Sign in to follow this  
AYOUB

Puntland's Af Qudhun Cracks Under Pressure

Recommended Posts

AYOUB   

Madaxweyne-Ku-xigeenka Puntland oo ku dhawaaqay in beel ka mid ah kuwa dega SSC lagu Jahaado

Warkii 22-Sep-2007 iyo Qormadii: adan yasiin

 Shir Teleconference ah oo ay maanta yeelatey guddiga isku magacawdey Badbaadada SSC, ayaa go'aamiyey indagaal lagu qaado beel ka mid ah beelaha dega goboladaSSC.

 

Arrintan naxdinta leh ayaa waxa soo jeediyey madaxweyne-ku-xigeenka Puntland Xasan Daahir Afqudhacoo ku eedeeyey Beeshaas in ay xidhiidh la leeyihiin Asmara, Soomaaliland Muqdisho iyo Jabuuti,oo doonayaana in ay Puntland iyo dowladda federaalkaba dumiyaan. waasid a u hadalka udhigaye, Haddaba, eedaymaha masuulka oo aan waxba ka jirin,ayaa waxaa la yaab leh in xubnaha guddigu isku magacaabay golah badbaadada SSC in aay arrintan uriyaaqeen iskuna raaceen. shirkiina u sacab iyo rayraayn ku dhamaado

 

Go,aanka   qabyada  ah ee  aan  waxba ka jirin  aaya  shacabka  SSC ku keeni kara  cawaaqib  xumo horleh  iyo  Xiisad  Colaadeed oo cirka isku shareerta ,

 

 

takar02@hotmail.com

adan yasiin

http://www.afnugaal.com/warka.php?num=3759

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

FAALO=Madaxweyne-Ku-Xigeenka PL iyo La Tashiga Gudiga Burburka SSC;

 

 

Warkii 23-Sep-2007 iyo Qormadii: Cismaan

 Guddiga isku magacaaba Badbaadada SSC laakiin ku caan baxay burburinta iyo kala qaybinta beesha degta SSC ayaa la soo baxay dardar cusub iyagoo kaashanaya Madaxweyne-Ku-Xigeenka Puntland.

Shir Teleconference ah oo ay guddigani qabatey 09/22/07 ayaa waxaa kasoo qayb galey Xasan Daahir Afqudhac, iyadoo laga wada hadley xaaladda ka aloosan agagaarka Laas-caanood. Haddaba Mr.Xasan ayaa si gaar ah ugu eedeeyey dhibaatadan beel gaar ah.

Beeshan oo ka mid ah, beelaha asaaska u ah degmada Laas-caanod hadday tahay xag taariikheed iyo hadday tahay xag degaanba, ayuu Masuulku soo jeediyey in lagu jahaado lana baabi'iyo isagoo ku sheegey in ay xidhiidh la leeyihiin Somaliland, Muqdisho, Asmara iyo Jabuuti, ayna doonayaan in ay baabi'iyaan Puntland iyo dowladda federaalkaba.

Su'aasha meeshataala waxay noqoneysaa horta Somaliland, Asmara, Jabuuti iyo Muqdisho isku siyaasad ma yihiin? Jawaabtu waa maya (BEENI RAAD MA LEH, BAROOTUNA ORGIGA KA WEYN).

Masuulkan ayaa waxaa caado u noqotey in uu soo saaro go'aano ka dhan ah beeshaas markasta oo Madaxweynenimada Puntland uu ku sime ka noqdo. Waxaa kale oo caado u noqotey in uu kala saasaaro beelaha SSC isagoo waxii dhaqaale iyo maamul ahba gacanta u geliya jifadiisa oo keliya.

Tan kale, guddiga uu la tashado ee isugu yeedha badbaadada, dadka SSCna ugu yeedhaan BURBURINTA ayaa waxey yihiin kuwa ah hadhaadigii Maxamed Siyaad Barre sida guddoomiyahooda Shagaxle Xaaji Nuur. Waxayna ku kala nool yihiin iyaga iyo caruurahoodiiba Virginia, St.Jose, Toronto, iyo Columbus. Waxayna ku caan baxeen in ay dabagalaan nin kasoo jeeda gobolo kale oo xukun haysta ama xukun doon ah, godobna geliyaan shacabka SSC oo marba qabiil madaxa u geliyaan.

Dhacdadii ugu danbeysey ee Buuhoodle Etoobiyaanka loogu dhiibey ganacsata Soomaaliyeed ayaa noqotey mid Soomaali badani ka xanaaqdey, waxaana la xaqiijiyey in amarka lagu dhiibey uu Xasan Dahir Afqudhac ka dambeeyey howshii poliiskana uu faragelin ku sameeyey mustaqbalkana isaga lagala xisaabtami doono hadday tahay qoysaska raggani ka dhasheen iyo haddey tahay shacabka soomaaliyeedba. Dadweynaha reer Buuhoodle ayaan iyagu wax masuuliyad ah ku lahayn dhibaatdan, waayo waxay arkeen ciidamo Etoobiyaan ah oo magaaldii qabsadey.

Waxan faaladan ku soo gebagebeynayaa: Booraan hadimo ha qodin, haddaad qoddana ha dheerayn, ku dhici doontaana ma ogide. Xaaaladdan colaadeed ee ay abaabulayaa Xasan Daahir Afqudhac iyo raggiisa ayaa noqon doonta mid saameyn xun ku yeelan doonta dadka degaanka oo ka badbaadey dagaaladii sokeeye ee Soomaliya aafeeyey.

Waxan soo bandhigaya Cod saafi ah oo Shir Teleconference ahaa ee shalay hadii aaysan raaligalin ka bixin  gudida burburinto iyo inaa afqudhac

afeef Qoralkani afnugaal kama jurtumayo eewuxuu gaar u yahay Qoraga ku saxeexan

adan yaasin

Takar02@hotmail.com

 

http://www.afnugaal.com/warka.php?num=3764

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this