AYOUB Posted September 23, 2007 Madaxweyne-Ku-xigeenka Puntland oo ku dhawaaqay in beel ka mid ah kuwa dega SSC lagu Jahaado Warkii 22-Sep-2007 iyo Qormadii: adan yasiin Shir Teleconference ah oo ay maanta yeelatey guddiga isku magacawdey Badbaadada SSC, ayaa go'aamiyey indagaal lagu qaado beel ka mid ah beelaha dega goboladaSSC. Arrintan naxdinta leh ayaa waxa soo jeediyey madaxweyne-ku-xigeenka Puntland Xasan Daahir Afqudhacoo ku eedeeyey Beeshaas in ay xidhiidh la leeyihiin Asmara, Soomaaliland Muqdisho iyo Jabuuti,oo doonayaana in ay Puntland iyo dowladda federaalkaba dumiyaan. waasid a u hadalka udhigaye, Haddaba, eedaymaha masuulka oo aan waxba ka jirin,ayaa waxaa la yaab leh in xubnaha guddigu isku magacaabay golah badbaadada SSC in aay arrintan uriyaaqeen iskuna raaceen. shirkiina u sacab iyo rayraayn ku dhamaado Go,aanka qabyada ah ee aan waxba ka jirin aaya shacabka SSC ku keeni kara cawaaqib xumo horleh iyo Xiisad Colaadeed oo cirka isku shareerta , takar02@hotmail.com adan yasiin http://www.afnugaal.com/warka.php?num=3759 Quote Share this post Link to post Share on other sites
AYOUB Posted September 23, 2007 FAALO=Madaxweyne-Ku-Xigeenka PL iyo La Tashiga Gudiga Burburka SSC; Warkii 23-Sep-2007 iyo Qormadii: Cismaan Guddiga isku magacaaba Badbaadada SSC laakiin ku caan baxay burburinta iyo kala qaybinta beesha degta SSC ayaa la soo baxay dardar cusub iyagoo kaashanaya Madaxweyne-Ku-Xigeenka Puntland. Shir Teleconference ah oo ay guddigani qabatey 09/22/07 ayaa waxaa kasoo qayb galey Xasan Daahir Afqudhac, iyadoo laga wada hadley xaaladda ka aloosan agagaarka Laas-caanood. Haddaba Mr.Xasan ayaa si gaar ah ugu eedeeyey dhibaatadan beel gaar ah. Beeshan oo ka mid ah, beelaha asaaska u ah degmada Laas-caanod hadday tahay xag taariikheed iyo hadday tahay xag degaanba, ayuu Masuulku soo jeediyey in lagu jahaado lana baabi'iyo isagoo ku sheegey in ay xidhiidh la leeyihiin Somaliland, Muqdisho, Asmara iyo Jabuuti, ayna doonayaan in ay baabi'iyaan Puntland iyo dowladda federaalkaba. Su'aasha meeshataala waxay noqoneysaa horta Somaliland, Asmara, Jabuuti iyo Muqdisho isku siyaasad ma yihiin? Jawaabtu waa maya (BEENI RAAD MA LEH, BAROOTUNA ORGIGA KA WEYN). Masuulkan ayaa waxaa caado u noqotey in uu soo saaro go'aano ka dhan ah beeshaas markasta oo Madaxweynenimada Puntland uu ku sime ka noqdo. Waxaa kale oo caado u noqotey in uu kala saasaaro beelaha SSC isagoo waxii dhaqaale iyo maamul ahba gacanta u geliya jifadiisa oo keliya. Tan kale, guddiga uu la tashado ee isugu yeedha badbaadada, dadka SSCna ugu yeedhaan BURBURINTA ayaa waxey yihiin kuwa ah hadhaadigii Maxamed Siyaad Barre sida guddoomiyahooda Shagaxle Xaaji Nuur. Waxayna ku kala nool yihiin iyaga iyo caruurahoodiiba Virginia, St.Jose, Toronto, iyo Columbus. Waxayna ku caan baxeen in ay dabagalaan nin kasoo jeeda gobolo kale oo xukun haysta ama xukun doon ah, godobna geliyaan shacabka SSC oo marba qabiil madaxa u geliyaan. Dhacdadii ugu danbeysey ee Buuhoodle Etoobiyaanka loogu dhiibey ganacsata Soomaaliyeed ayaa noqotey mid Soomaali badani ka xanaaqdey, waxaana la xaqiijiyey in amarka lagu dhiibey uu Xasan Dahir Afqudhac ka dambeeyey howshii poliiskana uu faragelin ku sameeyey mustaqbalkana isaga lagala xisaabtami doono hadday tahay qoysaska raggani ka dhasheen iyo haddey tahay shacabka soomaaliyeedba. Dadweynaha reer Buuhoodle ayaan iyagu wax masuuliyad ah ku lahayn dhibaatdan, waayo waxay arkeen ciidamo Etoobiyaan ah oo magaaldii qabsadey. Waxan faaladan ku soo gebagebeynayaa: Booraan hadimo ha qodin, haddaad qoddana ha dheerayn, ku dhici doontaana ma ogide. Xaaaladdan colaadeed ee ay abaabulayaa Xasan Daahir Afqudhac iyo raggiisa ayaa noqon doonta mid saameyn xun ku yeelan doonta dadka degaanka oo ka badbaadey dagaaladii sokeeye ee Soomaliya aafeeyey. Waxan soo bandhigaya Cod saafi ah oo Shir Teleconference ahaa ee shalay hadii aaysan raaligalin ka bixin gudida burburinto iyo inaa afqudhac afeef Qoralkani afnugaal kama jurtumayo eewuxuu gaar u yahay Qoraga ku saxeexan adan yaasin Takar02@hotmail.com http://www.afnugaal.com/warka.php?num=3764 Quote Share this post Link to post Share on other sites