta taabanayso”

 

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaasi raaciyey “Waa daruuri in la is-gacan qabto marka ay cid dhibaato la soo deristo”

 

Gudoomiyaha rugta ganacsiga Somaliand Cabdiraxmaan Faarax Sugaal ayaa sharaxaad ka bixiyey kaalinta ay warshada Al-khayraad ee Buushku kaga jirtay kobcinta dhaqaalaha dalka.

 

“Waa Muhiim in gacan laga geysto sidii dib loogu kicin lahaa Warshadaasi”ayuu yidhi Cabdiraxmaan.

 

“Waxay warshadan Al-khayraad dhiiri-gelisay sidii ay Muwaadiniinta Somaliland u maal-gashan lahaayeen dalkooda” ayuu yidhi Gudoomiyaha Rugta ganacsiga Somaliland Cabdiraxmaan Faarax Sugaal.

 

Maareeyaha Warshadii buushka ee Al-khayraad Cabdilaahi Jaamac oo is-na halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inay warshadani kaalin kaga jirtay dhaqaalaha dalka, isla markaasina waxa uu tilmaamay wax soo saarka warshadani inuu gaadhay dalalka ay Somaliland la dariska la tahay.

 

Arrintan ayaa ka danbeysay kadib markii uu shalay gelinkii danbe dab aan haybtiisa la garanayn u qabsaday wershadii furshaanta ee Al-khayraad, isla markaasina ay shufbayshay, taas oo dadka qaar ku doodayaan inay Xukuumadu ku guul-dareysatay bakhtiinta warsahdaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

“Waxaanan idiin Muujinaynaa khasaarahaas Dhacay{Al-khayr] In aanu aad uga Xunahay, Khasaarahaas Oo aanu U aragno Mid Somaliland Ku dhacay”Siilaanyo

 

 

hadhwanaag 2007-08-01 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Md.Axmed Maxamed Maxamuud [siilaanyo] ayaa sheegay isaga oo ku hadlaya Magaciisa iyo kan Xisbiga uu Gudoomiyaha u yahay ee KULMITYE uu aad uga xun yahay khasaaraha ku habsaday warshadhii buushka iyo furshaanta ee Al-khayraad ee shalay dabku qabsaday,isla markaana uu tilmaamay khasaarihii qabsaday warshada uu Somaliland-na ku dhacay.

 

Sida waxa uu Gudoomiyuhu ku sheegay bayaan uu Maanta Soo Saaray oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews.com ee Magaalada Hargeysa.

 

Waxaanu u dhignaa bayaankii sedan:-

 

“Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Ahmed Mohamed Siilaanyo, isaga oo ku hadlaaya Magaciisa, kan Gudida Fulinta Xisbiga, Golaha Dhexe, Xubnaha iyo Taageerayaasha Xisbiga, waxa uu tacsi u dirayaa Muwaadiniintii iska lahaa Warshada Al Khayraad ee soo saari jirtay Buushka ee Magaalada Hargeisa, isaga oo ka tacsiyadaynaaya khasaarihii ka soo gaadhay Dabkii Warshada qabsaday ee dhaawaca weyn u gaystay.

 

Warshada Al Khayraad, waxay ka mid ahayd Warshadaha wax-soo-saarkooda laga dareemay guud ahaan Somaliland iyo geeska Afrika ee aynu kaga kaaftoonay baahiyo badan.

 

Ilaahay waxaan idiinka rajaynayaa in cawil naqeeda ilaahay deg-deg idiinku soo celiyo, waxaanan idiin muujinaynaa khasaarahaas dhacay in aan aad uga xubnahay, khasaarahaas oo aanu u aragno mid Somaliland ku dhacay.

 

Ugu dambayntii, waxaanu aad uga xunahay, wax aad looga naxana ah, in Magaalo madaxdii Dalka oo dhan aysan lahayn wax dab demis ah, taasoo macnaheedu yahay in magaalada inteeda kale oo dhamina khatar ku jirto.

 

Hadaba, su'aashu waxay tahay, aaway Hay'adihii xil ka saarnaa?”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mad. Rayaale Oo Ku Baaqay in Si deg-dega Loo Magacaabo Guddi Laba Dhinac ah Oo Ka soo Talo Bixisa Khasaarihii Warshadii Furshaanta ee Al-khayr

 

hadhwanaag 2007-08-03 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa markii ugu horeysay ku baaqay in si deg-dega loo magacaabo guddi ka kooban ganacsatada iyo Xukuummada,si ay uga soo talo bixiyaan sidii ay markale hawsheedi u bilaabi lahayd Warshadii furshaanta ee gubatay sida ugu suurta-galsan.

 

Sida waxa uu Madaxweynuhu ka sheegay kadib markii uu socdaal kadis ah oo uu ugu kuur-galayey si uu u soo ogaado baaxada uu leeg yahay Khasaaraha dabku gaadhsiiyey warshada furshaanta ee Al-khayr uu ku tagay buqcadii ay ku taalay warshadaasi.

 

Warshada furshaanta Al-khayr oo uu khasaare balaadhan ka soo gaadhay dabkii qabsaday gelinkii danbe ee Maalintii Salaasada aynu soo dhaafnay, waxaanay kaalin-weyn kaga jirtay Wax soo saarka warshadaha ka hawl-gala Somaliland.

 

Waxa kale oo lagu sheegay warsaxafadeed uu ka soo baxay qasriga Madaxtooyada inuu sidoo kale Madaxweyunu kormeer ku soo maray dhabada diyaaraha ee Egal International Airport ee Magaalada Hargeysa, waxaanu Madaxweynuhu soo arkay laydhkii lagu xidhay dhabada diyaaraha ee Madaarka Hargeysa, taas oo sida la og yahay Diyaaradii ugu horeysay xalay habeenimadii ka duushay goobtaasi.

 

Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin waxa kale oo uu maanta soo maray dhismaha Cusub ee Miiska saraakiisha oo isaguna ku dhow dhameystir.

 

Sodaalka kadiska ah ee uu Madaxweynuhu ku soo gaala bixiyey dhowrka meelood ayaa la sheegay waxa ku wehelinayey dhowr wasiir oo ka mid ah Golihiisa Wasiirada.

 

Socdaalkan uu Madaxweynuhu saaka ku dhiiraday oo aan hore loo sii shaacin ayaa waxa uu ku soo beegbay iyada oo wadanka khilaaf siyaasadeed oo cakin ka aloosan, sida muranka ka taagan Miisaaniyadii Dawlaa ee 2007-ka, labadii xubnood ee Komiishanka Doorashooyinka ee ay Wakiilladu diideen inay ansixiyaan, iyo sharciyada Urur Siyaasadeedka Qaran oo la xidhay

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this