Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Xagjirnimo

Recommended Posts

Lix dhalinyaro ah oo ku dhaawacantay [istuudiyo] ay ku jireen oo lagu gubay

 

Talaado, [Luulyo] 31, 2007 - Kooxo hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxay gubeen Studio Cajalada Maqalka iyo muuqaalka ah lagu kireeyo, laguna iibiyo, kaasi oo ku yaala Degmada Huriwaa ee Gobolka Banaadir.

 

Ilaa 6 dhalinyaro ah ayaa la sheegay in ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen kadib markii ay kooxdii hubeysneyd ay dab qabadsiisay Studiyaha, isla markaana albaabka Studiyaha kala istaageen Bastoolado ay wateen.

 

Daqiiqado kadib markii uu Studiyihii gubasho bilaabay ayay kooxdii hubeysneyd halkaas isaga tagtay, iyadoo kadibna halkaas laga soo saaray dhalinyaradii oo qaarkood ay suuxeen markii uu naqaska ku xirmay.

 

Dadka degan nawaaxiga halka uu Studiyaha ku yaalo ayaa sheegay in intii aan la gubin Studiyaha ay kooxda hubeysan u tageen dhalinyaradi joogtay, kadibna ay yiraahdeen “ma dhaafeysaan waxyaabaha aad ku guda-jirtaan”, iyadoo dhalinyaradii oo cabsatayna ay yiraahdeen “waan dhaafeynaa”. Laakin wada hadalkaas kadib ayaa waxaa dhacday in uu goobtii tegay Nin ordayayay oo watay Caag Basiin uu ku jiray, kaasi oo la sheegay in uu ka tirsanaa Kooxda Studiyaha gubtay, dabadeedna basiinkii ayuu ku shubay Studiyaha, wuuna gubay
, waa sida ay dadka deegaanka xaqiijiyeene.

 

Lama garanayo ilaa iyo haatan sababta ay kooxdaas hubeysan u bartilmaameedsatay Studiyaha, marka laga reebo in ay ka xumaayeen ganacsiga ay dhalinyaradaas ku hayeen goobtaas.

 

Falkaas waxaa si weyn uga xumaaday dadka ku dhaqan Muqdisho, gaar ahaan kuwa degan halka uu falka ka dhacay, waxayna sheegeen in falkaas uu ahaa mid ka dhan ah Bani’aadannimada.

 

Ugu dambeyntiiba, Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay Dowladdii hore ee Soomaaliya waxaa ka dhacayay dhacyooyin curato cusub ah oo ka dhan ah Bani’aadannimada, kuwaasi oo loo geystay Dad Rayid ah oo aan waxba galabsan.

 

-----------

 

Intaas Xabashi u adeegeyso ku sugan Xamar, oo Xabashina gumeysi ku heysato kuwa saan geysanaayo -- saan u maleeyo dadkee yihiin -- ma Xabashi ay weeraraan waayeen markee masaakiin waxba galabsan meel iskaga jiro gubaayo iyo hantidoodda, haddana qoryo iridda ugu hor istaagay?

 

Dadkii bini'aadenimadda yarayd ku hartay kasii tageyso runtii.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this