Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Afqudhac oo amray in la xidho musharaxiinta Saleeban Wajixaad iyo C/raxman Xirsi Urbe

Recommended Posts

Ilaalada gaarka ah ee Madaxweyne kuxigenka Puntland ayaa maanta 28 Nov 2008 waraaqo uu ku dalbanayo in xabsigana lagu dhigo labo musharax oo kala ah Saleebaan Wajixaad iyo Musharax C/raxman Xersi Urbeyte ka soo saarey xafiiskiisa. Warku wuxuu intaa ku darayaa in Gen. Cabdisamad Cali Shire uu ciidamadaasi dib u celiyay una shegay iney been tahay waxyabihii lagu soo eedeyey, musharaxiintan oo ahaa in ay ka qeyb galeen kulamo ka dhacay Asmara, kuwas dib ugu laabtey halkii laga soo diray.

 

 

Musharax C/raxman Xersi ayaa saxaafadda u xaqiijiyay imaanshaha ciidamada ka socday Madaxda Puntland, wuxuuna isagoo ka hadlaya uu yiri "waxaa noo yimid ciidamo waraaqo wata oo la soo qalday, laguna soo amray inaan aniga iyo Musharax Saleebaan Wajixaad shirka ka qeybgeli karin shir madaxtooyada ka socdey oo nala celiyo, waxaana bulshada u sheegeynaa inaan musharax nala mid ahi uusan sugi karin amaanka Musharaxiinta iyo casimada Puntland".

 

Horay ayaa Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland uu xeer ilaalinta guud u gudbiyay eedeymo ka dhan ah Musharax Saleebaan Wajixaad oo uu u eedeeyay inuu Puntland ka wado burburin.

 

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland iyo musharaxiintaan ayaa kasoo wada jeeda gobolka Sool iyada oo wararka sheegayaan in xubnahaan sumcad xoogan ku leeyihiin beelaha daga gobolkaas.

 

 

Xigasho:Radio Garowe,Garowe.and Garoweonline.com.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this