Sign in to follow this  
General Duke

Warlord Yusuf IndaCade to liberate Lower Shabbele from Al Shabaab for peace?

Recommended Posts

SHEIKH SHARIIF OO TAAGEERAY IN YUSUF INDHO CADEE UU XOOG KU QABSADO SHABEELAHA HOOSE.

Posted to the MOL January 20, 2009, 10:34 am

 

Warar xogogaal ah oo aan ka helnay ilo ku dhow dhow shir ay magaalada Muqdishu ku yeesheen Nuur cadde, Sheekh Shariif Sh. Axmed, Yusuf Indhacade iyo siyaasiyiin waaweyn oo can ka ah magaalada Muqdishu, maalmo ka hor intii aysan ciidamada Itoobiya kabixin Soomaliya ayaa lagu goaamiyay in yusuf Maxamed Siyaad Indhacade lagu taageero sidii uu dib u qabsan lahaa Gobolka Shabellada Hoose

 

Shirkaas oo ahaa mid qarsoodi ah ayaa waxaa looga hadlay sidii uu Yusuf Indhacade looga dhaadhicin lahaa in uu taageero heshiiska Jabuuti. Sheekh Shariif oo ka mid ahaa dadka ka qeybgalay shirkaas ayaa soo jeediyay in Yusuf Indhacade taageero heshiiska Jabuuti taas bedelkeedana ay siyaasiyiinta beesha ****** isku raacaan in maamulida iyo aayo ka talinta gobolka Shabeelada Hoose loogu dambeeyo Yusuf Indhacade.

 

Dood dheer iyo falanqeyn kadib ayaa siyaansintii ka soo qeybgalay shirkaas oo ay ugu cad cadaayeen Sheekh Shariif Sheikh Axmed, Nuur cade raiisul wasaaraha Somaliya iyo Yusuf Indhacade ay isku raaceen in gobolka shabellada Hoose iyo maamulkiisa laga bilaabo kulankaas looga dambeeyo Yusuf Indhacade laguna taageero ciidan iyo maaliyadba in uu dib u qabsado gobolka Shabeelada Hoose.

 

Si loo fuliyo heshiiskaas ayaa Yusuf Indhacade uu qabsaday magaalada Afgooye, maleeshiyo beeleedkiisana ay weerareen deegaanka KM 60.

 

Dad badan oo ka soo jeeda gobolka Shabeelada Hoose ayey fajiciso ku noqotay in Sheikh Shariif oo ah nin wadaadnimo lagu yaqaano, uu hadda dhiiro geliyo isla markaana garab istaago in beel ka mid ah beelaha soomaaliyeed ay xoog ku maamusho beelo kale oo soomaliyeed.

 

Dad badan ayaa xusuusta, in Sheikh Shariif uu furaha gobolka Shabeelada Hoose oo uu soo wareejiyay Sh.yufuf indhacade intii ay dalka ay maamulayeen maxkamadaha uu sheikh shariifna ku yiri Indhacade “ii sii hay furaha si ku meel gaar ah”, taas oo ahayd masraxiyad siyaasadee lagu maadsado oo uu Jilaa ka ahaa Sh. Shariif.

 

Hadda oo 2 sano ka soo wareegtay dhacdadaas ayaa Sheikh Shariif waxa uu doonayaa in xil siyaasadeed uu ku raadsado in dadka gobolka Shabeelada Hoose uu u gacan geliyo dhiigyacabka Yusuf indhacade. Laakiin kulankaas ka hor ayey cadaatay in isbahaysiga dib u xureynta garabka Djabouti ay ciyaarayaan kaar qabiil si ay u kasbadaan ama u helaan taageerada dadka ******, sheikh C/raxmaan Janaqow ayaa horay u sheegay in madaxda Alshabab aysan u dhalan deegaanada ay shabaabka ka dagaalamaan sidaas darteedna aysan u damqaneyn dadka dhimanaya oo dagaal sii wadaan isagoo si dadban ugu sheegay dadka Muqdishu inay xaq ku taagan yihiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this