General Duke Posted October 1, 2008 Diyaarad qalab milatari u siday ciidamada AMISOM oo maanta Muqdisho timid kana duushay” Shabaabiyiinta oo ku dhici waayay in ay rasaseeyaan”. Arrin si weyn la isu weydiinayay ayay maanta noqtay kadib markii diyaarad qalab milatari u siday ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ay maanta soo caga dhigatay dhabaha diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho ,islamarkaana ay si nabad ah kaga duushay. Arrin si weyn la isu weydiinayay ayay maanta noqtay kadib markii diyaarad qalab milatari u siday ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ay maanta soo caga dhigatay dhabaha diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho ,islamarkaana ay si nabad ah kaga duushay. Shabaabiyiinta oo ay caadadoodu ahayd in ay garoonka rasaaseeyaan ayaa maanta taa ku dhici waayay,waxaana loo fasirtay in ciidamada AMISO ay maalmihii lasoo dhaafay shabaabiyiinta casharro lama ilaawaan ah siiyeen taas oo keentay in ay maanta arrinkaa ku dhici waayaan intii ay joogtay diyaarada AMISOM. Diyaarada Qalabka milatari u siday ciidamada nabad ilaalinta ayaa si nabad ah ku caga dhigatay garoonka iyadoo si nabad ahna kaga duushay,mana jirin wax gantaalo ah oo ay shabaabiyiintu rideen sidii horay looga bartay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted October 1, 2008 Diyaaradii labaad oo AMISOM leedahay oo soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha (Taliye ku xigeenka waaxda socdaalka mudane cabdi Barre oo aanu wareysanay) Maanta gellinkii dambe ayaa dhabaha diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde waxaa soo caga dhigatay diyaaradii labaad oo sahay milatari u siday ciidamada nabad ilaalinta AMISM ee ka howlgala magaalada Muqdisho. Markii diyaaradaasi ay timid oo qalabkii ay keentay dajisay kadib ayaa waxaa garoonka diyaaradaha xagiisa ay maliishiyada shabaabiyiintu u gameen dhowr hoobiye inkastoo ayan ku dhicin gudaha agaroonka. Taliye ku xigeenka waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha dalka Soomaaliya Mudane cabdi Barre ayaanu la yeelanay wareysi kooban oo aanu wax ka weydiinay bal hadii uu jiro khasaare ka dhashay duqeymahaasi. “ma jiraan wax gantaalo ah oo garoonka kusoo dhacay dhamaantoodna waxaa ay noqdeen kuwo u gudbay bada iyo kuwo ku dhacay garoonka dibadiisa”ayuu yidhi Mudane Cabdi barre oo sheegay in diyaaradii AMISOM ay ku timid si nabad ah si nabad ahna ay ku baxday. Dhanka kale masuulkan ayaa sheegay in diyaaradii saaka timid garoonka ay keentay saraakliil ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta AMISOM oo dhawaanahan fasax ku maqnaa. Saaka ayaa maliishiyada shabaabiyiintu aanay helin fursad ay wax ku car qaladeeyaan maadaama ciidamada dowladda iyo kuwa nabad ilaalinta Itoobiyaanku ay ugu galeen godadkoodii deegaanka Dayniile halkaas oo in badan oo ka mida lagu dilay halka kuwo kalana lagu qab qabtay howlgalkaasi,waxaana culeyska saarnaa uu sababay in ay waayaan fursad ay dhaq dhaqaaq ku sameeyaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted October 1, 2008 Mabe Al Shabaab are taking a break for EID, as they did for the holly month of Ramadan. Or maybe they got themselves into a big deal and the Uganadans and Burundians were no easy target. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted October 1, 2008 Diyaarada aay leeyihiin AMISOM oo saakay ka soo degtay Muqdishu- Muqdishu (HR-Media) Gabi ahaanba waxaa saakay illa shalay Degan Xaalada Caasimada Somaliya ee Muqdishu halkaas oo aaysan wax iska horimaadyo ah ka dhicin, taas ayaa waxa aay keentay in saakay Nabadgelyada ka jirta Muqdishu saakay iyo Shalay ayaa waxa ay keentay in saakay Garoonka Aadan Cadde International Airport ka soo degtay Diyaarad ay leeyihiin Ciidanka Nabad Ilaalinta ee ku sugan Mugdhishu. Diyaaraddan ayaa waxa la sheegay in ay waday Qalab Melitari oo aay leeyihiin Ciidanka Nabad Ilaalinta, iyadoo si nabad ah ugu soo degtay Garoonka Aadan Cadde ee Muqdishu. Diyaaraddan laga leeyahay Dalka Ugandha ayaa waxa aay ka mid noqoneysaa Diyaarado aad u fara badan oo isugu jira kuwa Ganacsato, Melitari iyo weliba kuwo keenay Masuulyiin sare sare oo ka tirsan Dowlada oo soo caga dhigtay si nabad ah garoonka Aadan Cadde Ka dib Hajabaado xoog leh oo ka soo baxay Kooxaha Dowlada Diidan . Arintani waxa aay ku soo beegmeysaa xili Hogaamiyaha Ururka dib u xoreynta Shiikh sharif sheikh Axmed uu sheegay in aaysan ahayen wax wanaagsan in la weeraro Xarumaha u adeega shacabka taaas oo uu sheegay in weerarkooda wax Dan ah ku jirin. C/laahi Somali Horseed-Media-Muqdishu Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted October 3, 2008 Its ammusing how Xasan Dahir and others are now against the closure when it could not be achieved. Oh what propoganda.. Quote Share this post Link to post Share on other sites